Wafdi saraakiil ah oo kulan dhiirigalin ah la qaatay ciidanka xoogga ee Jubbaland

0
Friday July 26, 2024 - 21:14:15 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 70
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi saraakiil ah oo kulan dhiirigalin ah la qaatay ciidanka xoogga ee Jubbaland

    Wafdigaan oo uu hoggaaminaayey Taliyaha qeybta 12-ka April Jeneraal Xuseen Maxamuud Cosoble iyo ku xigeenka Xeer ilaaliyaha ciidanka qalabka sida Xasan Tarsan ,waxaa Magaalada Kismaayo ku soo dhoweeyay Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Jibbaland Yuusuf X

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdigaan oo uu hoggaaminaayey Taliyaha qeybta 12-ka April Jeneraal Xuseen Maxamuud Cosoble iyo ku xigeenka Xeer ilaaliyaha ciidanka qalabka sida Xasan Tarsan ,waxaa Magaalada Kismaayo ku soo dhoweeyay Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Jibbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal. Wafdigaan ayaa booqday xerooyinka ciidanka ee ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo,iyadoo halkaasi ay ku soo dhoweeyeenTaliyaha qeybta 43 aad ee ciidanka dhulka G/sare Nuur Mahad Xasan iyoi saraakiil kale. Wafdigaan ayaa warbixin ka dhageystay maamulka ciidanka ee ka howlgala Jubbaland,waxayna halkaasi hambalyo ugu gudbiyeen ciidanka xoogga oo maalmihii la soo dhaafay guullo ka soo hooyay dagaalada looga horjeedo kooxaha al-shabaab ee ku dhuumaaleysanaya deegaanada Jubbaland. Dhowaan ciidanka xoogga ayaa jab xoog leh u geystay kooxo nabad-diid ah ,iyadoo halkaasi lagu dilay tiro badan oo argagixiso ah,isla markaana laga furtay hub badan oo ay wateen.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip