Wasiir Maareeye "Dal kasta oo aan ka helno badeeco waxaa lagu qasbi doonaa inay badeeco naga qaataan"

0
Friday July 19, 2024 - 21:49:56 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Maareeye "Dal kasta oo aan ka helno badeeco waxaa lagu qasbi doonaa inay badeeco naga qaataan"

    Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dowladdu ay waddo qorshe ku saabsan sidii loo heli lahaa isdhaafsiga badeecooyinka laga soo saaro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dowladdu ay waddo qorshe ku saabsan sidii loo heli lahaa isdhaafsiga badeecooyinka laga soo saaro gudaha iyo kuwa ka yimaada dibadda ee ay mamulaan ganacsatada. Maareeye ayaa xusay in lacago aad u badan oo kaash ah loo daabulo dibadda,halkii ayuu yiri ay habboonaan laheyd in la helo isdhaafsi dhanka ganacsiga ah oo ay wadaagaan Soomaaliya iyo dalalka kale. Wasiirka ayaa sheegay in ay socdaan dadaallo ku aadan dhiirigalinta wax soo saarka gudaha dalka si looga maarmo soo dejinta badeecooyinka laga heli karo dalka,isagoo dhinaca kale tilmaamay in dowladda u soo jeesatay qiimeynta waxa dalku soo saari karo iyo waxa uusan soo saari Karin. "Dalka waxa soo gala badeecooyin laga heli karo soomaaliya sida hilibka iyo nuucyada miraha khudaarta,sidaa daraadeed waxaa dalalka kale lagu qasbi doonaa inay badeeco naga qaataan"ayuu yiri Maareeye.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip