Diyaarad goor dhow ku dhacday duleedka Degmada Afgooye

0
Wednesday October 28, 2015 - 15:14:29 in Wararka by
  • Visits: 578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad goor dhow ku dhacday duleedka Degmada Afgooye

    Diyaarad aan la garanayn halka laga lee yahay, ayaa waxay goor dhow ku soo dhacday Deegaanka Cumar Beere, oo qiyaastii 10km u jirta Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarad aan la garanayn halka laga lee yahay, ayaa waxay goor dhow ku soo dhacday Deegaanka Cumar Beere, oo qiyaastii 10km u jirta Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose

Ciidamada Dowladda Somaliya iyo Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose oo qaarkood ku sugnaa Degmada Afgooye, ayaa waxay ku sii jeedaan halkii ay ku soo dhacday.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Maxamed Xuseen Shiine, ayaa wuxuu xaqiijiyay in diyaaraddu ku soo dhacday Deegaankaasi Cumar Beere.

Afhayeenka, ayaa wuxuu sheegay in burbur weyn uu diyaaraddu ka soo gaaray shilkaasi, waxaana baareynaa buu yiri halka laga lee yahay iyo halkii ay ku sii jeeday.

Uuro xoog leh, ayaa qariyay goobtii ay diyaaraddu ku soo dhacday, waxayna dadku arkayaan qiiq cirka isu shareeray, sidoo kalana waxaa kacsan xaaladda halkii ay ku soo dhacday.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip