BAAQ ODAYAAL DHAQAMEED: "Saddexdii sano ee la soo dhaafay waxaan indhaha ku heynay siyaasadda Madaxweyne Xasan"

0
Wednesday October 28, 2015 - 14:17:58 in Wararka by
  • Visits: 593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BAAQ ODAYAAL DHAQAMEED: "Saddexdii sano ee la soo dhaafay waxaan indhaha ku heynay siyaasadda Madaxweyne Xasan"

    Kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen odoyaasha dhaqanka, waxgaradka, aqoonyahanada, dhalinyarada iyo haweenka beelweybta Cumar Galmaax ayaa waxa ay si cad u qaadaceen magacaabista guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, laguna badalay guddoomiyaha sh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen odoyaasha dhaqanka, waxgaradka, aqoonyahanada, dhalinyarada iyo haweenka beelweybta Cumar Galmaax ayaa waxa ay si cad u qaadaceen magacaabista guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, laguna badalay guddoomiyaha sharciga ah ee gobolka ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab. Waxgaradkii iyo aqoonyahanadii kulanka yeeshay ayaa waxa ay tilmaameen in saddaxdii sano ee la soo dhaafay ay indhaha ku hayeen siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ee ku qotontay in xilalka laga xayuubiyo dadka indhaha u ah beelweynta Cumar Galmaax, kuwaaasi oo kala ah.

Nuur Xasan Xuseen Nuur cadde oo ahaa qabiir diblomaasi ah, isla markaana hayay xilka safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga, ahaana safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Midowga Yurub.

Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo ahaa safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya, isla markaana wax badan ka qabtay xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka caalamka, dibna u soo celiyay dhulkii ay lahayd safaaradda Soomaaliya, kaasi oo lagu badalay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka boqortooyada Sacuudiga Daahir Maxamuud Geelle oo ay isku heybyihiin Madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Maxamed Xuseen "Muungaab” oo ah guddoomiyaha sharciga ee gobolka benaadir, oo xilkiisa lagu badalay nin aan ahayn beel weynta ka soo jeedda Xamar iyo Xamar-daye.

kulanka ayaa sidoo kale waxaa la isku raacay in saddexda sano ee siyaasadda Xasan Sheekh aan wax horumar ah la gaarsiinin deegaannada ay ka soo jeedaan beelweynta Cumar Galmaax, taasi oo muujineysa sida loo cuuryaaminayo waxyaabaha ay xaqa u leehiyihiin

Beesha waxa aysan marna aqbali Karin in marti ay ka noqoto dhul-waynaha loo tiriyo beesha ee la yiraahdo Xamar iyo Xamar Daye lana duufsiiyo xaqa ay mudan yihiin.

Uga dambeyn, Beel weynta Cumar Galmaax waxa ay ugu baaqaysaa Mas’uuliyiinta dawladda iyo laamaha dawladda ay khusayso in ay fiiro gaar ah u yeeshaan baaqeena oo aysan dhaliilsan.

Sidoo kale Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Jaamacadda Carabta ayaan uga baaqaynaa inay si deg deg ah u soo fara geliyaan siyaasadda Madaxweynaha uu xaquuqdooda ku duudsiinayo beel weynta Cumar Galmaax. DHAMAAD


Xiagasho:- somaliweyn.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip