MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QAYB GALAY AASKA QARAN EE GUDDOOMIYE JAWAARI

0
Saturday June 29, 2024 - 11:29:13 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 103
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QAYB GALAY AASKA QARAN EE GUDDOOMIYE JAWAARI

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan madaxda kale ee Qaranka ayaa ka qayb galay Aaska Qaran ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Madaxweynaha ayaa xusay i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan madaxda kale ee Qaranka ayaa ka qayb galay Aaska Qaran ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu door taariikhi ah ka soo qaatay dowlad-dhiska, horumarinta dalka iyo dhismaha hay'adaha dowladeed ee Soomaaliya, isaga oo mas'uuliyado kala duwan ugu soo adeegay dalkiisa isla markaana ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska dowladnimadeenna. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen madasha janaasada, isaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowsa. Salaadda Janaasada Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa ka qayb galay, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra'iisul Wasaaraha XFS, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka,l iyo mas'uuliyiin kale.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip