Maamulka degmada Mahaday oo ku eedeeyay hay'adaha samafalka waxqabad la'aan (Sawiro)

0
Monday October 26, 2015 - 09:50:52 in Wararka by
  • Visits: 1021
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka degmada Mahaday oo ku eedeeyay hay'adaha samafalka waxqabad la'aan (Sawiro)

    Maamulka degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa eedeyn u soo jeediyay hay'adaha samafalka ee ka howlgala gobolka iyagoo ka codsaday Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Dowlada Federalka in ay guddi xaqiiqo raadis ah u soo dirto degmada Mahaday oo saa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa eedeyn u soo jeediyay hay'adaha samafalka ee ka howlgala gobolka iyagoo ka codsaday Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Dowlada Federalka in ay guddi xaqiiqo raadis ah u soo dirto degmada Mahaday oo saameyn weyn ay ku yeesheen roobabka deyrta.

 Degmada Mahaday iyo deegaanada ku xeeran ayaa muddo toban maalmood ah waxaa si isdabajoog ah uga da’ayay roobab dhibaato u geystay dad iyo duunyo, waxaa ku baaba’ay beero faro badan, waxaana ku barakacay qoysas faro badan.

Shir jaraa’id oo ay ku qabteen degmada Mahaday mas’uuliyiinta degmada ayaa waxa ay dhaliil u soo jeediyeen hay’adaha samafalka iyagoo sheegay inaysan waxba u qaban degmada oo dhibaato xoog leh haatan la soo deristey.

"Degmada waa ammaan waxayna u baahan tahay gargaarka hay’adaha samafalka mana ahan in xilliga kaalmada loo baahan yahay la iska dhego tiro,waxaan ka dacweyn doonaa maxkamada adduunka haddii aysan hay’aduhu si degdeg ah wax ugu qaban shacabka degmada oo haatan xilli adag ku jira.”ayuu ku goodiyay guddoomiye ku xigeenka dhinaca arrimaha bulshada maamulka degmada Mahaday Saalax fulaal.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka dhinaca maamulka iyo maaliyada degmada Mahaday Maxamed Bashiir Qaasin ayaa baaq u direy shacaba ka soo jeeda degmada Mahaday inay qeyb ka qaataan sidii loo badbaadin lahaa isagoo xusay in la furi doono accounta lambar u gaar ah gargaarka shacabka degmada.

Guddoomiyaha degmada Mahaday Axmed Xuseen Afrax ayaa ka codsaday dowlada in ay il gaar ah ku soo fiiriso shacabka degmada, isagoo xusay in ay go’oday wadada isku xirta gobolka Sh/dhexe iyo gobolka Hiiraan,ayna ka shaqeeyeen sidii aysan u go’i lahayn wadada gasha degmada Mahaday.

"Waxaan ugu baaqayaa hay’adaha samafalka kuwa wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah iyo dowlada Federalka in wax loo qabto shacabka degmada Mahaday oo haatan dhibaato daran ay hayso, sidoo kale waxaan ugu baaqayaa shacabka degmada ee qurbo joogta ah inay wax u qabtaan dadkooda oo haatan roobabka ay dhibaateeyeen,”ayuuyiri guddoomiyaha degmada Mahaday oo ka hadlayay shirka jaraa’id.

Qoysas badan ayaa ku barakacay roobab isdabajoog ah oo ka da’ay degmada Mahaday waxayna baabi’iyeen roobabkaas beero waaweyn oo beeralaydu ay soo goosanayeen gaar ahaan dalagga sisinta oo caan ku ah degmada Mahaday.

Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP ayaa keentay magaalada Jowhar cunto faro badan iyo gargaar kale oo loogu talogalay dadka ay saameynta ku yeeshaan roobabka deyrta balse illaa iyo hadda ma jirto wax gargaar ah oo ay hay’ada WFP gaarsiisay shacabka baahida u hayso cuntada ee maalin walba roobabku ay ku da’ayaan.

mahaday nino (1)

mahaday nino (1) mahaday nino (2) mahaday nino (2) mahaday nino (3) mahaday nino (4) mahaday nino (5) mahaday nino (6) mahaday nino (7)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip