Shacabka degmada Xuddur oo wajahaya xaalad adag

0
Saturday July 20, 2024 - 18:17:41 in Wararka by Khaliif Hussein
  • Visits: 131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka degmada Xuddur oo wajahaya xaalad adag

    Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminaayo qeybna ay ka yihiin Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush iyo masuuliyiin ka socday Hay'addah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminaayo qeybna ay ka yihiin Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush iyo masuuliyiin ka socday Hay'addaha Gargaarka sida IOM, WFP, UNHC, OCHA iyo UNICEF ayaa maanta gaaray Magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool. Wafdiga Guddoomiyaha ayaa soo dhaweyn kadib waxa ay kormeer ku tageen xarumaha ay deggan yihiin dadka barakacyaasha ah ee is-beddelka cimilada saameynta ka soo gaartay iyo kuwo khawaarijta ka soo barakicisay degmooyinka Tiyeeglow iyo Rabdhuure, kuwaas oo haatan xaalad aad u adag wajahaya. Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta kale ayaa u kuurgalay xaaladaha dhabta ah ee ka jira kaamamkaan, iyagoo mid mid u xogwareeystay, waxaana ay goob fagaaro ah gargaar ugu qeybiyeen in ka badan 600 oo qoys oo kamid ah qoysaska guddoomiyaha iyo wafdigaan ay booqashada ugu tageen. Ugu danbeyn, guddoomiyaha ayaa shir guddoomiyay kulan gaar ah oo dhexmaray SoDMA, Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed, maamulka Bakool iyo hay'adaha Gargaarka waxaana looga hadlay sidii garagar deg-deg ah oo ballaaran loo gaarsiin la ahaa shacabka ku tabaalaysan gudaha Xuddur, degmooyinka iyo deegaanada kale ee gobolka Bakool.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip