Diyaaradaha isbahaysiga oo duqeeyay isbitaal MSF ku lee dahay dalka Yemen (SAWIRRO)

0
Wednesday October 28, 2015 - 10:26:10 in Wararka by
  • Visits: 719
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradaha isbahaysiga oo duqeeyay isbitaal MSF ku lee dahay dalka Yemen (SAWIRRO)

    Duqeynta oo sida la sheegay dhawr goor soo noq noqotay, ayaa waxaa lala beegsaday isbitaalka MSF ku lee dahay Degmada Hayden Ee Gobolka Saada, waxayna ku soo beegmaysaa, xilli horaantii bishan ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka, ay garaaceen isbitaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqeynta oo sida la sheegay dhawr goor soo noq noqotay, ayaa waxaa lala beegsaday isbitaalka MSF ku lee dahay Degmada Hayden Ee Gobolka Saada, waxayna ku soo beegmaysaa, xilli horaantii bishan ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka, ay garaaceen isbitaal kale oo MSF ku lee dahay Magaalada Kunduz Ee Wadaka Afghanistan Gobolka Saada waxaa ku xoogan Maleeshiyada Shiicada Yemen oo taageero ka helaaya dalka Iran, dagaal adagna kula jira Dowladda Yemen iyo dalalka isbahaysiga ee xagga cirka ka garaacaaya.

Hay’adda MSF, ayaa waxay wadamada uu Sacuudigu horkacaayo, ay Talaadadii ku eedeysay kuwo masuul ka ah duqeynta loo gaystay isbitaalkeeda, iyadoo dhinaca kalana cambaareysay falkaasi.

Afhayeen u hadlay MSF oo lagu magacaabo Hassan Boucenine, ayaa wuxuu sheegay in aanay jirin sabab ay diyaaradaha isbahaysigu u garaaci karayan goobahooda caafimaad, sababo ku aadan iyagoo bil kasta siiya raadeero muujinaya, halka ay ku yaallaan isbitaaladooda, si duqeymaha looga fogaado.

Xoghayaha Guud Qaramada Midoobe, Ban Ki-moon oo si kulul u cambaareeyay duqeynta, ayaa wxuuu dalbaday in baaris deg deg ihi lagu sameeyo.

Afhayeen u hadlay dalalka isbahaysiga, ayaa wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay, in diyaaradaha isbahaysigu ay ka masuul yihiin duqeyntaasi. Duqeyntan ayaan sababay khasaaro nafeed, balse waxa uu burbur weyn ka soo gaaray dhismaha isbitaalka.

Dagaalada ka soconaya dalka Yemen, ayaa waxaa lagu dilay in ku dhow lix kun oo ruux, halka lagu dhaawacay tiro ka badan 26,250 oo kale.

Wadamada isbahaysiga oo Sacuudiga uu hogaanka u haayo, ayaa waxay Dowladda Yemen ka caawinayan, sidii ay tallada dalkaasi dib ugu soo celin lahaayen gacanta Madaxweyne Abd-Rabbo Mansour Hadi.

MSFMSF1 MSF2 MSF3MSF3-MSF4MSF5MSF7MSF6






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip