DHAGEYSO:- Madaxweyne Siilaanyo oo sheegay inuu soo buuxinaayo Boosaskii ay baneeyeen Wasiiradii iscasilay

0
Tuesday October 27, 2015 - 12:45:52 in Wararka by
  • Visits: 640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHAGEYSO:- Madaxweyne Siilaanyo oo sheegay inuu soo buuxinaayo Boosaskii ay baneeyeen Wasiiradii iscasilay

    Kadib markii shalay Wasiiro ka tirsan Maamulka Somaliland oo gaaraya 9 Wasiir ay xilkii ay ka hayeen Maamulka Somaliland si rasmi ah ay ugu dhawaaqeen inay iska casileen, ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo ka hadlay arintaasi sheegay inu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markii shalay Wasiiro ka tirsan Maamulka Somaliland oo gaaraya 9 Wasiir ay xilkii ay ka hayeen Maamulka Somaliland si rasmi ah ay ugu dhawaaqeen inay iska casileen, ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo ka hadlay arintaasi sheegay inuu soo buuxinaayo boosaskii ay baneeyeen Wasiiradaasi.

Axmed Maxamed Maxamuud "Siilaanyoā€¯ Wasiirada ayaa sheegay inay badan yihiin dadka islamarkaana laga maarmi karo Wasiirada iscasilay, isaga oo sheegay in si deg deg ah uu u soo buuxin doono Boosaskaasi.

Waxa kale uu sheegay Xukuumadiisa inaysan wax saameyn ah ku yeelan doonin iscasilaada ay iscasileen Wasiirada ka tirsan Maamulka Soomaaliland.

9-ka Wasiir ee xilalka iska casilay ayaa waxaa ka mid ah Wasiiro laf dhabar u ahaa Maamulka Somaliland, waxaana ka mid ahaa Wasiiradaasi Wasiirkii Madaxtooyada iyo Wasiirkii Arimaha Dibada Somaliland.

Siyaasada Somaliland ayaa ah mid aad u kacsan, marka loo eego xilalkii ay iska casileen Wasiirada miisaanka ku lahaa SIyaasada Somaliland.

Hoos ka Dhageyso Codka:-

Audio Player



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip