Guddoomiyaha Hay'adda SoDMA oo la kulmay Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay

0
Thursday July 25, 2024 - 11:44:41 in Wararka by Khaliif Hussein
  • Visits: 67
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Hay'adda SoDMA oo la kulmay Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay

    Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta shir guddoomiyay kulan gaar ah oo ay ka qeybgaleen George Conway oo ah ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay iyo madaxa xaf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta shir guddoomiyay kulan gaar ah oo ay ka qeybgaleen George Conway oo ah ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay iyo madaxa xafiiska UN-OCHA ee Soomaaliya Crispen Rukasha. Shirkaan ayaa looga hadlay xoojinta dadaallada iyo isku-duwidda howlaha gurmadka, gacan ka geysiga arrimaha xasilinta, gaarista goobaha laga xoreeyay khawaarijta, wax ka qabashada caqabadaha la xiriira leexinta gargaarka iyo in ay SoDMA noqoto isku-duwaha hoggaanka u ah dadaalka xasilinta degdegga ah si gargaarka loo hubiyo dadka loo qorsheeyay. Sidoo kale kulankaan waxyaabaha looga wada hadlay waxaa kamid ah dardargalinta shirka madasha beni'aadannimada dalka taas oo dhawaan dhici doona, waxana shirkaas ka qeybgalaya hay'addaha gargaarka iyo Wasaaradaha dowlad goboleedyada ee arrimaha gargaarka ka shaqeeya.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip