Madaxda Sare ee Dowladda oo ka hadlay Geerida Jawaari

0
Friday June 28, 2024 - 16:37:33 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 88
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Sare ee Dowladda oo ka hadlay Geerida Jawaari

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo ku geeriyooday maanta magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo ku geeriyooday maanta magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee Marxuumku uu ka soo qaatay horumarinta iyo dhismaha hay'adaha dowladeed ee Soomaaliya. Isagoo ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska qarankeena. "Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehel iyo qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo muddo dheer u soo shaqeynayey qarankeenna, dhaxal wanaagsanna uga tagay, isagoo door muuqda ka soo qaatay dib u soo celinta dowladnimada Soomaaliya". Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marxuumka Alle uga baryay in uu janadii Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna uu ina ka siiyo dhammaanteen. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ku geeriyooday magaaladda Muqdisho. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Allaha u naxariistee Prof Jawaari uu ahaa shaqsi wakhti badan usoo huray dowladnimada Soomaaliyeed muddo aad u badanna Qaranka usoo adeegay. "Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun illaahey ha u naxariisto Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu ahaa oday iyo siyaasi cimrigiisa inta ugu badan kusoo qaatay u adeegida Qaranka Soomaaliyeed, sidoo kalena kaalin weyn ka qaatay dhisida dowladnimada Soomaaliya" ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka. Sidoo kale Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu Shacabka Soomaaliyeed ku dhex lahaa taariikh aan la iloobi doonin. "Allaha u naxariistee Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa u ahaa siyaasi odaytinimadiisa Iyo aqoontiisaba inta badan cimrigiisa ugu soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, waxa uu ummada Soomaaliyeed dhexdeeda ku lahaa taariikh mug weyn, Naftiisa iyo waqtigiisa inta ugu badan waxa uu u huray dib u dhiska dalka, waxa uu gacan weyn ka gaystay dib u qorida dastuurka dalka" ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Alle uga baryay in uu janatul Fardowsa ka waraabiyo,dhammaan ummadda Soomaaliyeedna uu samir Iyo iimaan ka siiyo. Dhinaca kale Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska iyo ehelka uu ka baxay Allaha u naxariistee, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Ugu dambeyn Ra'iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Qaranka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uu maanta ka baxay tiir aad muhiim ugu ahaa dowlad dhiska Soomaaliyeed. Waxa u uku tilmaamay Marxuum Jawaari in uu ahaa siyaasi waayo arag ah oo muddo ka badan 60 sano ka soo shaqeeyay dowladnimada Soomaaliya, isla markaana ay ku gaamurtay maamul dowladnimo oo dhameystiran. Ra'iisul Wasaaraha ayaa marxuumka uga baryay Allaah (SWT) in uu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, ehelka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip