Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay khasaaraha Al-Shabaab lagu gaarsiiyay dagaalka Jubbada Hoose

0
Monday July 22, 2024 - 11:11:15 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 92
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay khasaaraha Al-Shabaab lagu gaarsiiyay dagaalka Jubbada Hoose

    Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal xoogan oo degaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose ku dhexmaray Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Al-Shabaab. Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay Al

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal xoogan oo degaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose ku dhexmaray Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Al-Shabaab. Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin degaanka Buulo-Xaaji oo hoostaga Magaalada Kismaayo iyo degaanka Harboole oo hoostaga degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose. Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa soo bandhigay meydadka Xubno badan oo katirsan Al-Shabaab iyo Hub farabadan oo dagaalka looga furtay Al-Shabaab. Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay inay hadda wadaan howlgallo xoogan oo ay ku baadi goobayaan xubnaha ka haray Al-Shabaab ee ku sugan Aaga degaannada lagu dagaalamay ee Gobolka Jubbada Hoose.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip