Toddobo nin oo Soomaali ah oo loo haysto maqalasnimo oo la soo taagey Maxkamad ku taala dalka Masar

0
Wednesday October 28, 2015 - 10:32:32 in Wararka by
  • Visits: 683
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Toddobo nin oo Soomaali ah oo loo haysto maqalasnimo oo la soo taagey Maxkamad ku taala dalka Masar

    Waxaa Talaadadii Maxkamad ku taala Magaalada Qaahira Ee Xarunta Wadanka Masar la horkeenay sagaal nin, oo toddobo ka mid ah ay Soomaali tahay, kuwaa oo loo haysto inay yihiin dadka muhaajiriinta ka tahriibiya xeebaha dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Talaadadii Maxkamad ku taala Magaalada Qaahira Ee Xarunta Wadanka Masar la horkeenay sagaal nin, oo toddobo ka mid ah ay Soomaali tahay, kuwaa oo loo haysto inay yihiin dadka muhaajiriinta ka tahriibiya xeebaha dalkaasi. Toddobada nin ee Soomaalida ah, ayaa waxaa siyaabooyin kala duwan gacanta ugu soo dhigay Ciidanka Booliska Masar, waxaana qaarkood lagala degay gawaaridii ay la socdeen, halka qaarka kalana laga soo qab qabtay guryihii ay ku sugnaayen.

Xeer Ilaalinta Masar, ayaa waxay sagaalkaasi nin ku soo eedeysay inay ku wada shaqaysan jireen tahriibinta dadka, ayna jiraan cadeymo muujinayo inay ku shaqaystaan muqalasnimo.

Warbaahinta Masar, ayaa sheegtay in Maxkamaddu ay dhigeysatay eedeymaha loo haysto raggaasi, ayna go’aamisay in cadeymo dheeraad ihi la horkeeno Maxkamadda.

Maxkamadda, ayaa maalmo dib u dhigtay dacwadda loo haysto muwaadiniinta u kala dhashay Somaliya iyo Masar, si baaritaano baaritaano dheeraad ihi ay u sameeyan laamaha ammaanka.

Maalmo ka hor, ayaa waxaa xabsiyada Masar lagu xiray toboneeyo Soomaali ah, ka gadaal markii ay gacanta ku soo dhigeen Ciidanka Booliska, xilli ay doonayen in xeebaha dalkaasi ka tahriibaan.

Wadanka Masar waxaa si aad ah ugu soo badanaaya dadka doonaaya inay ka tahriibaan, si ay mar uun cagta u dhigaan dalka Talyaaniga, kagana sii tallaabaan dalalka kale ee Qaaradda Yurub.

Xukuumadda Qaahira, ayaa waxay wadaa dadaalo ay ku dooneyso inay ku sameyso Maxkamad gaar ah, oo lagu qaado kiisaska dadka tahriibayaasha iyo kuwa kale ee dadka tahriibiya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip