C/qaadir Siidii "Halka ay diyaarada ku dhacday waa jidka isku xira Toora-Toorow iyo Afgooye"

0
Wednesday October 28, 2015 - 15:53:40 in Wararka by
  • Visits: 793
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/qaadir Siidii "Halka ay diyaarada ku dhacday waa jidka isku xira Toora-Toorow iyo Afgooye"

    Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa xaqiijiyay duhurnimadii maanta diyaarad ay ku dhacday duleedka galbeed ee degmada Afgooye, isagoo sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan diyaarada dhacday nooceeda iyo waxay sid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa xaqiijiyay duhurnimadii maanta diyaarad ay ku dhacday duleedka galbeed ee degmada Afgooye, isagoo sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan diyaarada dhacday nooceeda iyo waxay siday.

C/qaadir Siidii oo la hadlayay Radio Muqdisho ayaa sheegay in diyaaradan ay tahay tii labaad oo ku soo dhacday agagaarka Afgooye, kadib markii labo todobaad ka hor diyaarad xamuul aheyd oo sahay u siday AMISOM ay ku dhacday agagaarka deegaanka Carbiska.

"Diyaaradii labaad ayaa ku soo dhacday agagaarka Afgooye, abaarihii 1-dii duhurnimadii ayay soo dhacday, waxaa baaritaan ku heynaa diyaarada nooca ay tahay, waxay ku dhacday meel 9-KM dhanka galbeed ka xigta Afgooye, gaar ahaan tuulada Cusmaan Durre”ayuu yiri Mr Siidii.

Mr Siidii ayaa sheegay in hadii ay khasaaro jiraan ay dib ka soo sheegayaan, waxaana uu ka gaabsaday in diyaarada aheyd rakaab iyo in kale.

"Ciidamada xooga dalka iyo AMISOM ayaa hada ku baxay halka diyaarada ku dhacday, waxaa jidka u dhaxeeya Toora-Toorow iyo Afgooye, waxaa nagu maqaala ah in kooxihii nabad diidka inay ku dhow yihiin aagaas”ayuu mar kale yiri Mr Siidii.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in diyaarada dhacday ay tahay diyaarad yar, waxaana loo maleynayaa inay tahay diyaaradaha yar yar ee duulimaadyada ku taga gobolada dalka, kuwaasoo ay leeyihiin Shirkado Soomaaliyeed.

Xilliga ay diyaarada dhaceysay ayaa la sheegay inay roobab xoogan ka da’ayeen Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana laga yaabaa in hawada oo xumeyd darteed ay diyaarada u dhacday, walina wax faah faahin lagama haayo.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa la sheegay inay dul heehaabayaab aaga ay diyaarada ku dhacday, waxaana sidoo kale la sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay kormeerayeen halka ay diyaarada ku dhacday.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco mogtimes.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip