Kulan howleed ku aadan dib u eegista Dastuurka oo maanta lagu qabtay Muqdisho

0
Tuesday October 27, 2015 - 18:07:15 in Wararka by
  • Visits: 631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan howleed ku aadan dib u eegista Dastuurka oo maanta lagu qabtay Muqdisho

    Kulan howleed ku aadanaa dib u eegista Dastuurka, kaasoo ay soo agaasintay Wasaaradda Dastuurka ayaa maanta lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa, waxaana kulankan goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna kusimaha madaxweynaha Mudane Maxamed Sh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan howleed ku aadanaa dib u eegista Dastuurka, kaasoo ay soo agaasintay Wasaaradda Dastuurka ayaa maanta lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa, waxaana kulankan goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna kusimaha madaxweynaha Mudane Maxamed Sh. Cismaan "Jawaari", Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, Guddoomiyaha Maxkamadda sare Avv. Ceydiid Ilka-xanaf, Wasiirka Dastuurka Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, xildhibaano, Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Q/midoobay Amb. Nickolas Kay iyo weliba khubaro caalami ah oo ku xeel dheer arrimaha Dastuurka.
Ku-simaha madaxweynaha Mudane Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo kulanka furay ayaa sheegay in Dastuurkeena uu yahay Qabyo, loona baahan yahay in la dhameystiro, ayna u baahan tahay arrintaasi in si wada jir ah, talo iyo tusaale looga helo dowlad goboleedyada iyo maamul goboleedyada, qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, Baarlamaanka iyo dhamaan cid kasta oo loo arko inay aragti muhiim ah ku kordhin karto dhameystirka Dastuurka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid oo isna goobta ka hadlay ayaa xusay in khubarada iyo xildhibaanada Baarlamaanka iyo aqooyahanada kale ee madasha fadhiya ay diirada saaraan, sidii loo heli lahaa talooyin wax ku ool ah oo dhameystir u noqda Dastuurkeena qabyada ah.

Amb. Nickolas Kay ayaa isna soo dhoweeyey dadaalada iyo wadatashiyada ceynkan oo kale ah, kuwaasoo lagu doonayo in lagu dhameystiro Dastuurka qabyada ah haatan lagu dhaqmo, waxa uuna ballan qaaday in Q/midoobay iyo beesha caalamkuba ay taageero dhinacyo badan leh ka geysanayaan dhameystirka.

Wasiirka Dastuurka oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in Wasaaradda Dastuurku ay ku howlan tahay wadatashiyada qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, ayna kulankan ku casuumeen khubaro heer caalami ah kuwaasoo ay uga faa’iideysan doonaan arrimaha siyaasada, gaar ahaana arrimaha ku saabsan awooda, kheyraadka, canshuuraha, maadaama ay yihiin aqooyahano caalami ah.

---Dhammaad-----

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka


Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

IMG 8329
IMG 8339
IMG 8288
IMG 8333
IMG 8361
IMG 8422
IMG 8397

1px
©2015 Office Of the Prime Minister | Mogadishu | Somalia


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip