Gudoomiyaha Maxkamadda sare oo ka dhawaajiyay inay halis ku jirto midnimada Soomaaliyeed.

0
Tuesday October 27, 2015 - 11:46:05 in Wararka by
  • Visits: 608
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Maxkamadda sare oo ka dhawaajiyay inay halis ku jirto midnimada Soomaaliyeed.

    AVV. Caydiid C/llaahi Ilka Xanaf Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa sheegay inay jiraan cabashooyin ay qabaan dadka ka soo jeeda Gobalada Waqooyi ee Dalka oo uu isaga kamid yahay, wuxuuna sheegay in aan sidii loogu tala galay looga qeyb galin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

AVV. Caydiid C/llaahi Ilka Xanaf Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa sheegay inay jiraan cabashooyin ay qabaan dadka ka soo jeeda Gobalada Waqooyi ee Dalka oo uu isaga kamid yahay, wuxuuna sheegay in aan sidii loogu tala galay looga qeyb galinin Taladda Dalka. Ilka Xanaf wuxuu sheegay in loo baahan yahay in Taladda Dalka laga qeyb galiyo dadka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda dhamaan Gobalada Dalka ,taa hadii la waayana wuxuu ka digay Midnimadda Soomaaliya in la weyn karo.
Guddoomiyha Maxakamadda Sare ee Dalka ayaa sidoo kale sheegay Hadii sidii loo baahnaa aan awooda dalka looga qeyb galin Siyaasiyiinta ka soo jeeda Daganadda uu ka arrimiyo Maamulka Somaliland, islamarkana laga tago ay horseedi karto sida uu yiri midnimada Soomaaliya oo kala go’da.

Xildhibaanno iyo Mas’uuiliyiin Xilal ka haya Dowladda Soomaaliya oo ka soo jeeda Gobalada Waqooyi ee Soomaaliya ayaana la dhicin qaabka aan looga qeyb galini shirkii Madasha Wada tashi Qaran oo Todobaadkii Tagay lagu qabtay Muqdisho.
Dhanka kale warmurtiyeedkii laga soo saaray shirkaasina waxaa ka qeyb ahaa In laga qeyb galiyo shaqsiyaad ka soo jeeda Gobalada Waqooyi ee Dalka
xigasho:-somaliweyn.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip