Wasaarada Amniga oo sababta Mootooyinka Bajaajta looga mamnuucay wadada Madaxtooyada ku sheegtay arimo amni

0
Tuesday October 27, 2015 - 10:09:12 in Wararka by
  • Visits: 621
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada Amniga oo sababta Mootooyinka Bajaajta looga mamnuucay wadada Madaxtooyada ku sheegtay arimo amni

    Iyadoo Mootooyinka Bajaajta laga mamnuucay inay maraan wadada horumarta Madaxtooyada Somaliya, ayaa Wasaarada Amniga waxa ay sheegtay sababta looga mamnuucay wadadaasi inay tahay arimo ku aadan ammaanka Madaxtooyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo Mootooyinka Bajaajta laga mamnuucay inay maraan wadada horumarta Madaxtooyada Somaliya, ayaa Wasaarada Amniga waxa ay sheegtay sababta looga mamnuucay wadadaasi inay tahay arimo ku aadan ammaanka Madaxtooyada. Mootooyinka Bajaajta hada ma maraan wadada Madaxtooyada, oo waxaa u diiday halkaasi ciidamada Nabad Suggida oo taagan wadooyinka gala Madaxtooyada Somaliya, kuwaasi oo Qori Ak47 ku eryanaya mootadii isku dayday inay halkaasi marta.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan, ayaa sheegay inaysan caqabad ku aheyn shaqada ay hayaan Mootooyinka Bajaajta, waxaase uu sheegay inay muhiim tahay suggida ammaanka Magaalada.

Horay mootooyinka Bajaajta waxaa looga mamnuucay inay maraan wadada Aada Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, sababta ayaa lagu sheegay inay tahay arimo ammaan.

"Iyadoo la ilaalinaya amniga dadka iyo isku socodka mootooyinka bajaajka oo runtii soo celiyay bilicdii magaalada iyo ganacsi loo baahnaa waxaa loo sheegay in wadooyinka qaarkood ay ka leexdaan maadaama magaalada ay waddo badan tahay sida wadada aada garoonka Aadan Cadde, Bajaajleyda guddi ay leeyihiin ayaa lala shiray, waxaana la shiray ciidamada ilaalada wadooyinka, marka waxaan rajeyneynaa in muwaadiniinteena inay u dhega nuglaadaana amarada kasoo baxaya ciidamada ilaalada wadooyinka, wadooyinka wey badan yihiin, Hal waddo ayaa loo sheegay oo kaliya inaysan marin, laakiin wadooyin badan ayaa dhinacyada ka mara, annaga waan rabnaa muwaadiniinteena sharafta leh inay si qiimo badan ku shaqeystaan, amniga dadka oo dhan ayeey dan ugu jirtaa.” ayuu yiri Afhayeen Maxamed Yuusuf.

Laamaha ammaanka ayaa tuhunsan qaar ka mid ah Mootooyinka Bajaajta inay wataan rag xiriir la leh Al Shabaab, kuwaasi oo ay suuragal tahay inay gaystaan falal lidi ku ah dhanka ammaanka.

Mootooyinka Bajaajta ayaa si aad ah ugu badan Magaalada Muqdisho, waxaana xirfado shaqo ay u noqotay dhalinyaro badan oo shaqo la’aan ay haysay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip