WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO –28KA OKTOOBER

0
Wednesday October 28, 2015 - 08:15:11 in Wararka by
  • Visits: 1012
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO –28KA OKTOOBER

    MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO LA KULMAY BOQORKA DALKA SA'UDI ARABIA Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maamuud ayaa shalay soo dhaweyn heerkeedu sarreeyo loogu sameeyay qasriga looga arrimiyo boqortooyada Saudi Arabia oo ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO LA KULMAY BOQORKA DALKA SA'UDI ARABIA Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maamuud ayaa shalay soo dhaweyn heerkeedu sarreeyo loogu sameeyay qasriga looga arrimiyo boqortooyada Saudi Arabia oo ay booqasho rasmi ah ku joogaan isaga iyo wafdi uu hogaaminayao.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay boqorka dalka Saudi Arabaia boqor Salmaan Bin Abdiaziz Aala Sacuud, iyadoo ay wehliyaan wasiirrada Arrimaha dibedda, warfaafinta, Maaliyadda iyo taliyaha ciidanka nabadsugida Qaranka.

Golayaasha dowladda Saudi arabia ayaa u dhammaa kulankan laba geesoodka ah ee dhexmaray labada dowladood waxaana ay dowladda Sacudi arabia ballan qaadday inay Soomaaliya ka caawineyso arrimaha dib u dhiska, shaqaaleyn dad Soomaaliyeed oo dalka ka howlgeli doona iyo taageero dhinacyo badan.

Wasiirrada la socday madaxweynaha ayaa la kulmay dhiggooda wadanka iyagoo arrimo badan isla meel dhigay,

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Boqorku u sheegay inay Somaliya ay garab taaganyihiin islamarkaana wufuud ka socota Sacuudiga ay tegi doonaan Soomaaliya ,

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye” ayaa sheegay in dowladda hadda jirta ee Soomaaliya ay calaaqaadkacaalamka la leeyahay uu meel sare gaarsiisay.

KULAN HOWLEED KU AADAN DIB U EEGISTA DASTUURKA OO SHALAY LAGU QABTAY MUQDISHO

Kulan howleed ku aadanaa dib u eegista Dastuurka, kaasoo ay soo agaasintay Wasaaradda Dastuurka ayaa shalay lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa, waxaana kulankan goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna kusimaha madaxweynaha Mudane Maxamed Sh. Cismaan "Jawaari”, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, Guddoomiyaha Maxkamadda sare Avv. Ceydiid Ilkaxanaf, Wasiirka Dastuurka Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, xildhibaano, Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Q/midoobay Amb. Nickolas Kay iyo weliba khubaro caalami ah oo ku xeel dheer arrimaha Dastuurka.

Kusimaha madaxweynaha Mudane Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo kulanka furay ayaa sheegay in Dastuurkeena uu yahay Qabyo, loona baahan yahay in la dhameystiro, ayna u baahan tahay arrintaasi in si wada jir ah, talo iyo tusaale looga helo dowlad goboleedyada iyo maamul goboleedyada, qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, Baarlamaanka iyo dhamaan cid kasta oo loo arko inay aragti muhiim ah ku kordhin karto dhameystirka Dastuurka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid oo isna goobta ka hadlay ayaa xusay in khubarada iyo xildhibaanada Baarlamaanka iyo aqooyahanada kale ee madasha fadhiya ay diirada saaraan, sidii loo heli lahaa talooyin wax ku ool ah oo dhameystir u noqda Dastuurkeena qabyada ah.

Amb. Nickolas Kay ayaa isna soo dhoweeyey dadaalada iyo wadatashiyada ceynkan oo kale ah, kuwaasoo lagu doonayo in lagu dhameystiro Dastuurka qabyada ah haatan lagu dhaqmo, waxa uuna ballan qaaday in Q/midoobay iyo beesha caalamkuba ay taageero dhinacyo badan leh ka geysanayaan dhameystirka.

Wasiirka Dastuurka oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in Wasaaradda Dastuurku ay ku howlan tahay wadatashiyada qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, ayna kulankan ku casuumeen khubaro heer caalami ah kuwaasoo ay uga faa’iideysan doonaan arrimaha siyaasada, gaar ahaana arrimaha ku saabsan awooda, kheyraadka, canshuuraha, maadaama ay yihiin aqooyahano caalami ah.

ILKAXANAF "WAXAA CABASHO IIGA TIMID DADKII GOBOLADA WAQOOYI KA YIMID OO AAN TALADII DALKA LAGA QEYB GELIN”

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Avv. Ceydiid C/llaahi Ilkaxanaf ayaa sheegay inay jiraan cabashooyin ay qabaan dadka ka soo jeeda Gobollada waqooyi, kuwaasoo uu tilmaamay in aan laga qeyb gelin taladii dalka.

Avv. Ceydiid IlkaXanaf oo ka hadlayay kulan ay isugu yimaadeen siyaasiyiin iyo dadka ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee la baxay Somaliland ayaa sheegay in sida ay hada wax u socdaan ay horseedi karto midnimadii oo la wiiqo.

"Soomaalida dhulkeeda, goboladeeda iyo dadkeeda waa la yaqaan, Soomaalinimada iyo midnimada waxay ku jireysaa markii gobol walba ama cid walba ay talada ka qeyb gasho, hadii cid talada laga reebo, ama gobol ama degmo laga reebo oo aan lagu darin talada, macnaheeda waxa weeye Soomaalinimadii iyo midnimadii dalka ayaa la wiiqay”ayuu yiri Avv. IlkaXanaf oo sheegay in cabasho uga timid dadka ka soo jeeda Gobollada Waqooyi.

"Waxay dadku ka cabanayaan oo ay isugu yimaadeen oo aniga cabasho igu timid waxa weeye goboladii waqooyi ee qeyb ka mid ahaa dalkan Soomaaliya ayaa taladii waxba ku jirin, dadkii degmooyinka ama tuulooyinka matalayay ayaa talada laga reebay, hadii marka hore waqooyi ka nimid oo talo soomaali u nimid, waa midnimadii Soomaaliyeed iyo is raacii wiiqaya inaan ka hortagno, taas weeye tan qof walba u yimid”ayuu mar kale yiri Avv. Ceydiid IlkaXanaf.

Avv. IlkaXanaf ayaa carabka ku dhuftay in loo baahanyahay in Taladda Dalka laga qeeb galiyo dadka Soomaaliyed ee ka soo jeeda dhamaan Gobalada Dalka ,taa hadii la waayana waxa uu ka digay Midnimadda Soomaaliya in la weyn karo.

Guddoomiyha Maxakamadda Sare ee dalka ayaa sidoo kale sheegay hadii sidii loo baahnaa aan awooda dalka looga qeyb galin Siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada uu ka arrimiyo Maamulka Somaliland, isla markaana laga tago ay horseedi karto sida uu yiri midnimada Soomaaliya oo kala go’da.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo sii hadlayay ayaa yiri "Hadii laga tago oo la reebo oon waxba nagala weydiin ama taladeeda nagala reebo waxa weeye waa qatar, xumaan iyo midnimadii oo kala go’eyso oo la horseedo waa arkeynay waxyaabo badan oo maalmahan soo baxayay dad midnimada iyo jiritaanka dalka Soomaaliyeed wax yeelaya, waxyaabahaas ka hortageeda weeye ujeedada aan halkan u nimid”

Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobollada waqooyi ayaa xilal isugu jira Xildhibaano, wasiiro iyo xilal kale ka haya dowladda Federaalka, inkastoo Somaliland ay sheegtay inay dadkaas matalin, isla markaana tahay dal gooni uga go’ay Soomaaliya inteeda kale, balse aan wali helin aqoonsi caalami.

Shirkii Wada tashiga ee looga hadlayay doorashada 2016 ee todobaadkii hore lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho ayaa warmurtiyeedkii laga soo saaray waxaa ka mid ahaa in dadka ka soo jeeda Gobollada waqooyi ee Somaliland laga qeyb geliyo wada tashiyada.

WASIIRKA BARTOOLKA "FURSADO MAALGESHI AYAA KA JIRTA SOOMAALIYA, SHIRKA AYAANA KU SOO BANDHIGEYNAA”

Wasiiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika uga qeyb galay shir looga hadlayo sahminta shidaalka Qaaradda Afrika ayaa tilmaamay in shalay uu halkaasi ka soo jeedin doono khudbad uu kaga hadlayo xaalada dalka iyo kheryaadka uu Alle ku manastay dhulkeena.

Wasiiirka oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shirka ay horgeyn doonaan sida looga faa’ideysan karo kheyraadka dabiiciga ee dalkeena iyo fursadaha maalgeshi ee ay dowladda siineyso dadka daneynaya inay maalgeshi ku sameystaan gudaha dalka, si looga faa’iideysto kheyraadka

"Shirkan isbuucii shidaalka Afrika ayaa la dhahaa, daraad ayuu ka furmay Cape town waxaa culeyska lagu saraa sahminta iyo soo saaridda shidaalka Qaaradda, dhulka Soomaaliya waxaa ku jira kheyraad dabiici ah, waxaan aad u daneyneynaa in laga faa’iideysto kheyraadka, waxaana u nimid in aan u sharaxno fursadaha maalgeshi ee ka jirta Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka batroolka.

Shirkan oo daraad ka furmay dalka Koonfur Afrika ayaa la filayaa inay ka soo baxaan arrimo muhiim u ah Soomaaliya.

150 RUUX SOOMAALI LAGA SOO TARXIILAY SACUUDIGA OO SHALAY SOO GAARAY MUQDISHO

Diyaarad siday illaa 150 ruux Soomaali laga soo tarxiilay dalka Sacuudi Carabiya ayaa shalay ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Soomaalida la soo tarxiilay ayaa u badnaa caruur iyo haween, kuwaasoo laga dareemayay daal iyo dhibaatooyin kale oo ay kala kulmeen intii ay xabsiyada ku jireen.

Mid ka mid ah dadkii la soo tarxiilay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadka la soo tarxiilay ay gaarayeen 150 ruux, isla markaana in muddo ah ku noolaayeen dalka Sacuudiga.

Sidoo kale dadka qaar ayaa sheegay in guryaha loogu soo galay, isla markaana ay qabteen ciidamada Sacuudiga, waxaana kuwa kale ay sheegeen in iyagoo lugeynayay la qabtay.

Qaar ka mid ah dadkan ayaa wadan wax dhar ama agab, marka laga reebo dharkii ay wateen, waxaana qaarkood ay sheegeen in muddo bil ah ay xabsiga ku jireen.

dowladda Sacuudiga ayaa soo tarxiisha Soomaalida dalkeeda ku nool ee aan heysan sharciga dalkaas.

QARAMADA MIDOOBAY OO CIIDAMADA KENYA KU EEDEYSAY SONKOR SHARCIDARO AH INAY KA DHOOFIYAAN KISMAAYO

Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay Ciidamada Kenya ee howlgalka Amisom qaybta ka ah, kuna sugan Magaalada Kismaayo inay wadaan ka ganacsiga Sonkorta Sharcidarada oo ay u dhoofiyaan gudaha dalka Kenya.

Warbixinta Kooxda la socodka Xayiraada Hubka Somaliya, ay soo saartay ayaa lagu sheegay Kenya inay dhaqaalo badan oo faa’iido ah ay ka soo gasho Dhoofinta dhuxusha sharcidarada ah ee laga dhoofiyo Somaliya, loona dhoofiyo gudaha Kenya.

QM ayaa sheegtay in faa’iido ahaan ay ka soo gasho Kenya dhoofinta Sonkorta lacag gaareysa in Kabadan $800,000 taasi oo inta badan gacanta ugu dhacda Saraakiisha ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan.

Sonkorta ayaa la sheegay in laga qaado Dekada Magaalada Kismaayo, kadibna la geeyo dalka Kenya, halka qaarna Dekadaha dalka Kenya laga dejiyo, iyadoo dhanka badda la marsiinaayo.

Kenya gudaheeda sonkorta sida sharcidarada ah loo geliyo waa ka mamnuuc, waxaana dhowr mar ciidamada xuduuda ku sugan ay qabteen Gaadiid sonkor wada oo dalkaasi si sharcidaro ku gelinaya.

Dowladda Kenya, weli kama aysan jawaabin eedeyntaan ka soo baxday Qaramada Midoobay ee ku aadan dhoofinta Sonkorta Sharcidarada ah ee dalkaasi Kenya la geeyo.

UGANDA OO SHEEGTAY SHABAAB INAAN LOOGA ADKAAN KARIN DAGAAL MILATERI

Dowladda Uganda ayaa sheegtay Shabaab inaan looga adkaan karin dagaal Milateri oo kaliya, balse loo baahan yahay in la isticmaalo xeelado kala duwan oo ka baxsan dagaalka si Xoogaga Shabaab loo wiiqo.

Wasiirka Arimaha Dibada dalka Uganda Sam Kutesa oo la hadlay Wakaalada Wararka Xinhua, ayaa sheegay Kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalama dalalka Bariga Afrika, sida Shabaab iyo Boko Haram muhiim ay tahay in loo helo xeelado kale oo la isaga caabin karo.

Wuxuu tusaale u soo qaatay dalalka Bariga Afrika inay sameeyaan qaabab ay dadka ku tababaraan si ay isaga dhiciyaan Kooxaha Islaamiyiinta, taasi oo sahli karta ayuu yiri Shabaabka Somaliya ka dagaalama in la wiiqo.

Wasiirka ayaa sheegay in kororka dhalinyarada ku biirta AlShabaab iyo Boko Haram ay sababtay fursadaha shaqada oo dhalinyarada ku yar, faragalinta Shisheeye iyo kooxaha oo dhalinyarada caqliga ka xada.

Wasiirka arimaha dibada Uganda ayaa sheegay in dagaalka Milateri ee ka socdo Soomaaliya uusan xal u aheyn dagaalka ka dhanka ah Alshabaab loona baahan yahay in dowlada Soomaaliya ay ogaato asal aasaaska Alshabaab.

Uganda Somaliya waxaa ka jooga ciidamo badan oo ka mid ah howlgalka Amisom, waxaana ay ka howlgalaan Xoogooda Magaalada Muqdisho, laakiin malahan dhaqdhaqaaq badan oo Shabaab ay kula dagaalamaan, marka loo eego hubko casriga ah ay haystaan iyo sida aysan ugu dhaqaaqin dagaalka Shabaabka. Ururka Al Shabaab oo Somaliya ka dhisan, ayaa weeraro kala duwan ka geysta dalalka Kenya iyo Uganda, sidoo kale Shabaabka waxa ay ku hanjabaan inay weeraro ka geysan doonaan dalalka ciidamada ay ka joogaan Somaliya.

WARARKII UGU DAMBEEYAY SHABAAB OO WEERAR CULUS KU QAADAY DEGMADA BADHAADHE EE GOBOLKA JUBADDA HOOSE

Xoogaga Shabaab ayaa habeen hore saqdii dhexe, waxa ay weerar dagaal oo culus ay ku qaadeen Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubadda hoose oo ay ku sugan yihiin ciidamada Kenya ee howlgalka Amisom ka mid ah.

Dagaalka ayaa la sheegayaa in uu ahaa mid culus oo ku dhawaad saacad qaatay, iyadoo ciidamada Kenya ay si adag isaga difaacayeen Shabaabka weerarka dagaalka ah ku soo qaaday.

Rasaas iyo qoryo culus oo la isweydaarsanaayay ayaa laga maqlaayay gudaha Degmada Badhaadhe, taasi oo dareen cabsi ah ku abuurtay Bulshada Degmadaasi ku nool.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka Badhaadhe, ayaa sheegay ciidamo ka tirsan Shabaabka inay soo galeen xaafado ka mid ah Degmada Badhaadhe oo ay ka dagaalamayeen, waana midaasi tan keentay culeyska dagaalka.

Lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee dhinacyada dagaalamay soo kala gaaray, maadaama xilliga dagaalka uu dhacaayay ay aheyd xilli habeen ah, sidoo kalena aanan si buuxda xogtooda loo heli karin khasaaraha soo gaaray labada dhinac.

Xaalada Degmada Badhaadhe ayaa shalay ah mid degan, iyadoo ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ee Degmadaasi ku sugan ay ku baxeen shalay duleedka Degmada.

KHILAAF SOO KALA DHEXGALAY MASUULIYIINTA MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN

Khilaaf cusub oo soo shaac baxay ayaa soo kala dhexgalay masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan, iyadoo qaar ka mid ah masuuliyiinta Maamulka Degmada Beladweyne ay eedeyn u jeediyeen Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax.

Maxamed Cabdi Cismaan Macalin Khalaafoow Guddoomiyaha Degmada Beladweyne, ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan in uu Gobolka ka wado arimo ku aadan Hogaamiye Kooxood, wuxuuna sabab uga dhigay Wafdigii Ra’iisul Wasaare ku xigeenka uu hogaaminaayay in loo diiday inay la kulmaan Maamulka Degmada.

Waxa uu sheegay Guddoomiye Afrax masuuliyiintaasi inuu geeyay gurigiisa, islamarkaana cidii isaga uu doono uu la kulansiinaayay, halka loo diiday inay la kulmaan saddex masuul oo ka tirsan Maamulka Degmada Beladweyne.

Khalaafoow, waxa kale uu sheegay sida howsha ay ku socoto inay tahay arin uusan Gobolka horumar ku gaareyn, maadaama shaqooyinka Gobolka dhan uu isku koobay sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

C/fataax Xasan Afrax Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo maalin ka hor ku noqday Magaalada Beladweyne, ayaa Warbaahinta ka sheegay inaan loo dul qaadaneyn dad uu sheegay inay carqalad ka wadaan Gobolka Hiiraan.

Afrax, waxa uu sheegay inay jiraan masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan inay wadaan arimo carqalad ah oo saameyn ku yeelanaya howsha Maamulka. Wafdi uu hogaaminaayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka iyo Wasiiro ayaa tagay Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, si ay ugu kuur galaan xaaladaha dhanka ammaanka iyo nolosha.

Dhawaan ayaa maamul loo sameyn rabaa Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo arintaasi ay ku howlan tahay Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliya.

xigasho: dhacdo.com

WARARKA QAARADA AFRIKA

SIIR KA TIRSAN XUKUUMADA UGANDA OO BEENIYAY EEDEYMO LOOSOO JEEDIYAY CIIDAMADA BOOLIISKA

Wasiirudowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Uganda, James Baba ayaa beeniyay eedeymo loosoo jeediyay booliiska dalkaas, kuwaasoo la xiriiray inay si xun ula dhaqmeen mas'uuliyiin ka mid ah xisbiyada mucaaradka dalkaas, isagoo sheegay in habdhaqanka booliisku uu waafaqsan yahay dastuurka.

James Baba ayaa xusay in ciidanka booliisku aysan si xun ula marna dhaqmin mucaaradka, wuxuuna eedeymaha xubno mucaaradka ka tirsan ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin oo been abuur ah.

Dalka Uganda ayaa waxaa lagu wadaa inay ka dhacaan doorashooyinka baarlamaanka iyo tan madaxnimada bisha Feberaayo ee sannadka soo socda 2016ka, iyadoo madaxweynaha dalkaas Yoweri Museveni oo xilka soo hayay muddo 30sano ah uu doonayo in mar kale xilka loo doorto.

Horraantii bishan Oktoobar ayay ciidamada booliiska Uganda ayaa la sheegay inay dharka uga dhigeen meel maxfal ah oo telefishinnadu si toos ah warka uga tabinayeen; haweeney ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee FDC, Fatuma Zaina Abalinabyo, markaas oo booliisku ay isku iskudayay inay ishortaag ku sameeyaan madaxa xisbiga FDC, Kizza Besigye.

Balse, James Baba ayaa sheegay in Abalinabyo ay iyadu isqaawisay si ay ugu soo jiiddo eed ciidamada booliiska. Wuxuuna xusay in haweenka taageersan xisbiyada mucaaradka ah, gaar ahaan xisbiga FDC ay billaabeen dhaqan cusub oo ay uga dan leeyihiin sidii fariin siyaasadeed.

"Waxa xilligan dhacaya waa kuwo loogu talogalay inta xilliga doorashooyinka lagu jiro, feejignaanta ayaa sare loo qaaday, booliiskuna xaq bay u leeyihiin inay howlahooda qabsadaan. Dad badan ma doonayaan inay sharciga u hoggaansamaan ee waxay doonayaan inay sameeyaan waxay doonayaan oo dantoodu ku jirto. Sidaa darteed waajib ayaa naga saaran inaan sharciga iyo kala dambeynta ilaalinno,” ayuu yiri Baba.

Sidoo kale, wasiirudowluhu wasaaradda arrimaha gudaha dalka Uganda wuxuu diiday in booliisku ay si xun ula dhaqmeen xubnaha axsaabta mucaaradka dalka Uganda, gaar ahaan xubnaha xisbiga FDC. "Ciidanka booliisku waxay xaq u leeyihiin inay ilaaliyaan kala dambeynta & shariga dalka. Haddii saraakiisha booliisku ay amar idin siiyaan; fadlan qaado oo ha ka horimaan; waayo waxaa dhici karta inaad sameysaan dibadbax aan sharciga dalka waafaqsanayn, markaasoo boolisku waxay xaq u leeyihiin inay falalkaas oo kale ka hortagaan. Sidoo kalena shacabka Shacabkuna waxay sidoo kale leeyihiin xuquuq lagu dhowrayo,” ayuu hadalkiisa ku daray James Baba.

Dhanka kale, Baba wuxuu sheegay in la sameynayo guddi baaritaanno dhab ah ku sameeya eedeynta ku saabsan in la qaawiyay Fatuma Zaina Abalinabyo, isagoo yiri. "Haweeneydan waxaa daraad kula kulmay xafiiskeyga, waxaan kaloo la kulmay haween ka kala socoday ururrada haweenka iyo kuwa xuquuqda aadanaha dumarka. Fatumo waxay sheegtay inay booliisku qaawiyeen, waxayna diidday inay iyadu isqaawisay. Marka waxaan sameynayaa guddi baaris ku soo sameeya arrintan, cidii ku lug yeelatana waan la xisaabtamaynaa.”

Ugu dambeyn, ciidamada booliiska Uganda ayaa lagu eedeeyaa inay xadgudubyo dhan ka ah Xuquuqda Aadanaha ay ku kacayeen sannadihii lasoo dhaafay, sida ay sheegtay hay’ada Human Rights Watch. iyadoo HRW ay xustay in aysan xubnaha xibsiyada mucaaradka ahi la kulmi karin codbixiyeesha, gaar ahaan kuwa ku nool duleedyada magaalada Kampala, iyagoo la kulma falal ay ka mid yihiin; garaacis, xarig iyo xadgudubyo kale.

Si kasta ha ahaatee, James Baba ayaa ku adkeysanaya in ciidanka booliiska Uganda aysan wax dhibaato ah u geysan xubnaha asxaabta mucaaradka ah Uganda, laakiin ay ciidamadu gudanayaan waajibaadyad ooda Qaran.

BOQOLAAL AJAANIB AH OO KA CARARAY GANACSIYO AY KU LAHAAYEEN GOBOLKA EASTERN CAPE

Ugu yaraan 500 oo ajnib ah oo isugu jira Soomaali, Bangladesh, Itoobiyaa iyo Bakistaan ayaa ka cararay goobo ganacsi oo ku yaala deegaanka Grahamstown ee Bariga Gobolka Eastern Cape ee dalka Koonfur Afrika, kaddib rabshado halkaas ka qarxay dhamaadkii isbuucii lasoo dhaafay, waxana gabi ahaanba la bililiqeystay dukaamadii ay ajaanibtu ku lahaayeen deegaankaas.

Sida ay laamaha ammaanka ee gobolka Eastern Cape sheegayaan barakacinta iyo boobka hantida ajaanibta ayaa ka dhalatay kaddib markii la halay maydad dhowr ah oo dadka deegaanka ah, waxaana lagu eedeyeen ajaanibta in dadka maydadkooda la helay ay iyaga dileen. Hase ahaatee, dadka ajaanibta ah ee ganacsiyada ku lahaa deegaanka Grahamstown ayaa iska fogeeyay eedda ugu timid bulshada ay ku dhax ganacsadaan, waxaana ay sheegeen ajaanibta in dhibaata ba’an ay xilliydan dambe ka haystaya dadka ay ku dhax ganacsadaan, isla markaana ay dawladda hoose u gudbiyeen cabashooyin dhawr ah.

Dhanka kale, in ka badan 300 oo dukaan ayaa la xaqiijiyay in rabashadahaan ka dhacay Grahamstown lagu boobay, halka tiro kalane alaabadii tallaay laga raray, si aysan u sameyneyn boobka, waxaana ajaanibata oo qaarkood qoysaskooda weheliyaan ay maciinbadeen oo ay magangalyo ahaan ugu carareen goobaha nabdoon.

Ugu dambeyn, dowladda Koonfur Afrika ayaa ciidammo boqolaal gaaraya oo booliis ah u daadgureeyay deegaanka Grahamstown, si ay xaalada u dajiyaan waxaana wali jirta cabsi ku aaddan in rabashadaha ay ku fideen gobolka intiisa kale oo ganacsiyo xoogan ay ku leeyihiin ajaanibta gaar ahaan Soomaalida.

BOOLIISKA KENYA OO LAGU EEDEYAY INAY QAYB KA YIHIIN XADIDDA IMTIXAANADA DUGSIYADA SARE EE KCSE

Ciidanka booliiska dalka Kenya, ayaa lagu eedeyay iney qeyb ka yihiin xaditaanka Waraaqihii Imtixaanadka Dugsiyada sare ee Kenya (KCSE) oo ardaydu ay hada u fadhiyaan toddoaabadkii labaad.Sabina Chege oo ah Guddoomiyaha guddihoosaadka Baarlamaanka Kenya u qaabilsan arrimaha waxbarashada, ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in saraakiisha Booliska ay warqadaha furaan, isla markaasna ay Copy ama nuqul ka sameeyaan ka hor inta aysan u qeybinin ardayda Imtixaanka galeyso.

Waxay intaas ku dartay haweeneydaas oo ka tirsan Xisbiga talada Kenya hayo ee Jubilee, in Saraakiisha bilaysku markii ay fureen waraaqaha imtixaanka ay sawirro ka qadaan iyagoo isticmaalayo Taleefoonada casriga ah ee loo yaqaano Smartphones. Kaddibna laga iibiyay ama WhatsApp ahaan loogu diray qaar kamid ah ardayda Imtixaanka ku jirto.

Dhanka kale Afhayeenka Ciidamada Bilayska Kenya Charles Owino oo daraad la hadlay warbaahinta, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeynta loo soo jeediyay ciidamadooda. Wuxuuna sheegay in haweeneydaas haddii ay hayso cadeyn ay hor dhigto Guddiga Anshaxa iyo Ladagaallanka Musuqmaasuqa Kenya ee magaciisa loo soo gaabiyo (EACC) Ethics and AntiCorruption Commission. Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayey aheyd markii warbaahinta Kenya qaarkood ay shaaca ka qaadeen in si sharci daro ah loo iibinaayo Waraaqaha imtixaanka Dugsiga sare ee KCSE oo ay sheegeen in qiimaha ugu hooseeyo ee halkii warqad la gadaayo uu yahay Kun Shilling oo lacagta Kenya ah.

Sidoo kale baraha bulshada, ayaa la soo dhigay Nuqulo ka mid ah Waraaqo lagu sheegay iney yihiin kuwa Imtixaanka ka hor inta aanan loo gudbinin ardayda sannadkan imtixaanka u fadhiso.

Sida caadiga ah xilliyada ay Imtixaanaadka Dugsiyada waxbarashada Kenya ay dhacayaan, ayaa Waraaqaha imtixaanaadka waxaa marka hore laga soo qaado xarunta Golaha qaranka ee Imtixaanaadka Kenya (KNEC), waxaana la geeyaa Saldhigyada Ciidamada Booliska si ay waraaqahaas oga illaaliyaan iney gacanta u galaan dad weynaha iyo waliba ardayda Imtixaanka galeyso, iyagoona sidoo kale kor joogayaal ka ahaado xiliga ay ardaydu imtixaanka ku jiraan.

WARARKA CAALAMKA

RA’IISUL WASAARIHII HORE EE BRITAIN, TONY BLAIR AYAA RAALLIGELIN KA BIXIYAY DAGAALKII AY KU QAADEEN WADDANKA CIRAAQ SANADKII 2003DII, ISAGOO SHEEGAY INUU AHAA MID KHALAD AH, KADDIB WAREYSI ISNIINTII DARAAD SIIYAY TELEFISHINKA CNN.

Tony Blair ayaa sidoo kale qiray in xilliga la weerarayay dalka Ciraaq ay ahayd markii ugu horreysay oo ay soo ifbaxaysay kooxda Islaamiga ISIL oo hadda ka dagaalanta Ciraaq iyo Suuriya.

Sidoo kale, RW hore ee Britain ayaa wareysiga uu siiyay telefishinka CNN ee Mareykanka laga leeyahay ku sheegay inaysan waxba ka jirin warbixinnadii sheegaya in go’aankii uu ku galaydagaalka ay ku timid warbixin uu ka helay Sir John Chilcot.

"Waxaa jira arrimo run ah oo ay ka mid tahay in dagaalkii Ciraaq lagu qaaday uu sabab u ahaa inay sameysato kooxda ISIL oo kasoo go’day AlQaacidada Ciraaq; taasoo uu xusay inay ahayd tan xoojisay duullaanka ay dowladda Mareykanku hormuudka ka ahayd,” ayuu yiri Tony Blair.

Mar uu ka hadlayay sababtii xukunka looga tuuray madaxweyihii hore ee Ciraaq, Saddam Hussein ayuu yiri. "Runtii lama oran karo in ridistii Saddam ee 2013kii ay sabab u tahay xaaladda sannadkan 2015ka ka taagan dalka Ciraaq.”

"Laakiinse, waxaa mudan in la ogaado in waddamada Carbeed ee ay kacdoonnadu shacab ka dhaceen sannadkii 2011kii ay qaarkood shalay ku jiraan xaaladda Ciraaq ka jirta mid la mid ah; sida kooxda ISIS,” ayuu hadalkiisa ku daray Tony Blair.

Dhanka kale, Tony Blair ayaa raalligelin ka bixiyay khaladaadkii dhanka sirdoonka iyo qorshaha dagaalka ciraaq, isagoo xusay inuusan doonayn inuu hadda si gaar ah uu raalligelin uga bixiyo.

Weerarkii ay Mareykanka iyo dalalka xulufada la ah sida Ingiriiska ay sannadkii 2003dii ku qaadeen Ciraaq ayaa sabab looga dhigay in Saddam Hussein uu haysto hubka halista ah ee wax gumaada, kaasoo aan la helin markuu dhammaaday dagaalkii xukunka looga tuuray xukuumaddii Ciraaq.

"Anigu waxaan oran karaa raalligelin ayaan ka bixinayaa aaminaadii warbixinnadii aanu ka helaynay sirdoonku oo ahaa kuwo khalad ah, waayo waxaa naloo sheegay inuu haysto hubka sida ba’an wax u gumaada; laakiinse waxaan hadda ogaaday inaysan taasi waxba ka jirin,” ayuu mar kale yiri RW hore ee dalka Britain.

Tony Blair oo la weydiiyay haddii uu rumeysan yahay in dullaankii dalka Ciraaq uu ahaa mid khalad ah; sidee u aragtaa ridistii Saddam Hussein, ayaa wuxuu ku jawaabay. "Aad baan uga xumahay khaladaadkii dhacay iyo qaabkii dagaalkaas loo qorsheeyay. Waxaana qirsanahay inaan rumeysannay waxyaabo aan jirin.”

Isagoo sii hadlaya Blair ayuu intaas ku daray. "Way igu adag tahay in aan raalligelin ka bixiyo in xukunka laga tuuro Saddam Hussein, xitaa shalay aynu joogno 2015ka waxaa ila wanaagsan inuusan xukunka sii hayn, iska daa inuu weli xukuna Ciraaq sii hayo.”

Wargeyska The Mail ee London kasoo baxa cadadkiisii Isniintii ayaa waxay hadalka Tony Blair ee dagaalkii Ciraaq uga dhigeen cinwaan ‘Waa wakhti taariikhi ah oo uu Tony Blair ugu dambeyn kaga bixiyay raalligelin dagaalkii Ciraaq’.

Ugu dambeyn, duullaankii Ciraaq lagu qaaday ayaa sababay dhimashada dad lagu qiyaasay 461,000 oo ruux intii u dhexeysa sannadihii 20011kii illaa 2013kii, iyadoo dagaalkaas uu dhexmuquutay wixii xilligaas ka dambeeyay colaado sokeeye oo dhibaato badan sababay.

SUURIYA: 120,000 OO LABA TODDOBAAD BARAKACAY IYO DIYAARADAHA RUUSHKA UU DUQEYMO GEYSTAY

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 120,000 oo qof ay ka barakaceen dalka Suuriya muddo laba toddobad gudahood ah, iyadoo diyaaradaha dagaalka Ruushkuna ay 94bartilmaameed duqeeyeen 24kii saacadood ee la soo dhaafay.

Warbixin kasoo baxday QM ayaa lagu xusay in 120,000 ee ruux ay ka barakaceen saddex magaalo oo waaweyn oo waddadnkaas ku yaalla, sababo la xirira dagaallo ka socda tan iyo horraantii bishan Oktoobar.

Hay’adda arrimaha bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dadkan si khasab ah looga barakiciyay guryahoodii oo ku yaalla; gobollada Aleppo, Hama iyo Idlib, intii u dhexeysay 05tii illaa 22kii bishan Oktoobar.

Afhayeenka QM, Stephane Dujarric oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay dadkaan barakacay qaarkood aadeen deegaannada ay dowladdu ka taliso, halka kuwo kalena ay u barakaceen xero ku taalla xuduudda Turkiga uu la leeyhaya Suuriya.

"Dadkan guryhoodii ka barakacay waxay u baahan yihiin, teendhooyin ay hoy ka dhigtaan, alaabta guryaha lagu isticmaalo, cuno, biyo iyo adeegyo kale,” ayuu yiri Stephane Dujarric.

Colaadda ka socda dalka Suuriya ayaa waxaa ku dhintay 250,000 oo qof tan iyo sannadkii 2011kii, iyagoo ka dhigay dalka wadanka dunida ugu khatarsan oo ay ka barakaceen kana qaxeen shacabkiisa.

Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay soo saartay ku xustay in 3.9 milyan oo ka mid ah shacabka Suuriya ay ka carareen dalkooda, halka ugu yaraan 7.6 milyan qof oo kalena ay ku barakaceen gudaha dalka Suuriya.

Dhanka kale, diyaaradaha dagaalka Ruushka ayaa weli wada duqeymo ay ka geysanayaan dalka Suuriya, iyagoo 24kii saac ee lasoo dhaafay duqeeyay 94 bartilmaameed, waxaana tani ay noqonaysaa duqeymihii ugu badnaa ee Moscow ay ka geysato waddanka Suuriya, tan iyo markii ay duqeymaheeda billowday 30kii bishii September ee sannadkan.

"Weeraro 59 duqeymo ayay diyaaradaha dagaalka Ruushku fuliyeen 24kii saacadood ee la soo dhaafay, iyagoo garaacay 94 goobood oo ku yaalla gobollada; Hama, Idlib, Latakia, Dimishiiq, Aleppo iyo Deir Ezzor,” ayaa lagu yiri warbixin lagu soo daabacay wakaaladda wararka Ruusha oo laga soo xigtay afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Ruushka, Igor Konashenkov.

Ugu dambeyn, xukuumadda Ruushka ayaa waxay wacad ku martay inay duqeymo ku burburin doonto saldhigyada kooxaha mucaaradka ah ee xukuumadda Suuriya kasoo horjeeda iyo weliba saldhigyada kooxda Islaamiga ah ee Daacish.

MARKAB DAGAAL UU MAREYKANKA LEEYAHAY OO KU DHOWAADAY JAZIIRADAHA LAGU MURANSAN YAHAY EE SHIINAHA

Markab dagaal ee uu Mareykanka leeyahay ayaa ku dhowaaday biyaha lagu muransan yahay ee Koofurta Shiinaha oo ah jaziirado macmal ah oo Shiinuhu ka sameysteen aaggaas.

Goobahaas waxaa ku yaalla illaa 12 jaziiro macmal ah oo Shiinaha sameystay, kuwaasoo ay ku jiraan xero milateri, waxaana dhulkaas ka jiray murano u dhaxeeyay Shiinaha iyo dalalka deriska la ah.

Markabka dagaal ee Mareykanka oo lagu magacaabo USS Lassen ayaa illaa 12nautical mile u jirsaday biyaha Shiinaha, waxaana tallaabadan lagu sheegay howl gal bilow ah oo Mareykanka ka sameynayo biyaha lagu muransan yahay ee Shiinaha uu sheeganayo.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa cambaareeyay tallaabadan, waxaana uu ku tilmaamay mid ka dhan ah madax banaanida Shiinaha.

Sidoo kale Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sheegay in meelaha uu Shiinaha sheeganayo uu yahay biyaha caalamiga ah, iyadoo howl galadan ku tilmaamay mid uu ku marayo biyaha lagu mursan yahay.

Mareykanka ayaa sanadkii hore howl gal sidan oo kale ka sameeyay biyaha lagu muransan yahay ee ku yaalla koofurta Shiinaha, iyadoo tallaabadaas cambaareeyay Shiinaha.

MASJID:HADDII LAGA WAAYO,LABA QODOB, MA QAADAN KARO XUKUNKA MASJID,WUXUUNA NOQDAA..?

Waxaa jira in masaajiddo badan uu muran ka taagan yihiin,la isku qabqabsado,ammaanadii masjidkana la lunsado,marka dan bana ay keento in baytka Allah dhexdiisa la isku dagaallo dhiigna lagu daadiyo,sida aynu meelo badanba ku aragnay,markaana ay dhacdo in la kala tago colaadna la isku qaado.

Asbaab fara badan ayaana keeni kara in baytka Allah la ixti raami wa ay o,waxaana ugu weyn in dadka qa arkii oo aan ehel u ahayn loo dhiibo ama ga canta loo geliyo mas´uuliyadda baytka Allah,waxayna taasi keeni kar taa in ay dadkaasi kala sooci waayaan inay ma sjid joogaan ama in ay suuqa jooga an,rasuulkeena sallallaahu cal eyhi was allama wuxuu inoo sheegay, sida ku xusan saxiixu Muslim lambar 671 so ona weriyay abu Hureyra Allaha ka ra ali noqdee: magaalooyinka wuxuu Allah ugu jecel yahay masaajiddeeda,wuxuuna ugu neceb yahay su uqe eda,wey caddahay markaasi in ruuxu hadduusan kala garanayn labadaas qaybood in uu markaasi wixii suuqa yaalo uu keenayo ama uu ku isticmaalayo baytka Allah,immisaa la arkay in masjidka dhexdiisa ku ganacsada wixii ay doonaana ku sameeyay,u fiirso masaajidda qaarkood umaba malaysid in aad dhex joogtid baytka Allah,maxaa yeelay waxaa lagu hayaa xan,ganacsi,shukaansi iyo wax la mid ah,halkii la rabay in ay lagu hayo xuska Allah iyo bara shada kitaabka iyo sunnaha rasuulka sallallaahu caleyhi wa sall ama,haddii aad isku daydana in aad ka celiso kuwa xushalay ka wada baytka Allah,waxaaba laguu arkaya in aad tahay shar wa de,halkii la rabay in laguu arko khayr wade.

Sida la ogsoon yahay,masjid waa meel cibaado iyo in cilmi lagu barto loogu talagalay, masjidna waxaa nafaqo u ah dacwo,macnaha in ay ay duruus ka socoto,kutubo lagu akhriyo, muxaadarooyin laga soo jeediyo,shanta salaadoodna lagu oogo,haddii la waayana masj idkii wuxuu ka baxaya macnaha masjid,wuxuuna isku beddalaa me el lagu haasaawo oo lagu qaxweeyo ama lagu cunteeyo,meel lagu ganacsado oo la isku shukaansado,meel lagu ballamo oo xaaraanta lagu cuno.

Allah wuxuu amray in la oogo oo la dhiso masaajidyo,si Allah loogu caabudo laguna xuso, Allah wuxuu qur’aankiisa kariimka ah ku yiri:masaajidda Allah waxaa cammira qofkii Allah rumeeyay iyo maalinta danbe,macnaha maalinta qiyaame,salaaddana oogay, sak aduna bixiya, kana baqaynin waxaan Allah ahayn, waxayna kuwaasi u dhow yihiin in ay ka mid noqdaan kuwa hanuunsan (suuradda Att owaba, aayad lambar 18),cammiridda masjidka kuma koobna oo keliya dhismihiisa,balse sida ay aayadda sheegayso waa cammirid macnihiisa dhabta ah weeyaan,waxaana soo galaya:qofkii dhisayay ama maalkiisa xalaasha ah ku tabarucayay ama dahabkii uu hays tay ku deeqayay ama qofkii u ordaayay ururinta lacagtii lagu dhisi la haa masjidka ama qofkii ku tabaruci lahaa ka qaybgalka dhismaha, cammiriddu waxay kaloo soo galaysa qofka ku tukada,qofka qur ’aanka ku dhex akhriya,qofka ku werdiya,qofka dadka wax ku bara iyo qofka wax ku barta.

Masjidka waa meel loogu talogalay in salaadaha shanta ah lagu daa´imiyo,waqafna ah,waana in ay meesha ka baxdaa qof milki u leeyahay,mana bannaana markaasi in la iibiyo,haddiise aan lagu oogin shanta salaadood qofna uu leeyahay meesha lagu tukanayo, ma noqon karo masjid,xukunka masjidna ma qaadanayo,waxayna ahaanaysa meel musalla ah,sida:meel ka mid ah meelaha lagu tu kan karo oo aan shanta salaadood lagu daa´imin karin,meelahaas ina waxaa ka mid ah:xafiisyada,dugsiyada,warshadaha iyo meelaha la midka ah, meelahaasina ma qaadan karaan xukunka masjid, lag umana oogi karo taxiyatul masjid,waayo ma´ahan meel waqaf ah mana ahan meel shanta salaadood lagu daa´imiyo,sidaas daraad eed shuruudaha laga doonayo in uu masjid noqdo waxaa aasaas u ah labo qodob oo muhiim ah:

1In meesha lagu tukanayo ay ahaato meel waqaf ah oo aan qofna milki u lahayn.

2In la iclaamiyo in meeshaasi lagu oogayo salaadaha shanta ah,qof kasta oo muslim ahna aan laga mamnuuci karin,ka dibna wa xaa soo raaca waxyaabo farabadan oo ay ka mid yihiin:

1In masjidka la dayactiro,la hagaajiyo lana nadiifiyo,waxaana fiican in lagu dadaalo sidii uu markasta u noqon lahaa meel caraf badan oo udgoon ah,lagana dhowro dadka ku tukanayo iyo malaa’iktaba wax kasta wixii dhibaya,sida basasha iyo toonta,labada sheekh sax iixooda ee Bukhaari lambar 855 iyo Muslim lambar 564 waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay Jaabir bin Cabdullahi Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:qofkii cuna toon ama basal ha naga fogaado ama haka fog aado masjidkeena,gurigiisana ha fadhiisto,maxaad u malaysay mar kaasi kuwa toon iyo basal masjidka dhexdiisa ku cunayo.

2Waxaa masjidka dhexdiisa ka mamnuuc ah in naado lagu same eyo,xadiis uu saxiixiisa ku soo saaray Muslim lambar 568 soona weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee,wuxuu sheegaya in ras uulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:qofkii maqla qof masjidka dhexdiisa baadi ka naadinaya,haku yiraahdo:Allaha kuuma soo celiyo,masaajidda looma dhisin waxyaabahaasi oo kale,sunnooy inka Tirmidina waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqde,kaasoo sheegaya,in rasuulka sallallaahu cal eyhi wasallama uu yiri:haddii aad aragtaan qof wax ku dhex gadaya ama ku iibsanaya masjidka, waxaad ku dhahdaan:Allaha ribix ka ama siiyo ganacsigaada,sheekh Albaani wuxuu xadiiskan uu ku sax iixay saxiixu sunnan Attirmid lambar 1321 iyo saxiixul jaamic lambar 573,maxaa markaasi u malaysay kuwa xawaaladaha ku kala qaata iyo wixii la mid ah.

3Baytka Allah waxaa mas’uul looga dhiga,dad ehel u ah,aqoo nna u leh kitaabka Allah iyo sunnaha rasuulka sallallaahu ca leyhi wasallam,waana in ay ahaadaan dad lagu dayan karo oo asluub leh shareecada islaamkana yaqaano,noloshooduna ku daba qa,qowlko oda iyo ficilkooduna ay is waafaqasan yihiin,been iyo khiyaanana ka fog.

4Haddii ay dhacdana in masjidka gacanta loo geliyo dad fuxshi gooda la jahrayo oo bannaanka u soo dhigayo ama dad lagu gartay in ay xanbaarsan yihiin sifooyinka lagu garto munaafaqa, sida: be enta iyo khiyaanada, waxaa markaasi caddaanaysa in kuwaasi ay san dhowraynin masjidka,xoolahooda iyo xoolaha masjidkana aan u kala soocnaan karin,waxaana kuwaasi ku dhacaysa caro Eeb be,Allah subxaanahu watacaala wuxuu yiri: kuwaasi waa kuwo nol osha adduunka ku iibsaday aakhiro,lagamana fududeeyo xaggooda cadaabta,loomana gargaaro (suuradda AlBaqaraa, aayaad lambar 86).

Baytka Allah ma cammiro ehelna uma ahan,qof xaaraan ku dhex jira oo masalan ribo cun ah ama wax is dabomarinayo,sida kuwa iim aankoodu daciifka yahay oo ku nool nolosha loo yaqaano separa teka,macnaha kuwa noloshooda ka dhigtay:waan is qabnaa ismana qabno, macnaha dadka asxaabta ah marka aan la joogno waan is qabnaa,marka aan xafiisyada dawladda aan danta ka leenahay la joognana isma qabno,arrinkanina waxay aad uga jirta Mareykan ka,Yurub iyo Australia si loo helo labo dakhli,naagtana dakhli u gaar ah,ninkana dakhli u gaar ah,waxaana kuwaasi loo yaqaana single mothers ama waxa ay Hollandeeska u yaqaanaan Alleenstaande moeder,dalkan Holland waaba la isku faana heblaayo wey nimcay satay intaasoo lacag ayaa bishii u soo dhacda,bal eega waxa lagu faanayo,xaaraantii ayaaba la leeyahay waa nimco.

Allah wuxuu u ballan qaaday kuwa xumaynaya masjidka ama dadka ku aflagaadeeya ama sabab u noqda in ay dadka ka fogaada an masjidka,in aakhiro ay helayaan cadaab,Rabbi wuxuu yiri:yaa ka dulmi badan qof diiday in masaajidda Allah dhexdiisa lagu xuso mag aciisa una orda oo u howlgala sidii ay u xumayn lahaayeen masaaj idda,kuwaasi xaq uma laha in ay galaan masaajidda iyagoo cabsi ku sugan mooyaane,adduunka waxay ku mutaysanayaan hoog iyo kha saare,aakhirana cadaab weyn (suuradda AlBaqara,aayad lambar 114).

Waxaa kaloo masjidka dhexdiisa laga mamnuucay in codka kor loo qaado inta masjidka lagu dhex jiro,xataa marka qur’aan lagu akhrinayo masjidka dhexdiisa,waa in codka hoos loo dhigaa,imaam Maalik Allaha u naxariiste wuxuu yiri:waa in laga saaro masjidka,qofkii ku kaca falkaas oo kale,macnaha qofkii codkiisa kor u qaada inta lagu dhex jiro masjidka, sheekhul islaam ibnu Taymiya Allaha u naxariiste,wuxuu yiri:qofna uma bannaana in uu dhibo dadka ehelka u ah masjidka mana ahan in uu dhibo dadka salaadda ku jira ama dikriga ku mashquulsan ama ducaysanaya ama dersi bixinaaya ama dersi dhegaysanaya,masaajidda qaarkood ee immi nka jira waxaab loo tagaa baashaal.

W/D:MAXAMED XUSEEN (MAXAMEDEYN) WAA INOO MARKALE IYO MOWDUUC KALE HADDII ALLAH IDMO DEN HAAG/HOLLAND xigasho:Somaliweyn.com

 

OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS

OGEYSIIS MUHIIM AH OO AY KUU HYESO:-

WASAARADDA X.XOOLAHA,DHIRTA IYO DAAQA J.F.S. {SOO BANDHIGID JAGO-BANNAAN}

Wasaaradda X.Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa JFS, waxay si furan u soo Bandhigays aa inay qaadaneyso Hal Ruux oo ah la Taliye Xagga Dhismaha ah (Civil Engineer).

SHURUUDAHA LAGA DOONAYO QOFKA SOO DALBANAYAA XILKAAS WAA SIDAN:-

1. Waa in uu yahay Soomaali

2.Waa in uu yahay Injineer dhismaha haysta shahaaddo jaamacadded oo la Aqoon sanyahay.

3.Waa in uu leeyahay khibrad xagga Dhismaha,Dayactirka iyo Naqshadeynta Guryaha ugu yaaraan labo sanadood.

4.Waa in uu diyaarinkaraa qoraallada, heshiisyada dhismaha iyo dayactirka lala gelayo hay’adaha caalamiga ah.

5.Waa in uu aqoon sare u leeyahay afka Ingiriiska.

6.Waa in uu arjigiisa ugu soo gudbiyaa Wasaaradda muddo 10 cisho gudohood ah oo ka bilaabanaysa 01/11/2015.

7.Waa inuu ku soo gudbiyaa codsigiisa gal xiran,soona raaciyaa,2 sawir (Pass portsize) iyoTaariikh nololeedkiisa oo ey ku caddahay Aqoontiisa iyo khibraddiisa.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip