Madaxweynaha Galmudug oo furay Garoonka Diyaaradaha USHAKA ee Koonfurta Gaalkacyo (SAWIRRO)

0
Monday October 26, 2015 - 09:57:13 in Wararka by
  • Visits: 828
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Galmudug oo furay Garoonka Diyaaradaha USHAKA ee Koonfurta Gaalkacyo (SAWIRRO)

    Maamulka Galmudug, ayaa yeeshay Garoon Diyaaradeed, kaasi oo laga furay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug halkaasi oo ay ku shaqeeyaan xubnaha Maamulka Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Galmudug, ayaa yeeshay Garoon Diyaaradeed, kaasi oo laga furay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug halkaasi oo ay ku shaqeeyaan xubnaha Maamulka Galmudug. C/kariin Xuseen Guuleed oo shalay ka degay Garoonkaasi Diyaaradeed, ayaa sheegay in si rasmi ah uu u shaqeynayo Garoonka Islamarkaana duulimaadyada gudaha iyo kuwa dibada intaba ay ka soo degi doonaan.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, ayaa sheegay inay guul weyn oo u soo hooyatay maamulkiisa tahay in la furo Garoon diyaaradeed oo ay leeyihiin Bulshada reer Galmudug ka soo jeeda.

Garoonka cusub ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo laga hirgeliyay, ayaa waxaa lagu magacaabaa USHAKA, iyadoo markii ugu horeysay Wafdiga Madaxweynaha Galmudug uu hogaaminaayay ay shalay ka dageen.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, ayaa sidoo kale fariin nabadeed wuxuu u diray Maamulka Puntland oo uu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo deganaanshaha shacabka labada maamul.

"Waxaa naga go’an in shacabka wada deggan Mudug, ee Puntland iyo Galmudug aan ku dadaalno sidii ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen, waxaan u baahannahay in shacabka ay ahaadaan dad mid ah oo ka wada shaqeeya nabadda iyo amniga” ayuu yiri Guuleed.

Maamulka Galmudug, masuuliyiintooda ayaa horay u isticmaali jiray Garoonka C/laahi Yuusuf ee ku yaallo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, iyadoo tallaabadan Maamulka ay u tahay mid horumar ah.

1 2 3 4






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip