DEG DEG: Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo goor dhow is casilay

0
Wednesday October 28, 2015 - 09:41:44 in Wararka by
  • Visits: 740
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo goor dhow is casilay

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland Saciid Xasan Shire ayaa goor dhow kaga dhawaaqay magaalada Garowe inuu iska casilay xilkii uu hayay. Is casilaada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa ka dambeysay kadib markii illaa 40 Xildhibaan oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland Saciid Xasan Shire ayaa goor dhow kaga dhawaaqay magaalada Garowe inuu iska casilay xilkii uu hayay. Is casilaada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa ka dambeysay kadib markii illaa 40 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Puntlan ay mooshin ka gudbiyeen

Mr Saciid Xasan Shire ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay kadib markii Ciidamo ka tirsan Puntland ay si inqilaab ah kula wareegeen Xarunta Baarlamaanka Puntland

Sidoo kale waxaa uu sheegay inuusan garaneyn sababta ay Ciidamada ula wareegeen xarunta Baarlamaanka, balse ay tahay mid carqaladeyn.

Warar soo baxayay ayaa sheegayay in ciidamada la wareegay xarunta ay markii hore u tageen inay sugaan amniga, kadib markii laga war helay inuu is casilayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Is casilaada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa timid, xilli maalmo ka hor uu furmay kalfadhigii 36ad ee Baarlamaanka Puntland, iyadoo su’aalo lagu weydiiyay Madaxweynaha Puntland.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip