Xasan Abshir Faarax oo is-casilay Xildhibaanadii Baarlamaankana ku Wareejiyay Wiil uu dhalay

0
Wednesday October 28, 2015 - 15:39:00 in Wararka by
  • Visits: 654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Abshir Faarax oo is-casilay Xildhibaanadii Baarlamaankana ku Wareejiyay Wiil uu dhalay

    Xasan Abshir Faarax oo ka mid ahaa xildhibaanada baarlamaanka federaalka Somalia ayaa maanta sheegay inuu isaga casilay xildhibaanimadii baarlamaanka Somalia sababo caafimaad awgeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xasan Abshir Faarax oo ka mid ahaa xildhibaanada baarlamaanka federaalka Somalia ayaa maanta sheegay inuu isaga casilay xildhibaanimadii baarlamaanka Somalia sababo caafimaad awgeed.
Sidoo kale, wuxuu xilkiisii ku wareejiyay wiil uu dhalay oo lagu magaaabo Abshir Xasan Abshir Faarax, kaasoo isla maanta lagu dhaariyay xarunta baarlamaanka Somalia, isagoo bedelay aabbihiis.

Xasan Abshir ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii KMG ahaa ee waddanka soo maray, wuxuuna ra’iisul wasaare ka noqday dowladdii madaxweynaha ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan ee lagu soo dhisay magaalada Carte ee Jabuuti.

Abshir Xasan Abshir Faarax ayaa wuxuu ahaa danjirihii Soomaaliya ee dalka Burundi ka hor intii aysan dalkaas ka qarxin colaadaha salka ku haya awoodda xukunka waddankaas oo mar saddexaad loo doortay inuu sii hoggaamiyo Nkurunziza.



Ugu dambeyn, Xasan Abishir ayaan noqonayn mas’uulkii ugu horreeyay oo ku wareejiya xilka xildhibaannimo ee baarlamaanka Somalia, iyadoo horay uu xilka ugu wareejiyay wiilkiisa Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip