Taliyaha Ciidanka XDS oo Isbitaalka ku booqday Askartii ku soo dhaawacantay furimaha dagaalka

0
Tuesday July 16, 2024 - 11:10:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka XDS oo Isbitaalka ku booqday Askartii ku soo dhaawacantay furimaha dagaalka

    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa maanta isbitaalka ku booqday geesiyaasha XDS ee shalay jilibka u laabay kooxaha arxan-laawayaasha ee isku dayay inay dhibaateeyaan shacabka Magaalada waniille ee G

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa maanta isbitaalka ku booqday geesiyaasha XDS ee shalay jilibka u laabay kooxaha arxan-laawayaasha ee isku dayay inay dhibaateeyaan shacabka Magaalada waniille ee Gobalka Galgaduud. Geesiyaasha Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Difaaca deegaanka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa shalay cashar aysan hilmaami doonin u dhigay kooxaha Argagixisada ah, waxaana halkaasi looga dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyad badan. Taliyaha XDS ayaa caafimaad qab buuxda u rajeeyay askarta geesiyaasha ah ee shalay awoodooda u muujiyay cadawga arxanka daran, waxuuna dhaqaatiirta kula dardaarmay inay askarta ku bixiyaan dadaal dheeraad ah, sidoo kale waxaa uu alle uga baryay in Jannatul firdowsa uu ka waraabiyo geesiyaashii ku shahiiday Howlgalkaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip