Hooyooyin Somaliyeed oo walaac ka muujiyay qaabka uu Mareykanku ula dhaqmaayo wiilashooda oo xiran

0
Sunday October 25, 2015 - 18:15:50 in Wararka by
  • Visits: 719
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hooyooyin Somaliyeed oo walaac ka muujiyay qaabka uu Mareykanku ula dhaqmaayo wiilashooda oo xiran

    Laba ka mid ah hooyooyinka dhalay toddobo wiil oo Soomaali ah oo lagu xiray dalka Mareykanka, ayaa waxay walaac xoogani ka muujiyeen qaabka laamaha ammaanka Mareykanku ula dhaqmayan wiilahooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba ka mid ah hooyooyinka dhalay toddobo wiil oo Soomaali ah oo lagu xiray dalka Mareykanka, ayaa waxay walaac xoogani ka muujiyeen qaabka laamaha ammaanka Mareykanku ula dhaqmayan wiilahooda.

Hooyo Faaduma C/laahi Xuseen oo ah hooyada dhashay Guuleed Cali Cumar, ayaa sheegtay in wiilkeeda meel gaar ah lagu xiray, si uu u qirto in uu qorsheynaayay in Ururka Daacish uu ku biiro.

Hooyadan oo la hadashay Laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa laamaha ammaanka ku dhaliishay inay wiilkeeda ku dirqinayan in uu qirto dembi aanu lahayn, waana taa midda kenetay in meel gaar ihi lagu xiro, isagoo silsilad ku xiran, sida ay tiri.

Sidoo kale waxay sheegtay in wiilkeeda loo diiday inay la kulanto. Sidoo kale waxay sheegtay in Qareenkiisa laga horjoogsaday marka uu la kulmaayo in silsiladda ku xiran laga furo.

Hooyo Ayaan Maxamed Faarax oo dhashay Maxamed C/xamiid Faarax iyo Cadnaan C/xamiid Faarax, ayaa iyana sheegtay in wiilasheeda ay ku xiggi doonaan Guuleed, marka ciqaabta ay marsiinayan hay’adaha amniga Mareykanka, ay soo gaba gabeeyan.

Hooyo Ayaan oo sidoo kale u warantay BBC, ayaa waxay sheegtay in hay’adaha ammaanka Mareykanka ay dib u dhigeen, bishii hore ee September oo lagu waday in wiilasheeda la horkeeno Maxkamadda. Sababta dib loogu dhigay ayaa waxay ku sheegtay si loo ciqaabo, deetana ay u qirteen dembi aanay lahayn, sida ay tiri.

Waalidiinta Somaliyeed ee dalka dibadiisa ku dhaqan, ayaa waxay qaarkood wajahayan falcelinta adag ee ka dhalatay ubadkooda loo haysto inay qorsheynayan in ku biiraan ururadda xagjirka ah ee caalamka ka dhisan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip