Howlwadeeno ka tirsan wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya oo tababar uga furmay Shiinaha

0
Thursday July 11, 2024 - 11:40:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlwadeeno ka tirsan wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya oo tababar uga furmay Shiinaha

    Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Amb: Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Beijing uga qeyb galay furitaanka munaasabad lagu daah-furayay tababar ku saabsan hannaanka kobcinta kalluumeysiga Soomaaliya. Tababarkan oo lo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Amb: Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Beijing uga qeyb galay furitaanka munaasabad lagu daah-furayay tababar ku saabsan hannaanka kobcinta kalluumeysiga Soomaaliya. Tababarkan oo loo qabtay howl-wadeeno ka tirsan wasaaradda Kalluumeuysiga Soomaaliya ayaa ujeeddiisu waxay tahay in sare loogu qaado xirfadda kalluumeysiga Soomaaliya, iyadoo mudadda ay dalka Shiinaha ku sugan yihiin booqan doono goobo kala duwan oo dalkaas ka tirsan.Munaasabaddan ayaa ka qabsoontay xarunta iskaashiga dhaqaalaha dibadda (FECC),ee wasaaradda Beeraha iyo arrimaha Miyiga (MARA) ee Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaga ayaa waxaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Danjire Kullane. Danjiraha ayaa khudbaddiisa ku sheegay muhiimadda uu kalluumeysiga u leeyahay kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyay taageerada Dowladda Shiinaha ay mar waliba la garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Marwo,Ikraan Maxamed Cabdullaahi oo ah agaasimaha waaxda shaqaalaha ee wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya oo madasha ka hadashay ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin tababarkan qiimaha badan,islamarkaana ka faa'ideysan doonaan qibradda iyo waayo-aragnimada Dowladda Shiinaha ee xagga Kheyraadka biyaha. Ms. Lin Huifang, ku xigeenka agaasimaha guud ee FECC, oo sharaxday ujeedooyinka tababarkan ayaa hoosta ka xariiqay inuu daaran yahay sidii Soomaaliya looga caawin lahaa ka faa'ideysiga Kheyraadka Badda sida Kalluumeysiga, wuxuuna howlwadeenadda tababarka loo furay kula dardaarmay in ay ka faa'ideystaan tababarkan,islamarkaana wixii wanaagsan ay ka u gudbiyaan shacabka ay wakiilka ka yihiin. Ugu dambeyn, Safiirka JFS ee dalka Shiinaha Danjie Cali Cawaale Kullane ayaa muujiyay doorka muhiimka ah ee kalluumeysiga Soomaaliya iyo suurtagalnimada in la wanaajiyo iskaashiga Shiinaha iyo Soomaaliya, waxaana tababarkan uu socon doonaa 10-ka Luulyo ilaa 30-ka Luulyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip