HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 1-7-2024

0
Monday July 01, 2024 - 08:54:05 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 1-7-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb galay Munaasabadda Calan-saar ka habeenka 1-da Luuliyo, isagoo sal aan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha JFS ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Luulyo ee xornimada dalkeenna, iyadoo dhanka kale la riday Buula-layr loogu dabaal-dagayay munaasabadda qiimaha wayn ku leh dadka Soomaaliyeed

1-da Luuliyo ayaa ku astaysan 64 sano guurada xornimada Gobollada Koonfureed iyo midowga Labadii Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo shalay lagu wado inay dalka ka dhacaan munaasabado lagu wayneynayo maalintan qiimaha leh.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo hambalyadda 1-da luuliyo u diray Shacabka Soomaaliyeed

Muqdisho 1,Luuly ,2024: Guddoomiy aha Golaha Shacabka ee BJFS Muda ne Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud ahaan shacab ka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan 64-sano guuradii ka soo wareegatay xorrnimadii gobolada koonfureed ee dalka Iyo midowgii waqooyi iyo koonfur.

"Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan ugu hamb alyeynayaa xornimada iyo midnimada dalkeena oo 64-sano ay kasoo wareegatay,waxaana maalmahan xorriyadda ay naga mudanyihiin inaan xusno maadaamaa ay ka turjumayaan qiimaha qarankeena Iyo midnimadeena" ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaaliyeed midnimo si loo adkeeyo dowladnimadeena, waxaana uu sheegay in dowladnimada Soomaaliya hada ay sameyneyso horumar dhinac walba ah muhiimna ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ay garab istaag u muujiyaan dowladooda.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan (Madoobe) ayaa sheegay in dowladda ay horumar weyn ka sameysay dagaalka dalka looga ciribtirayo Khawaariijta islamarkaana halgankaas uu soconayo ilaa inta dhulka Soomaaliyeed oo dhan uu ka noqonayo meel ka caagan argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xus loo sameeyey Madaxweyne Aadan Cabdulle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Munaasabad lagu xusayay Mad axweynihii Koowaad ee Soomaaliya Alle ha u naxariistee mudane Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde)

Madaxweynaha oo Aadan Cadde ku tilmaamay aasaasihii dowladnimada Soomaaliya iyo hoggaamiyihii dimuquraadiyadda Qaradda Afrika ayaa sheegay in dowladdu ay hirgalindoonto Maktabad lagu kaydiyo taariikhda iyo wax qabadkii Madaxweyne Aadan Cadde oo ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay Afrika ee si nabad ah oo dimuquraadi ah xukunka ku wareejiyay.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska Munaasabadda 1-da luuliyo

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhi gga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxa med Nuur ayaa Umadda Soomaal iyeed ugu hambalyeeyay xuska muna asabadda sannad-guurada 64-aad ee kasoo wareegtay maalinta xorriyada iyo midnimada Umadda Soomaliyeed ee 1-da Luulyo.

"Allaha u naxariisto gobonimo doonkii Soomaaliyeed ee Naftooda u huray halgankii loogu jiray xoriyadda aan shalay harsaneyno iyo waliba geesiyaasha Soomaaliyeed ee wali naftooda u huraya in ay difaacaan Diinta, Dalka iyo in Dadkeena oo xornimo ku noolaadaan,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca XFS.

Wasiirka Warfaafinta ee XFS oo magaalada Baqdaad uga qayb galay xuska maalinta warbaahinta dalka Ciraaq

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federa alka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Baqd aad ee Jamhuuriyadda Ciraaq uga qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta Saxaafadda Ciraaq oo loo asteeyay markii ugu horeysay oo war geys laga soo saaray magaalada Baqdaad sannadka markii uu ahaa 1869.

Wasiirka oo qeyb ka ah wufuudda Wasiirrada Warfaafinta ee waddamada Jaamacadda Carabta ee ka qeybgelaya xuskan ayaa tagay goobaha loogu dabaaldayay oo lagu soo bandhigay waxqabadka saxaafadda Ciraaq oo gobol walba si gaar ah u soo bandhigayay.

Xuska 155 guuradii maalinta Saxaafadda Ciraaq ayaa munaasabad heer qaran ah oo shalay la dhigay, ayaa waxaa horkacayey Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq, Mudane Eng. Maxamed Shuyaac Al- Suudaani.

 

 

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed maalinta xornimada iyo qarannimada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaali ya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambal yeeyey munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Luulyo ee xornimada dal keenna.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in 1-da Luulyo ay tahay maalin gaar ah oo xusuus iyo sharaf u leh dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, maadaama ay tahay maalintii dalkeenna uu ka xoroobay gumeysiga isla markaana gobannimada iyo dowladnimada ay ka hanaqaadday dhammaan gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa xusay muhiimadda ay leedahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyay shacabka in ay sii xoojiyaan isku duubnida iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda kala dhaxaysa, si loo gaaro horumar iyo nabad waarta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyey halgamayaashii Soomaaliyeed ee u soo halgamay xorriyadda, midnimada iyo madax bannaanida dalkeenna, isaga oo Alle uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Mudane Xamsa wuxuu shacabka ugu baaqay in ay u dabaal degaan maalintaan qiimaha badan si nabad ah oo muujinaysa qiimaha iyo qadarinta weyn ee ay leedahay xornimadu.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay horumarka iyo isbeddelada waaweyn ee dalka ka socda, isagoo rajo weyn ka muujiyey in Soomaaliya ay gaari doonto mustaqbal ifaya oo ka tarjumaya himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Guddoonka labada Aqal ee BJFS oo shaaciyay xiliga uu furmayo kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Guddoonka labada Gole ee Baarlama anka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aamiyay in maalinta sabtida ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 6-da Bisha Luulyo 2024 uu furmi doono kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka 11-aad.

Kalfadhiga shanaad ee maalinta sabtiga ah furmi doono ayaa sida dastuurka KMG uu qabo waxaa daah furi doono Madaxweynaha JFS oo khudbad ka hor jeedin doono xildhibaanada laba gole

Madaxweyne Xasan Sheekh :Waxaan dhiseynaa Maktabad Qaran oo lagu xusuusa doono Prof. Jawaari, wasiirka waxbarashada ayaa arintaas u xil-saaran

Madaxweynaha jamhuuriyadda fed eraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa ballan qaad ay in Maktabad Qaran loo dhisayo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari oo ku geeriyooday Muqdisho.

"Waxaan dhiseynaa Maktabad Qaran oo lagu xusuusa doono Prof. Jawaari, wasiirka waxbarashada ayaa arintaas u xil-saaran, waa uu joogaa caawa, waxaana farayaa inuu dhulkii keeno, waa dhiseynaa, hadii guri dhisan la helana kaba sii fiican.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha oo ka qeyb galay Munaasabad lagu xusay Madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya AUN Aadan Cadde ayaa intaa hadalkiisa ku daray ahmiyadda ay leedahay weyneyta dadka shaqada fiican u soo qabtay dalka in la helo meel lagu xuso magacyadooda si aysan u lumin.

"Qofkii garoonka Aadan Cadde ka soo dega wuxuu dhahaa magacaan muxuu ahaa? Si lamid ah qofkii Buug ka iibsaday Maktabadda Jawaari waa inuu dhahaa magacaan muxuu ahaa, si loo baro halyeygaas abaalka gashaday umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Agaasime Bashiir Moallim "Waxaa Dhiiro-gelin Iyo bogaadin mudan Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhiiratay Maal-gashiga Iyo Iibsiga Diyaaradaha

Run ahaant Maalgashiga Aviation -ka Garoomada Dalka Iyo Gaadiidka Hawada waxay ka dhigan tahay horu mar weyn oo uu Dalkeenna ku tallaab saday kaas oo sababi doona Koror dhaqaale Iyo Fursadaha Shaqo Abuurka Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Diyaaradaha ay Milkiyaddoodu leeyihiin Ganacsatada Soomaaliyeed sido kalana haysta Taarikada Soomaaliya- waxay u duuli doonaan Caalamka intiisa kale, si lamid ah Diyaaradaha Dowladaha kale ay u yimaadaan Dalkeenna- Tani waxay fursad muhiim ah siineysaa fududeynta isu socodka Iyo is dhaafsiga Duuliimaad-yada.

Waxaan Markale bogaadinayaa tallaaba taariikhiga ah ee Shirkadda Premier Ailiness kusoo iibsatay Diyaadda Cusub si ay ugu tartanto suuqa Iyo Khadadka Duullimaad ee Dunida.

Waxaan Ganacsatada Maal-qabeennada ah ee Soomaaliyeed ku guubaabinayaa inay Maal-gashi xoog leh ku sameeyaan Arrimaha Transport-ka Dhulka Iyo Cirka, sidoo kalana ay ka faa’iideystaan Maal-gashiga Garoomada Diyaaradaha, Jidadka Iyo Buundooyinka.

Dawladaha Soomaaliya & Itoobiya oo Wada haddallo uga Furmaya dalka Turkiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuum adda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay u ambabaxay Ankara, Turkiga, halkaas oo ay uga qeybgalayaan wadahadallo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay garwadeen ka tahay dowladda Turkiga.

Dowladda Soomaaliya waxay ku taagantahay mabda’eeda ah ilaalinta madaxbanaanida, gobonnimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo furay Buuga tacsida AHN Prof jawaari

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxam ed Nuur Madoobe ayaa shalay furay buuga tacsida ee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaana buuga tacsida mudo sedax maalmood ah ka furnaan doonaa gurigii uu ku geeriyooday guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa guud ahaan qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida guddoomiyihii hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh Xeer Madaxweyne ku dhisay Sanduuqa Qaran ee Cimilada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya dib u habaynta iyo horumarinta qorshaha qaran ee isbeddelka cimilada ayaa Xeer Madaxweyne LR.235, ku dhisay Sanduuqa Qaran ee Cimilada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u magacaabay Mudane Liibaan Daahir Obsiiye oo khibrad durugsan u leh siyaasadda Maaliyadda in uu noqdo Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Qaran ee Cimilada.

Sanduuqa Qaran ee wax ka qabashada Isbeddelka cimilada ayaa ka kooban labo heer oo kala ah; Heerka Guddiga Maamulka Sare iyo Heerka Fulinta, qaab dhismeedkaas oo la jaanqaadaya hannaanka daah-furnaanta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal weyn ku bixinaysa ka hortagga, la qabsiga iyo xakamaynta isbeddelka cimilada, maadaama ay saameyn toos ah ku leedahay duruufaha nololeed ee dalkeenna iyo musiibooyinka soo noqnoqday ee abaaraha iyo fatahaadaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta caqabadaha gobolka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaa shiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, oo hadda ku sugan dalka Masar, ayaa shalay oo Sabti ah la kulmay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Mudane Ahmed Aboul Gheit, oo uu kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga, isku duwidda iyo adkaynta taageeridda qarannimada Soomaaliya.

Intii kulanka lagu guda-jiray, Wasiir Axmed Fiqi ayaa uga mahadceliyay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta taageerada Jaamacadda ee joogtada ah iyo garab-istaaggeeda dhowridda midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay qotodheeraynta iskaashiga iyo xoojinta ujeedooyinka wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta u dhexeeyay, iyadoo si firfircoon looga shaqaynayo dejinta istiraatiijiyado wax ku ool ah oo looga hortago caqabaha heer gobol, waxaa sidoo kale kulanka lagu faaqiday xaalidihii ugu dambeeyay gobolka geeska afrika iyo mowqifyada caalamiga ee labada dhinac muhiimadda gaarka ah u leh.

Guddoomiyaha hey’adda SoDMA oo gaaray magalada baraawe si uu ugu kuurgalo xaaladda Bani’aadannimo ee ka taagan Baraawe

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo hoggaaminaya wafti ballaaran oo ay qeyb ka yihiin xubno ka tirsan Golaha Shacabka BJFS, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose iyo madax ka tirsan SoDMA ayaa gaaray magaalada Baraawe, halkaasoo uu ka dillaacay xanuunka halista ah ee shuban biyoodka.

Xanuunkaan oo ka dhashay saameyntii fatahaadaha ayaa sababay dhimashada in ka badan 20 ruux, halka shantii maalin ee la soo dhaafay ku dhawaad 100 qof loo dhigay goobaha caafimaadka, iyadoo laga cabsi qabo in xaaladdu ka sii darto, haddii aan wadajir loogu istaagin sidii lagu joojin lahaa faafidda cudurka, isla-markaana laga jawaabin waxyeellada ilaa hadda ka dhalatay.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin oo ay waftigiisa qeyb ka ahaayeen dhaqaatiir loo qorsheeyay in ay si gaar ah ula tacaalaan dadka cudurku saameeyo ayaa Isbitaalka magaalada gaarsiiyay daawo iyo agab caafimaad, halka uu Guddoomiyuhu ku dhawaaqay in xaalad adag ay ka jirto Baraawe loona baahanyahay gurmad degdeg ah oo ballaaran, si nolosha dadka loo badbaadiyo.

Mareykanka oo shaaciyay in Soomaaliya ay wajahayso waqti u dhigma marxaladdii Afgaanistaan

Taliyaha ciidanka Mareykanka ee Afri ka (Africom) , Jeneraal Michael Lang ley ayaa sheegay inay Soomaaliya wajahayso waqti u dhigma marxaladdii Afgaanistaan ee dawladdii ka jirtay xukunka lagu tuuray, sababo la xiriira Alshabaab oo doonaya in ay ka faa’iideystaan wax kasta oo ka dhasha faaruqa amniga , iyagoo weerarro ku qaadaya ciidanka xoogga Soomaaliya , balse wuxuu ku sheegay inay dadweynaha Soomaaliyeed taa diiddi doonaan,

Langley ayaa la kulmay madaxw eynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu ka dhageystay warbixin ku saabsan, habka lagula dagaalamayo Al Shabaab loogana hortagayo soo laabashadooda marka ay baxaan ciidamada Atmis.

 

Qaramada Midoobay oo ka digtay halista amni ee kooxda Alshabaab

Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xog hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa ka digay kooxda Alshabaab in ay weli tahay khatar xooggan.

James Swan, ayaa xusay in dowladda Soomaaliya looga baahan ahay in ay muhiimad gaar ah siiso amniga xilliga kala guurka ah.

"Al-Shabaab waxaa weli ka go'an in ay sii waddo weerarrada argagixisanimada iyada oo aan tixgalinayn khasaaraha nolosha rayidka," ayuu yidhi ku simaha ergayga Qaramada Midoobay.

Ergayga UN-ka ayaa sheegay in Kooxda Alshabaab ay wali leedahay awoodda ay ku fulinayso weerarrada xunxun.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan codsatay in hoos loo dhigo bixitaanka ciidamada ATMIS, iyadoo tilmaamtay in 4,000 askari oo bixi lahaa dhammaadka bishaan June, loo kala qeybiyo qaybood.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ayaa taageeray oo ansixiyay codsiga Soomaaliya, balse Golaha Ammaanka weli kama uusan hadlin codsiga Soomaaliya.

Qaraarka Golaha Ammaanka ayaa dhigaya in ciidamada ATMIS ay guud ahaan ka baxaan Soomaaliya dhammaadka sannadkan.

Somaliland oo beenisay wararka sheegaya in la xidhay xafiis wakiileed keeda Jabuuti

Wakiilka Somaliland ee Jabuuti Cabdiftaax Siciid Axmed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay jabhada ay Somliland sheegtay in Jabuuti kusoo dhawaysay waddankeeda.

Wakiilka oo ku sugan dalka Ingiriiska oo waraysi gaar ah siiyay Horn Cable TV, ayaa sheegay in uu berri imanayo magaalada Hargaysa, isla markaana ay xukuumada Somaliland ugu yeedhay wadatashi.

"Runtii waa arrin laga xumaado sida uu madaxweynuhuba shalay sheegay intaa waanu la soconay, arrinkaana runtii lagama filanayn waddanka aan walaalaha nahay ee jaarka ah" ayuu yidhi Amb. Axmed.

Wakiilka ayaa dhanka kale beeniyay jiritaanka war lagu daabacay jariirada Somaliland Chronicle oo sheegayay in Xafiiska Wakiileedka Somaliland ee Jabuuti laga jaray korontadii iyo biyihii isla markaana la xidhay.

Wakiilku waxa uu sheegay in xafiisku uu shaqaynayo oo shalay oo ugu danbaysay ay fiisayaal usoo saareen xildhibaano iyo madax kale oo reer Jabuuti ah oo xagaabax u yimid Somaliland.

Hoggaamiyayaasha dhaqdhaqaaqa Awdal State ayaa shalay guddaha Jabuuti uga soo hanjabay Somaliland, taasi oo ka cadhaysiisay xukuumada Somaliland, madaama oo Somaliland ay hore u diiday in ay martigaliso jabhado kasoo horjeeda Jabuuti.

Dowlada Jabuuti ayaa aad uga cadhootay isfahanka Somaliland iyo Itoobiya, oo ay u aragto khatar dhaqaale iyo istiraatajiyadeed, iyadoo Madaxweyne Geelle uu isfahanka ku tilmaamay midi dhabarka kaga dhacday waddankiis.

"Hilbihii ehelkeenna oo googo’ay ayaan soo uruursannay”, Aabbe, hooyo, iyo gabadhooda oo ku dhintay qaraxii Beledweyne

Qarax khasaare geystay ayaa gelinki dambe ee axaddii ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxaas oo aad u xoogganaa isla markaana jugtiisa si weyn looga maqlay qaybaha kala duwan ee Beledweyne si gaar ahna ka dhacay xaafadda Howlwadaag ee Galbeedka Baledweyne.

Waxa uu ka dhacay meel u dhaw saldhig ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS ay ku lahayeen Xaafada Howlwadaag.

Qaraxa oo geystay waxyeello nafeed ayaa dadka ku dhintay waxaa ka mid ahaa abbe, xaaskiisa iyo gabadh 7 jir ah oo ay dhaleen.

Aabbaha ayaa da’diisa lagu sheegay inuu ku jiray afartameeyada iyaga oo xilliga qaraxa ay la kulmeen ka yimid bannaanka magaalada Beledweyne oo beero ay ugu yaalleen.

Xasan Cabdi Adan ayaa lagu sheegay magaca marxuumka iyada oo ooridiisii la geeriyootay iyana lagu magacaabi jiray Muslimo Maxamed.

"Walaalkey waxa uu geeriyooday qaraxii gelinkii dambe ee axadda ka dhacay Beledweyne, runtii waan tiiraanyeysannahay, waxaa kale oo naga geeriyooday xaaskiisii iyo gabadh yar oo ay dhaleen oo aan adeer u ahay”, ayuu yiri Feylow Cabdi Adan oo la dhashay Marxuum Xasan una warramay BBC-da.

Waxa uu sheegay in xilliga ay qaraxa la kulmeen ay ka yimaadeen beeraha ku yaalla bannaanka Beledweyne halkaa oo beero ku lahaayeen isla markaana ay mararka qaar tegi jireen.

Doorashada UK: Dhaqaalaha iyo Socdaalka

Inta ka dib waxa uu sheegay in ay soo raadiyeen isla markaana ay tageen halkii uu qaraxu ka dhacay balse ay la kulmeen indho xumo aan la xamili Karin.

"Waxa aan tagnay meeshii ay dhibaatadu ka dhacday, runtii waxa ay ahayd wax aan la qiyaasi karin hilbihii ehelkeenna oo googo’ay ayaan Meesha kasoo aruursannay”, ayuu sii raaciyay Feylow isaga oo aad u tiiraanyeysan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay adkeyd in la kala garto meydadka, balse astaamo ay ku yaqaanneen ay u sahashay in ay aqoonsadaan dadka ehelkooda ah ee ay dhibaatada la kulmay.

Xasan iyo Muumino waxa ay ifka kaga tageen 7 carruur ah oo kale oo hadda ku sugan magaalada Beledweyne.

Xilliga Feylow Cabdi aan la hadleynay waxa uu sheegay in ay u taagan yihiin aaskii marxuumiinta oo ay dul joogaan.

Beledweyne ayaa lagu tiriyaa in tahay magaalada labaad ee Soomaaliya ee ay ka dheceen qaraxyada ugu badan marka laga soo tago magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaraxyo ay saameyn badan ka dhalatay ayaa lagu xusuustaa in sanadihii la soo dhaafay ay ka dheceen magaalada Beledweyne.

Dadkii ugu saameynta badnaa ee ku geeriyooday magaalada Beledweyne waxaa kamid ahayd Xildhibaan Aamina Maxamed oo ka mid ahayd xildhibaannada Soomaaliya.

Bishii Maarso 23 keeda, 2022 kii waxaa magaalada baledweyne lagu dilay Allaha u naxriistee xildhibaanadda oo xilligaas ku sugneyd magaalada.

Majirto haatan wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha ammaanka Baledweyne oo ku aadan qaraxan khasaaraha geystay nooca uu yahay iyo tirada rasmiga ah ee waxyeelada ka dhalatay.

Qaraxaan ka dhacay afaafka hore ee xerada ciidamada Jabuuti ku lahaayeen Xaafadaas ayaa kusoo beegmaya, iyadoo askartii ugu dambeysay ee ciidanka Jabuuti isaga guureen xeradaas, islamarkaana ay la wareegeen xerada ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka.

 


1-DA LUULYO "MATAANAYNTII MAANDEEQ”


Ummad walba oo dunida ku nool waxay leedahay maalmo ay si gaar ah ay u maamuusaan isla markaana ku weyn quluubtooda, kuwaasi oo ku astaysan diiwaan taariikheedka bulshada.

Maalmaha xorriyadda waxay mudnaantaan goonida ah ku heleen waa gaaritaanka guulo mudan in si joogta ah loo xasuusto ,kadib kolkii maalmahaasi loo huray naf iyo maal, gaar ahaan kuwa qiimaha badan sida maalmaha qarannimada.

Shacbiga soomaaliyeed oo ka mid ah umadaha ku sharfan magac weyna ku helay kifaaxii ay u soo galeen hanashada gobanimadooda ayaa halgankoodii gobanimodoon wuxuu la soo bilawday soo ifbaxii damcii gumaysiga ee xeebaha bariga afrika.

Dhaqdhaqaaqii ugu horeeyay ee lagaga soo horjeeday gumeystaha ee ka hana qaaday dhulka soomaalida wuxuu ahaa kii Axmed Garaad Ibraahim "Axmed Gurey” oo halgankiisu bilowday 1528 illaa 1543. Axmad Gureey waxaa u suuro gashay in uu geesinimo leh kaga hortago gumaystayaashii isa soo bahaystay,muddo kadibna Waxaa shucladdii difaacidda sharafta dalka iyo dadka soomaaliyeed kor u qaaday Darwiishkii sayid Max’ed Cabdulle xasan oo dagaal muddo dhowr iyo labaatan sano socday la galay gumaystigii ingiriiska, wuxuuna jab taariikkaysan ku riday ingiriiska ciidamadiisii dhulka kuwaasi oo ka quustay inay u babac dhigaan ciidamadii jadbaysnaa ee Daraawiishta.

sanadkii 1919-kii ayaa saraakiishii hogaaminaysay ciidamadii gumaystaha Ingiriiska waxay dowladooda u gudbiyeen in aysan dagaal dhinaca dhulka ah kaga guulaysan Karin ciidamada sayidka, isla sanadkaas ayaa ingiriisku go’aan ku gaaray in dhinaca cirka laga weeraro qalcadihii adkaa ee Sayidka, 21kii Jannaayo 1920-kii ayaa diyaarado dagaal oo ingiriisku leeyahay noocooduna ahaa DH9 ayaa waxay weerar ku qaadeen Saldhigyadii ciidamadii daraawiishta

Sidoo kale waxaa jirey halgamayaal badan oo naftooda iyo hantidooba u hurey dhulkooda hooyo waxaana ka mid ahaa Shiikh Xasan barsame, Xaaji Faarax Oomaar iyo sheikh Bashiir iyo dhalinyaradii Xisbigii S.Y.L ee laga dhisay Muqdisho 15kii may 1943dii iyo sidoo kale kuwo kale oo ka socday xisbiyadii S.N.L & U.S.P oo iyaguna ka qeybgalay kifaaxii goballada waqooyi ee dalka

1948dii waxaa magaalada muqdisho ka dhacay dagaalkii Hanoolaato oo ku soo beegmay maalintii Q/M dalka Soomaaliya u soo dirtay guddi xaqiiqo raadin oo ka kooban 4tii dal ee ku guulaystay dagaalkii 2aad ee dunida, isla sanadkaad Q/M waxay go’aamisay in gobollada koonfureed ee Soomaaliya muddo toban sano ah oo ka bilaabanaysa 1950ka ay si wada jir ah ay u sii maamulaan Q/M & dalka Talyaaniga kadibna xornimo la gaarsiiyo.

12kii octoobar 1954tii ayaa S.Y.L guddi xirfadlayaal iyo hal abuurayaal waxay u saartay inay alifaan naqshadda uu yeelanayo Calanka Soomaaliya, waxaana ku guulaystay Allaha u naxariistee Maxamad xalayale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada.

Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa 5-ta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu u taagan yahay midabka cirka.

24tii March 1956dii waxaa la dhisay Dowladdii Ugu horeysay abid ee dad soomaaliyeed hogaanka u qabtaan, waxay ahayd daakhili ka kooban 6 wasiir waxaana R/wasaare u noqday Allaha u naxariistee C/llaahi Ciise Maxamuud waxayna gobollada koonfureed maamulaysay illaa 1960kii.

Xilligii gobollada koonfureed ee dalka ay ku jireen mudada xornimo gaarsiinta , waxaa wada hadallo u bilaawdeen madaxdii koonfur iyo waqooyi oo ku heshiiyay in ay midoobaan labada gobol, lana yagleelo hal dal oo soomaaliyeed.

26kii juun 1960kii ayaa beerta xoriyadda ee magaalada hargaysa waxaa la suray Calankii ugu horeeyay ee xor ah oo laga taago ciid Soomaaliyeed, waana habeenkii uu goobtii calansarka ka mariyay Allaha u naxariistee marxuum C/llaahi Suldaan Tima- cadde gabaygii taariikhda galay ee ahaa ( Sareeyoow ma Nusqaamoow aan siduu yahay eega’e kanna siib kanna saar).

4 maalmood kadib oo ku beegnay 1dii luulyo 1960kii waxaa xornimadooda qaatay goballadii koonfureed, isla markaana waxaa midoobay gobolladii waqooyi iyo koofur,waxaana dhidibada loo taagay Jamhuuriyaddii koowaad ee Soomaaliya.

July 1, 1960: Madaxweynihii u horeeyey ee Soomaaliya waxaa noqday Aaden Cabdulle Cismaan (Aaden Cadde), waxana uu madaxweyne ahaa ilaa June 10, 1967, markaas oo doorasho uu madaxweynanimada kula wareegey C/rashiid Cali Sharmarke. [Aaden Cadde waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1908 ilaa June 8, 2007].

Gabagabadii,dadka Soomaaliyeed waxa ay manta u dareereen xuska sanadguurada 64-aad ee ka soo waregatay dhalashadii xornimada,sidaa aawadeed, waxaa lagama maarmaan ah in dib boorka looga jafo wadaniyaddii iyo is jacaykii ay ku mataanobeen dadka soomaaliyeed,kaas oo abwaanada soomaaliyeed ay ka yiraahdeen(Dhaaxaan murugo iyo harraad mudanee, shalayy curatoo mataanaysee aan maalno hasheenna Maandeeq).

W/D:- Abuukar Gob-doon.


 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip