
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 09-08-25
Wasiir Fiqi: in ka badan 120 ayaan ka dilay Al-shabaab
Ciidamada Xoogga Dalka oo ku dabaal-degaya Buundada Bariire oo Al-shabaab ay ku laayeen ayaa soo bandhigay qaar kamid ah hubkii iyo saanadii ciidan oo ay ka furteen cadowga.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, oo xalay shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalka ka socda gobolka Shabelllaha Hoose, tirada Al-shabaab looga dilay Bariire iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo nolosha lagu qabtay.
Wasiirka ayaa sheegay in ku dhawaad 120 Al-shabaab ah lagu dilay magaalada Bariire, iyadoo cadowga halkaas looga furtay hub iyo saanad ciidan, kadib markii maleeshiyaadkii firxaday ay hubkooda tuureen.
Wasiirka Gaashaandhigga, ayaa sidoo kale sheegay in uruurinta hubka ay barbar socoto asturidda meydadka Al-shabaab oo daadsan gudaha magalada.
Wasiir Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in Bariire ay tahay magaalo istaraatiiji ah, isla markaana xoreynteeda ay dowladda u tahay isgoys muhiim ah.
Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dekeda Muqdisho ku soo dhoweeyey wafdi ka socda dowladda Ingiriiska
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ay Wehlinayaan Agaasi-maha Guud ee Dakhliga, Maamulaha Dekadda Muqdisho, Agaasimaha Furdo-oyinka ayaa shalay xarunta Dekedda ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya Mr. Charles King iyo koox kale oo ka socotay Xafiiska Horumarinta Dowladda UK.
Kormeerka Safiirka UK ee Soomaaliya ayaa salka ku haya u kuurgalidda hannaanka casriyeynta dakhliga gudaha oo Dowladda UK ay gan ka geysatay dhisidda habka wadashaqeynta Dowladda iyo Cashuur-bixiyaha ee loo yaqaano (
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 09-08-25
....