Meydadka shan qof oo Israeliyiin ah oo laga helay Marinka Gaza

0
Friday July 26, 2024 - 21:34:48 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 79
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meydadka shan qof oo Israeliyiin ah oo laga helay Marinka Gaza

    Ciidamada Israel ayaa la sheegay in ay Khamiistii soo saareen meydadka shan ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza. Dadkan ayaa la sheegay inay ka mid yihiin 120 qof oo Israeliyiin ah, oo muddooyinkanba lagu haystay gu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Israel ayaa la sheegay in ay Khamiistii soo saareen meydadka shan ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza. Dadkan ayaa la sheegay inay ka mid yihiin 120 qof oo Israeliyiin ah, oo muddooyinkanba lagu haystay gudaha Marinka Gaza. Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in meydadka laga soo saaray goob ay ku aasnaayeen oo ku taala deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza. Taliska Militariga Israel ayaa war ay soo saareen ku sheegay in la aqoonsaday meydadka dadkan, dibna loogu celiyay Israel. "Dadkan waxay ka mid ahaayeen dadkii ay Xamaas ku dishay weerarkii October 7-deedii, ka dibna ay u qaateen Gaza, si ay ugu gorgortamaan." Ayaa lagu yiri bayaanka. Taliska ayaa magacyada dadkan ku kala sheegay Maya Goren 56 jir, Ravid Katz 51 jir, Oren Goldin 33 jir, Tomer Ahimas 20 jir iyo Kiril Brodski oo 19 jir ahaa. Xamaas ayaan wax war ah ka soo saarin warka Militariga Israel, balse waxay horey u sheegtay in tiro la haysteyaal ahi ay ku dhinteen duqaymaha aan loo meel dayin ee ay Ciidamada Israel ka gaysanayaan qaybaha Marinka Gaza. Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu oo Arbacadii khudbad u jeediyay Congress-ka Mareykanka ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay si firfircoon ugu howlan tahay sii deynta la haysteyaasha harsan. Wejigii 1aad ee heshiiskii maxaabiis is dhaafsiga ee Israel ee iyo Xamaas dhex maray daba-yaaqadii bishii November ayaa lagu sii daayay 80 ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta. Xamaas ayaa xilligaasi ku bedelatay 240 qof oo Falastiiniyiin ah oo ku xirnaa xabsiyada Israel. Heshiiska ayaa waxaa qayb ka ahaa hal toddobaad oo xabad joojin ah oo markaasi ka dhaqangashay Marinka Gaza. Xamaas ayaa marar badan ka digtay duqaymaha aan kala joogsiga lahayn ee ay Ciidamada Israel ka wadaan Marinka Gaza, sababtoo ah waxay halis gelinayaan nolosha la haysteyaasha, digniinahaas oo Tel Aviv aysan wax dheg jalaq ah u siinin. Hase yeeshee digniinaha Xamaas ayaa waxaa si dhab ah u qaatay qoysaska, ehelada iyo saaxiibada la haysteyaasha, kuwaa oo xukuumaddooda cadaadis ku saaraya in la joojiyo weerarada xagga cirka ah, lagana shaqeeyo, sidii ay guryahooda dib ugu soo laaban lahaayeen. Xamaas waxay sheegtay in waqtiga la haysteyaasha uu dhow dhow yahay, ayna tahay in Netanyahu iyo kooxdiisa ay ka shaqeeyaan sii deymadooda, ka hor inta aysan ku bixin gacanta ciidamadooda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip