Guddoomiyaha SODMA iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo safar ugu baxay Xuddur

0
Saturday July 20, 2024 - 11:02:38 in Wararka by Khaliif Hussein
  • Visits: 118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha SODMA iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo safar ugu baxay Xuddur

    Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Goordhaw u ambabaxay magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool. Wafdigaan waxaa qeyb ka ah Wasiirka Gargaarka Maamulka Koonfur Galbeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Goordhaw u ambabaxay magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool. Wafdigaan waxaa qeyb ka ah Wasiirka Gargaarka Maamulka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush, iyo mas'uuliyiin ka socda hay'adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka. Ujeedka wafdigaan ayaa ku saabsan u kuur-galida xaaladda bani'aadannimo ee ka jirta gobolka iyo booqashada Xerooyinka barakacyaasha, iyagoo halkaas gargaar ugu qeybin doona qoysaska barakacyaasha ah iyo kuwa danta yar ee ku nool duleedka magaalada Xuddur.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip