Madaxda Caalamka oo ka falcelisay go'aanka Biden

0
Monday July 22, 2024 - 18:14:18 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 78
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Caalamka oo ka falcelisay go'aanka Biden

    President Joe Biden speaks about the economy in the State Dinning Room of the White House, Friday, Feb. 5, 2021, in Washington. (AP Photo/Alex Brandon) Qaar ka mid ah hogaamiyaasha caalamka ayaa ka fal-celiyay ka haristi uu madaxweynaha Mareykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

President Joe Biden speaks about the economy in the State Dinning Room of the White House, Friday, Feb. 5, 2021, in Washington. (AP Photo/Alex Brandon) Qaar ka mid ah hogaamiyaasha caalamka ayaa ka fal-celiyay ka haristi uu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ka haray musharraxnimada xisbiga dimoqraadiga ee tartanka doorashada madaxtinimada bisha November JARMALKA Janselerka Jarmalka Olaf Scholz, ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku yiri. "Joe Biden wax weyn ayuu u qabtay: dalkiisa, Yurub iyo Adduunka. "Mahadi haka gaartee, iskaashiga dalalka ku yaalla jiinka badweynta atlantikada aad bey isugu dhawyihiin, NATO waa ay xooggantahay, Mareykankuna waa saaxib wanaagsan oo la isku halleyn karo. Go'aankiisa ah inuusan mar kale tartamin waa mid u qalma aqoonsi." BRITAIN Ra'isulwasaaraha Britain Keir Starmer: ayaa isna yiri."Waan ixtiraamayaa go'aanka madaxweyne Biden, waxaana rajeynayaa inaan si wadajir ah u wada shaqeyno inta ka hartay madaxtinimadiisa," Wuxuu intaasi ku daray, "Waan ogahay, wixi uu sameeyay inti uu ku guda jiray waayihiisii siyaasadeed ee cajiibka ahaa. Marka madaxweyne Biden wuxuu go'aankan uu gaaray isaga oo ku saleeyay waxa uu aaminsanyahay inay danta ugu jirto dadka Maraykanka." AUSTRALIA Ra'isulwasaare Anthony Albanese ayaa qoraal ku yiri: "Waad ku mahadsan tahay hoggaamintaada iyo adeeggaaga joogtada ah Madaxweyne Biden. Ma jirin mar uu ka xoog badnaa isxulafeysiga Australia iyo Maraykanku xilligaan, innaga oo wadaagna qiyamka dimuqraadiga ah, amniga caalamiga ah, barwaaqada dhaqaale iyo tallaabooyinka xagga cimilada ee jiilkan iyo kan soo socda." CANADA Ra'isulwasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa yiri: "Waxaan aqaanay Madaxweyne Biden muddo sanado ah. Waa nin weyn, wax kasta oo uu sameeyana waxaa haga jacaylka uu u qabo dalkiisa. Madaxweyne ahaan, waa saaxibka Kanada run ahaantii. "Madaxweyne Biden iyo marwada koowaad: mahadsanid." Ayuu sii raaciyay. SPAIN Ra'isulwasaaraha Spain Pedro Sanchez oo bartiisa X qoraal ku daabacay ayaa yir: "Waxaan ku bogaadinayaa oo aan u qirayaa madaxweyne Joe Biden go'aankiisa geesinnimada iyo sharafta leh. Hoggaankiisa iyo go'aannadiisa dartood, Mareykanka wuxuu kasoo kabtay qalalaasihi dhaqaale ee ka dhacay Covid-ki iyo weerarki khatarta ahaa ee lagu qaaday xarunta koonagareeska. Waxaa isna tusaale ah taageeradii ku dayashada laheyd ee uu u fidiyay Ukraine kaddib duullaanka Ruushka. Waa tilmaan weyn oo ka timid madaxweyne weyn oo waligiisba dagaal ugu jiray dimoqraadiyadda iyo xorriyadda." RUUSHKA Afhayeenka aqalka Kremlin-ka Ruushka Dmitry Peskov ayaa isna yir: "Doorashooyinka weli afar bilood ayaa ka harsan, waana muddo dheer oo wax badan ay isbedeli karaan, waxaan u baahanahay inaan dulqaadanno oo aan si taxadar leh ula socono waxa dhacaya, waxa hadda ahmiyadda noo leh waa howlgalka gaarka ah ee militariga, oo uu ula jeedo dagaalka ay ka wadaan Ukraine" ayuu yiri Peskov. UKRAINE Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy wuxuu go'aanka Biden ku tilmaamay mid adag balse geesinnimo leh. Wuxuu yiri "Ukraine waxay uga mahadcelineysaa madaxweyne Biden taageerada hagar la'aaneed ee uu Ukraine ku garab istaagay dagaalkeeda xoriyadda, kaas oo uu barbar socday taageerada xooggan ee labada xisbi ee Mareykanka oo wali ah mid sii socda horayna u ahaa. Xigasho Voa Somali


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip