Madaxweyne Xasan Sheekh oo bogaadiyey ciidankii maanta jabka gaarsiiyey Khawaarijta

0
Monday July 22, 2024 - 13:47:50 in Wararka by Khaliif Hussein
  • Visits: 102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo bogaadiyey ciidankii maanta jabka gaarsiiyey Khawaarijta

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo bogaadiyey ciidankii maanta jabka gaarsiiyey Khawaarijta ByMohamud Abdi DiirsheJuly 22, 20241 Min Read Share Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey sida nafhornima

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bogaadiyey ciidankii maanta jabka gaarsiiyey Khawaarijta ByMohamud Abdi DiirsheJuly 22, 20241 Min Read Share Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey sida nafhornimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida ay u wajaheen argagixisada soo weerartay deegannada Buulo-Xaaji iyo Harboolle, isagoo tilmaamay in guushan ay ka marqaati kacayso tayada iyo awoodda Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso dib u dhiskooda. Madaxweynaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Jubbaland ugu hambalyeeyey guushan taariikhiga ah ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland, waxa uuna adkeeyey muhiimadda ay leedahay in loo midoobo sidii dalka looga xoreyn lahaa argagixisada. "Maanta jabka weyn ee khawaarijta lagu gaarsiiyey deegaannada Buulo-xaaji iyo Harboole ee Jubbaland waa calaamad muujinaysa in gabbalkoodu uu dhacay, geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeedna ay awood u leeyihiin in ay ka xoreeyaan deegaan kasta oo ay ku dhuumaaleysanayaan". Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in wadashaqeynta ciidamada iyo bulshada ay aasaas u tahay xaqiijinta amniga iyo ka hortagga dhagarta argagixisada, sidaas awgeed waxa uu adkeeyey in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay la shaqeeyaan hay'adaha ammaanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip