Maalgashato ka socoto Dalka Ciraaq oo Muqdisho dhawaan ku soo wajahan

0
Tuesday July 16, 2024 - 12:04:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maalgashato ka socoto Dalka Ciraaq oo Muqdisho dhawaan ku soo wajahan

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlay Bandhigga Tiknoolajiyadda Beeraha Soomaaliya ayaa sheegay in ganacsato ka socota dalka Ciraaq ay bisha nagu soo aaddan ee Agoosto ku soo gaari doonaan maga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlay Bandhigga Tiknoolajiyadda Beeraha Soomaaliya ayaa sheegay in ganacsato ka socota dalka Ciraaq ay bisha nagu soo aaddan ee Agoosto ku soo gaari doonaan magaalada Muqdisho, kuwaas oo ah maalgashato casuumaad ka helay dowladda Federaalka Soomaaliya. "Dhawaan waxaa dalka imaan doona Wafuud kala duwan oo aan la geli doonno heshiisyo ku saabsan dhoofinta wax soo saarka Beeraha oo dalkan ku maalgashan laha bilyanis"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre". Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay socdaalka madaxda Qaran ee dalka dibadiisa lagu iib geeyo wax-soosaarka dalka oo ay Beeraha, xoolaha iyo Kalluumeysiga ugu horreeyaan, isagoo dhankakale tilmaamay qiimaha dunida ku leeyihiin Liinta iyo Mooska (Muuska) laga qaato Soomaaliya. Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maalgashatada ka socota dalka Ciraaq ay la socdaan dhaqaatiir caafimaad oo baaraya Caafimaadka xoolaha Soomaaliya oo hadda inta badan loo iib geeyo dalalka khaliijka. Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale sheegay in sidoo kale dalka Masar uu kamid yahay dalalka hadda daneynaya in ay dhoofsafaan xoolaha Soomaaliya, kuwaas oo kamid ah kuwa Adduunka loogu jecelyahay. Soomaaliya ayaa hadda ah meel ay soo wada-eegayaan indhaha maalgashatada caalamiga ah, kuwaas oo xiligan u arka in uu muhiim u yahay maadaama Alle ku maneystay khayraad fara badan sida Xoolaha, Kalluunka, Beeraha iyo qeybaha kale ee khayraadka dhulka hoose ku jira oo aan weli laga faa'ideysan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip