Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo Shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Baay

0
Sunday October 25, 2015 - 18:25:26 in Wararka by
  • Visits: 727
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo Shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Baay

    Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Somaliya ay kula wareegeen shalay galab tuulooyin ku yaallo Gobolka Baay ee Koonfurta Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Somaliya ay kula wareegeen shalay galab tuulooyin ku yaallo Gobolka Baay ee Koonfurta Somaliya.

Ciidamada, ayaa la wareegay saddex tuulo oo hoostagga Magaalada Diinsoor ee Gobolkaasi, iyadoo labo ka mid ah tuulooyinkaasi la sheegay inay isaga baxeen ciidamada Shabaab, halka ciidanka Huwantana ay si nabadgelyo ah kula wareegeen.

Tuulooyinka ay ciidamada la wareegeen ayaa lagu magacaabaa Mitir, Gurbaan iyo Kanaana, waxaana halkaasi isaga baxay ciidankii Al-shabaab, ka hor inta halkaasi aysan tagin ciidamada dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada Dowladda ee Gobolka Baay, ayaa sheegaya ciidamada inay ku sugan yihiin deeganada ay la wareegeen, howlgalkana uu yahay mid sii socon doona.

Xasan Aadan Yabaroow oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Dowladda ee howlgalkaasi hogaaminaayay, ayaa sheegay ciidamada tuulada Mitir inay ku qabteen Sarkaal ka tirsan Al Shabaab oo lagu magacaabo C/laahi Maxamed Axmed oo Shabaabka u qaabilsanaa qaadista canshuuraha gaadiidka.

"Ciidamada Deegaanadaasi Laba ka mid ah si Nabad galyo ah ayeey ula wareegeen, hase ahaatee Mitir ayaan kula kulannay Al-shabaab iyaga oo sii baxaya, waxaan ka qabannay nin lagu magacaabo Cabdullaahi Maxamed Axmed oo Al-shabaab u qaabilsanaa lacag ka qaadista gaadiidka shacabka, dagaal sidaa u badanna halkaasi kama aanu dhicin.” Ayuu yiri Taliyaha.

Gobolada Baay iyo Bakool, waxaa ka socda howlgal ka dhan ah Ururka Al Shabaab, inkastoo howlgaladaasi hada ay saameyn ku yeelanayana roobabka ka da’aya deegaano ka tirsan Goboladaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip