Dowladda Finland oo qaadaysa talaabo ay wax uga badalayso Soomaalida dalkaasi iska dhiibya.

0
Wednesday October 28, 2015 - 14:23:12 in Wararka by
  • Visits: 591
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Finland oo qaadaysa talaabo ay wax uga badalayso Soomaalida dalkaasi iska dhiibya.

    Waaxda Socdaalka Dowlada Finland ayaa soo saartay warbixin ay kaga hadleyso xaaladaha ammaanka ee dalka Soomaaliya, waxayna warbixinteeda ku cadaysay in ammaanka dalka Soomaaliya uu ka wanaagsan yahay sidii hore. finnish_government-690x350

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waaxda Socdaalka Dowlada Finland ayaa soo saartay warbixin ay kaga hadleyso xaaladaha ammaanka ee dalka Soomaaliya, waxayna warbixinteeda ku cadaysay in ammaanka dalka Soomaaliya uu ka wanaagsan yahay sidii hore. finnish_government-690x350 Waaxda Socdaalka Finland ayaa sheegtay iney wax badan ka badaleyso qaabilaada qaxootiga Soomaaliyeed ee tagaya dalka Finland, kuwaasi oo inta badan ku gali jiray dalkaasi in amni daro ay ka jirto koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Masuuliyiinta waaxda Socdaalka Finland ayaa sheegay in xaaladaha ammaanka Soomaaliya wax badan iska badaleen gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ah caasimada Soomaaliya,waxaana laga yaabaa in arintaasi ay saameyso qaabilaada qaxootiga Soomaaliyeed ee tagaya dalkaasi.

FIinland ayaa sheegtay in meelo ka mid ah Soomaaliya ay wali xaalad amni daro ka jirto ayna ka warqabaan, balse horumar amni ayaa laga dareemayaa magaalada Muqdisho iyo deegaano kale oo ku yaala koofurta dalka.

Qiimeyntii hore loo sameeyay marka lala barbar dhigo qiimeynta cusub ee waaxda socdaalka Finland ayaa la ogaaday inuu jiro isbadal weyn oo dhanka amaanka ah, waxayna taasi ay la micno tahay dadka ka tagaya Muqdisho iyo gobolada kale iney amni daro ku marmarsiyoon karin.

Dhanka kale ciidamada ammaanka ee dowlada iyo AMISOM ayaa lagu amaanay isbedelka dhanka amaanka ee ka jira magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran.

finnish_government-690x350




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip