Markab dagaal uu Mareykanka leeyahay oo ku dhowaaday Jaziiradaha lagu muransan yahay ee Shiinaha

0
Tuesday October 27, 2015 - 15:52:19 in Wararka by
  • Visits: 616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markab dagaal uu Mareykanka leeyahay oo ku dhowaaday Jaziiradaha lagu muransan yahay ee Shiinaha

    Markab dagaal ee uu Mareykanka leeyahay ayaa ku dhowaaday biyaha lagu muransan yahay ee Koofurta Shiinaha oo ah jaziirado macmal ah oo Shiinuhu ka sameysteen aaggaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markab dagaal ee uu Mareykanka leeyahay ayaa ku dhowaaday biyaha lagu muransan yahay ee Koofurta Shiinaha oo ah jaziirado macmal ah oo Shiinuhu ka sameysteen aaggaas.

Goobahaas waxaa ku yaalla illaa 12 jaziiro macmal ah oo Shiinaha sameystay, kuwaasoo ay ku jiraan xero milateri, waxaana dhulkaas ka jiray murano u dhaxeeyay Shiinaha iyo dalalka deriska la ah.

Markabka dagaal ee Mareykanka oo lagu magacaabo USS Lassen ayaa illaa 12-nautical mile u jirsaday biyaha Shiinaha, waxaana tallaabadan lagu sheegay howl gal bilow ah oo Mareykanka ka sameynayo biyaha lagu muransan yahay ee Shiinaha uu sheeganayo.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa cambaareeyay tallaabadan, waxaana uu ku tilmaamay mid ka dhan ah madax banaanida Shiinaha.

Sidoo kale Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sheegay in meelaha uu Shiinaha sheeganayo uu yahay biyaha caalamiga ah, iyadoo howl galadan ku tilmaamay mid uu ku marayo biyaha lagu mursan yahay.

Mareykanka ayaa sanadkii hore howl gal sidan oo kale ka sameeyay biyaha lagu muransan yahay ee ku yaalla koofurta Shiinaha, iyadoo tallaabadaas cambaareeyay Shiinaha.


markab dagaal




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip