Wasiir Maxamed Xasan " Waa mamnuuc in dalka la keeno dawooyinka loo isticmaalo maandooriyaasha."

0
Friday July 26, 2024 - 21:22:18 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 65
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Maxamed Xasan " Waa mamnuuc in dalka la keeno dawooyinka loo isticmaalo maandooriyaasha."

    Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cafimaadka XFS mudane Maxamed Xasan oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaainta qaranka ayaa sheegay in dowladda ay ka go'an tahay sidii loo joojin lahaa daawooyinka aan lahey nidaamka iyo habraacyada sharci ee ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cafimaadka XFS mudane Maxamed Xasan oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaainta qaranka ayaa sheegay in dowladda ay ka go'an tahay sidii loo joojin lahaa daawooyinka aan lahey nidaamka iyo habraacyada sharci ee ay wasaaraddu ugu talagashay qaabka ka ganacsiga adeegyada daawooyinka. Wasiirka ayaa yiri "haddii Waddo qaldan dalka lagu soo geliyo daawo qaldan waxaan ku qasbanahay in aan wax ka qabanno halista ay wajahayaan dadkeenna",wuxuuna intaa raaciyay in ganacsiga dawooyinka ay noqdaan kuwo waafaqsan sharciyada dalka. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cafimaadka XFS mudane Maxamed Xasan waxa uu ku baaqay in laga waantoobo iibka daawooyinka aan tayada laheyn,kuwa dhacay iyo maandoooriyaasha . Dhinaca kale wasiirka ayaa xusay in lagu baxay dowlad ahaan cudur la sheegay in uu ka dillaacay Gobolka Shabeellada Dhexe,kaas oo loo yaqaanno cudurka Gowracatada. Wasiirka ayaa sheegay in cudurkaasi ay illaa hadda u dhinteen laba ruux,halka laga daaweynayo 21 qof,waxaana calaamooyinkiisa uu ku tilmaamay dhuun xiran ,neef qabatoow iyo tabaryari.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip