Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka iyo R/wasaaraha Israel oo ka hadlay dagaalka Gaza

0
Friday July 26, 2024 - 21:24:57 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 66
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka iyo R/wasaaraha Israel oo ka hadlay dagaalka Gaza

    Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa ballan qaaday in aysan ka aamusi doonin dhibaatada ka taagan Gaza, isla markaana ay xoogga saari doonto xalka arrimaha murugsan ee heysta dadka Falastiiniyiinta, Kamaalla Harris oo shalay la kul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa ballan qaaday in aysan ka aamusi doonin dhibaatada ka taagan Gaza, isla markaana ay xoogga saari doonto xalka arrimaha murugsan ee heysta dadka Falastiiniyiinta, Kamaalla Harris oo shalay la kulantay ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegtay in ay ka go tahay jiritaanka iyo amniga Israa'iil ,laakiin "Waxa Gaza ka dhacay sagaalkii bilood ee la soo dhaafay waa wax aad u xun ayeey tiri. "Waa waqtigii dagaalkaan uu dhammaan lahaa oo uu ku dhammaan lahaa hab ay Israa'iil ammaan ku tahay, isla markaana dadka reer Falastiin ay heli lahaayeen xuquuqdooda xorriyadda, sharafta iyo aayo-ka-tashigooda"ayeey yiri madaxweyne ku xigeenka Mareykanka. Harris ayaa sheegtay inay ku boorisay Netanyahu inuu aqbalo soo jeedinta xabbad-joojinta ee uu Maraykanku taageerayo,iyadoo dhinaca kale sheegtay in aan la sii eegan karin masiibooyinkan ka dhacaya Gaza. Madaxweyne ku xugeenka Mareykanka waxa ay sidoo kale ku celisay taageerada ay u hayso xaqa ay Israel u leedahay in ay is difaacdo, iyadoo cambaaraysay Xamaas oo ay ku tilmaantay urur argagixiso oo naxariis daran.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip