Taliska Ciidanka Asluubta oo faah-faahin dheeri ah ka bixiyay dhacdadii xabsiga Dhexe ee Xamar

0
Saturday July 13, 2024 - 23:42:58 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 115
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Ciidanka Asluubta oo faah-faahin dheeri ah ka bixiyay dhacdadii xabsiga Dhexe ee Xamar

    Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Cabdiqani Maxamed Qalaf oo warfidiyeennada la hadlaya ayaa faahfaahin ka bixiyey shaqaaqaddii maanta ka dhacay gudaha xabsiga Dhexe ee Xamar, kaasi oo ay ku lug lahaayeen xubno kamid ah maxaabiista ku xiran x

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Cabdiqani Maxamed Qalaf oo warfidiyeennada la hadlaya ayaa faahfaahin ka bixiyey shaqaaqaddii maanta ka dhacay gudaha xabsiga Dhexe ee Xamar, kaasi oo ay ku lug lahaayeen xubno kamid ah maxaabiista ku xiran xabsiga. Afhayeenka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in khasaare dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray askarta iyo maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho. Waxaana uu sheegay in ciidamaddu ay ku guuleysteen inay ka hortaagan in dagaalku uu gaaro qeybaha kale ee xabsiga iyo maxaabiista ku xiran. "Waa la soo afjaray howlgalka 11:00 AM, waxaa ku geeriyooday 5 kamid ah maxaabiista, halka 18 kalena ay ku dhaawacmeen," ayuu yiri Afhayeenka. Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in khasaaraha askarta soo gaaray uu yahay 3 dhimasho ah iyo saddex dhaawac ah. Ugu dambeyn, Afhayeenka ciidanka asluubta ayaa sheegay inay socdaan baaritaanno lagu sameynayo sida qaar kamid ah Maxaabiista ay ku heleen hubka, asagoo sheegay inaysan jirin wax maxaabiis ah oo xabsiga ka baxsaday. "Ma jiraan wax maxaabiis ah oo xabsiga ka baxsaday, baaris ayaana lagu sameynayaa sababihii waxaani u dhaceen, dib ayaana la idin kala wadaagi doonaa" ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Cabdiqani Maxamed Qalaf.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip