Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya Shir Madaxeedka Afrika iyo India oo ka dhacaya New Delhi

0
Thursday October 29, 2015 - 10:41:46 in Wararka by
  • Visits: 585
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya Shir Madaxeedka Afrika iyo India oo ka dhacaya New Delhi

    Muqdisho, 28 October 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka degey magaalada New Delhi ee caasimadda dalka India, halkaas oo uu kaga qeybgalayo Shir Madaxeedka Waddamada Af

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, 28 October 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka degey magaalada New Delhi ee caasimadda dalka India, halkaas oo uu kaga qeybgalayo Shir Madaxeedka Waddamada Afrika iyo India ee iskaashiga dhaqaalaha.

Madaxweynaha oo wafdigiisa ay ku wehliyaan Wasiirka Arrimaha Dibedda, Cabdisalaam Hadliye Cumar iyo mas’uuliyiin kale , ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada New Delhi ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda India iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhida India Ebyan Saalax.

Shirkan waxaa ka qeybgalaya dhammaann 54-ka dal ee qaaradda Afrika ay ka kooban tahay, waxaana diiradda lagu saarayaa kobcinta fursadaha maalgashi ee Afrika iyo India, iskaashi dhaqaale oo labada dhinac dhex mara iyo dhiirigelinta ganacsiga iyo shaqa abuurka.

Shirkan oo ah kii saddexaad ayaa waxaa labadii shir ee ka horeeyay waxay 2008 iyo 2011 ka kala dhaceen magaalooyinka New Delhi iyo Addis Ababa.


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka soo kicitimay magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudiga, halkaas oo uu ku joogey socdaal muddo laba maalmood ah, kulanna la qaatey Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis Al Sacuud iyo madax kale oo dalkaasi ka tirsan.

--DHAMMAAD—
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

unnamed 18
unnamed 15
unnamed 12
unnamed 16
unnamed 9


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip