Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Maanta ka doodaya mooshin loo gudbiyay

0
Monday July 22, 2024 - 13:17:00 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 103
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Maanta ka doodaya mooshin loo gudbiyay

    Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Lagu wadaa in Maanta xarunta Villa Hargeysa ay ku yeeshaan mid kamid ah kulamadooda caadiga ah oo todobaadkiiba Saddex jeer ay yeeshaan Kulamada. Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku warg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Lagu wadaa in Maanta xarunta Villa Hargeysa ay ku yeeshaan mid kamid ah kulamadooda caadiga ah oo todobaadkiiba Saddex jeer ay yeeshaan Kulamada. Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta oo Isniin ah uu jiro kulanka, isla markaana Ajandayaasha Kulanka Maanta ay kala yihiin: Ka doodista Soojeedinta(Mooshinka)Xildhibaanada oo ku saabsan " Hubka Sharci darada, Dagaalo beeleedyada iyo Xasaanadda Xildhibaanada. Qeybin A) WARBIXINTA AKHRINTA 2AAD HINDISE SHARCIYEEDKA XAKAMEYNTA KIIMIKOOYINKA BEERAHA SOOMAALIYEED B) WARBIXINTA AKHRINTA 2AAD HINDISE SHARCIYEEDKA HAY'ADDA SHARCIYEYNTA ADEEGYADA & BAARITAANKA BEERAHA SOOMAALIYEED" (SARIS). C) WARBIXINTA AKHRINTA 2AAD HINDISE SHARCIYEEDKA ABUURKA IYO NOOCYADA AYNIGA DHIR-BEEREEDKA D) WARBIXINTA AKHRINTA 2AAD HINDISE-SHARCIYEEDKA BADBAADADA DHIR-BEEREEDKA IYO TAKOORKA Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa weli horyaalla Hindise sharciyeedyo kala duwan, kuwaas oo Todobaadyada soo socda qaarkood la filayo inay ansixiyaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip