Warar dheeraad ah oo soo baxay ayaa sheegay in al Shabaab gacanta ay ku dhigtay diyaaraddii ku soo dhacday Deegaanka Cumar Beere ee duleedka Degmada Afgooye

0
Wednesday October 28, 2015 - 15:27:26 in Wararka by
  • Visits: 550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warar dheeraad ah oo soo baxay ayaa sheegay in al Shabaab gacanta ay ku dhigtay diyaaraddii ku soo dhacday Deegaanka Cumar Beere ee duleedka Degmada Afgooye

    Warar dheeraad ah oo soo baxaya ayaa sheegay in Xoogaga Ururka Al Shabaab, ay gaareen Deegaanka Cumar Beere, oo 10km u jirta Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose, halkaasoo duhurnimadii maanta ay ku soo dhacday diyaaradan. Diyaaradan, ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah oo soo baxaya ayaa sheegay in Xoogaga Ururka Al Shabaab, ay gaareen Deegaanka Cumar Beere, oo 10km u jirta Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose, halkaasoo duhurnimadii maanta ay ku soo dhacday diyaaradan. Diyaaradan, ayaa waxaa nooceeda lagu sheegay kuwa yar yar ee qaadka looga keeno dalka Kenya, lamana garanayo halkii ay ku timid iyo weliba meeshii ay ku sii jeeday. Xoogaga Al Shabaab oo isu gadaamay diyaaradaasi, ayaa waxay dadka u diideen inay u soo dhawaadaan, iyagoona la wareegay wixii diyaaradaasi saarnaa.

Warar kala duwan, ayaa ka soo baxaaya waxa ay diyaaradaasi siday, wararka qaar waxay sheegayan in agabyo ay siday, halka warar kalana ay sheegayaan inay qaad waday.

Illaa iyo hadda faah faahin badan lagama haayo inta qof ee diyaaradaasi la socotay iyo haddii ay shilkaasi ka badbaadeen iyo haddii kalaba. Sidoo kalana weli lama garanaayo dalka laga lee yahay.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan Cumar Beere, ayaa ku waramaya in jug xoogani ay maqleen, ka dib soo dhicistii diyaaradaasi. Ma kala cadda waxa sababay jugtaasi, balse ma jirto wax khasaaro ah oo ka soo gaaray dadka ku dhaqan halkaasi.

Dhanka kale waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in diyaargarow ay wadaan Ciidamada Dowladda, si ay ugu gaaraan goobtii ay diyaaraddu ku soo dhacday.

Cumar Beere, ayaa deegaan ahaan waxa uu ku yaallaa inta u dhaxeyso Afgooye iyo Toora Toorow. Toora Toorow waxaa gacanta ku haaya oo ka arrimiya Ururka Al Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip