HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 25/6/2024

0
Tuesday June 25, 2024 - 09:07:05 in Wararka by Khaliif Hussein
  • Visits: 178
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 25/6/2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Shirweynaha Urur Goballeedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo maalintii labaad ka soconaya Muqdisho

Waxaa maalintii labaad magaalada Muq disho ka soconaya shirweynaha Urur Goballeedka Iskaashiga Dhaqa alaha Bariga Afrika, kaas oo maanta lagu lafagurayo cilmiyeedyo ku saabsan in Soomaaliya ay diyaarsato sharciga ay qeybta kaga noqoneyso xubin fircoon oo shaqeysa urur Gobolleedka iskaasshiga dhaqaalaha ee bariga Afrika.

Shirka oo uu shalay furay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa maanta ka qeyb galaya wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka dalka, sidoo kale, waxaa lagu casuumay oo xiritaanka ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda.

Sidoo kale, khubarada caalamiga ah ee shirka ka qeyb galaysa ayaa Soomaaliya ka caawinaya saameynta ka dhalata isbeddelka Cimilada gaar ahaan dhinacyada hawada, waxaa shirka sidoo kale, maanta uu daaran yahay in ay Soomaaliya ka shaqeyso sidii wada-shaqeyn dhow ula yeelan lahayd dalalka ku bahoobay Urur Goballeedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa.

Qaar ka mid ah Khubarada caalamiga ah ee shirka ka qeyb galaya ayaa sheegay in Urur Gobolleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika uu abuurayo iskaashi weyn in laga yeesho wax ka qabashada isbeddelka cimilada.

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka Garsoorka Shiinaha iyo Afrika

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa ka qayb galay shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Afrika iyo Shiinaha, kaas oo looga hadlay sida loo xoojin lahaa iskaashiga, hormarinta garsoorka Soomaaliya iyo Shiinaha.

Shirkan ayaa waxa looga wada hadlay sidii loo kobcin lahaa iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada garsoorka iyo sharciga.

Dowladdaha Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an in ay iska kaashadaan horumarinta caddaaladda iyo hufnaanta garsoorka.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulan la qaatay safiirka Maraykanka

Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka FS mudane Sheekh Aad an Maxamed Nuur Madoobe ayaa kulan la qaatay safiirka cusub ee dow ladda Mareykanka usoo magacowday Soomaa liya Danjire Richard H. Riley.

Safiirka ayaa ugu horeyn guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahadceliyay qaabilaada uu u sameeyay,isaga oo sheegay Inuu ku faraxsanahay in Soomaaliya loo soo magacaabo islamar kaana uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada wadan.

Guddoomiyaha golaha shacabka mu dane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ugu horeyn safiirka ku soo dhoweeyey Soomaaliya ayaa waxa uu warbixin kooban ka siiyay horumarada Kala duwan oo ay dowladda Soomaaliya ku talaabsaneysa oo ay ka mid yihiin Amniga,dhaqaalaha Iyo ciribtirka Khawaariijta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaal iya oo kala hadlay hindisayaasha iskaashiga Kuxigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Talaado ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Kuxigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Iskuduwaha Arrimaha Bani’aadannimada, Mudane George Conway, oo uu kala hadlay sare u qaadida iskaashiga, isuduwidda, iyo dadaalka wadajirka ah.

Kulanka ayaa lagu qaadaa-dhigay dadaalka dheeraadka ah ee Guddiyada farsamo ee labada dhinac ay muujiyeen iyo samaynta istiraatiijiyad dhammaystiran oo hagaysa qorshaha kala guurka ee Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) si loo unko xafiis Q.M ay ku yeelato dalka oo la mid ah kan ka dhisan dalalka kale, si loogu dhaqaaqo horukac barwaaqo leh, loogana guul keeno himillooyinka, loona gaaro horumar waara.

Wasiirka Waxbarashadda XFS oo kormeeray goobaha Imtixaanka ee degmadda Balcad

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta kormeer ku tagay goobaha ay ka socdaan imtixaanka Dugsiyada sare ee Degmada Balcad.

Kormeerka Wasiirka waxaa qeyb ka ahaa Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda Xildhibaan Cali Cumar (Cali Balcad) iyo Guddoomiyaha Degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Wasiirada ayaa bogaadiyay habsami u socodka imtixaanka, iyagoo ardayda u rajeeyey natiijo ay ku farxaan.

Madaxweynaha Galmudug oo shir dib u heshiisiineed u furay beelihii Galgaduud ku dagaalamay

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa furay shirka nabadeynta beelaha kasoo kala jeeda degmooyinka Xeraale iyo Cabudwaaq, kuwaas oo dhawaan maleeshiyaad kala taabacsan ay diriri dhex martay.

Madaxweynah ayaa ku boorriyey salaaddiinta iyo nabaddoonnada inay guud ahaan reer Galmudug gaar ahaan dadka ay kasoo kala jeedaan u qaadaan nabad waarta, isla markaana dhinac looga soo wada jeesto cid kasta oo nabadda lid ku ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale guddi culima ah oo loo saaray xal u helidda dirirta beelaha walaalaha ah kula dardaarmay iney xaqa u hiilliyaan cidna aysan u eexan, isla markaana ay dowladdu ku garab taagantahay

Somalia oo ka qayb-gashay Shirweynaha 29-aad ee Ururka Isgaarsiinta Bariga Afrika

Maareeyaha Guud ee Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka(HIQ) Mustafa Yaasin Sheekh, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 29-aad ee Ururka Isgaarsiinta Bariga Afrika (EACO) oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirweynaha oo sanadkan xoogga lagu saaray dhiirigelinta Isbeddelka Dijitaalka ah ee gobolka Bariga Afrika, ayaa ujeedkiisu ahaa in la sahamiyo hindiseyaal wadajir ah oo kobcin kara isbeddelka dijitaalka ee gobolka iyo koritaanka dhaqaalaha.

Inta uu socday shirka waxey wafdigu kulamo la yeesheen qaar ka mid ah masuuliyiinta ka socotay Hey’adaha Isgaarsiinta Bariga Afrika oo ay ka wada hadleen iskaashiga dhinaca Isgaarsiinta iyo teknolojiyadda.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Cumaan oo gaaray caasimadda dalkaas ee Masqad

Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Saldanada Cumaan dannjire Bashiir Xasan Xaaji ayaa gaaray magaalada Masqad ee caasimadda dalkaas, iyadoo qaybta gaarka ah (VIP) garoonka diyaaradaha uu ku soo dhaweeyay agaasimaha hab-maamuuska wasaaradda arrimaha dibadda Cumaan, hormuudka safiirrada caalamka u jooga Cumaan iyo diblomaasiyiinta safaaradda JFS ee Cumaan.

Danjire Bashiir ayaa ka mahadceliyey hab-maamuska sare ee loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Masqad, isagoo ballanqaaday inuu horumarin doono iskaashiga taariikhiga ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Cumaan, wuxuu intaa ku daray inuu dardargelin doono sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga ganacsi ee labada dal ka dhaxeeya, muwaadiniinta Soomaaliyeedna ay u heli lahaayeen adeegyo gacan ka siinaya inay sare u qaadaan wadaaga ganacsi ee labada dal.

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Cumaan, Danjire Bashiir Hassan Hajji ayaa si weyn ay usoo dhaweeyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Cumaan.

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka u gudbisay dacwad ka dhan ah ciidamada Itoobiya

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay ciidamada Itoobiya inay si sharci darro ah ku soo galeen xuduudka Soomaaliya taasoo keentay inay iska hor imaad la galaan ciidamada ammaanka ee deegaanka.

"Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa sida ay uga go'an tahay inay ixtiraamto mabaadi'da ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay iyo deris wanaagga," ayuu Abuukar Cismaan u sheegay 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka.

Safiirka Soomaaliya ee UN-ka ayaa sheegay inay Itoobiya ka filayaan inay ixtiraamto deris wanaagga labada dal.

Abuukar Baalle wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku qasban tahay inay dib u dhigto bisha Luulyo ilaa Sebtembar ka bixitaanka ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya.

Ugu yaraan 3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ee dagaalka kula jira Al Shabaab.

Joogitaanka ciidamada Itoobiya iyo guud ahaan ATMIS ayaa la filayaa in lasoo gaba gabeeyo 31-ka December kadib 17 sano oo uu dalka ka howlgalayeen.

Booliiska Soomaaliya oo garoonka Aadan Cadde ku soo bandhigay gacan ku dhiigle baxsad ahaa

Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dajiyay nin la sheegay inuu yahay gacan ku dhiigle baxsad ahaa, kaasoo si dhuumaleysi ah dalka uga baxsaday.

Ninkaan oo lagu magacaabo Maxamed Cumar Ciise ayaa ku eedeysan in gobolka Nugaal uu horay ugu dilay marxuum lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Faarax 17-05-2023 sanadkii lasoo dhaafay.

War qoraal ah oo kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ninkaan oo dilka markuu geystay u baxsaday dalka Kenya, xogtiisa la wadaageen Booliiska caalamiga ah ee Interpol, waxaana ninkaan la sheegay inuu ku joogay dalka Kenya isticmaalka magac been abuur ah oo ah Cabduqaadir Cumar Cali si aan loo aqoonsan.

”Hoggaanka xiriirka dibada ee booliiska Soomaaliyeed ayaa xogtiisa la wadaagay xafiisyada kala duwan ee Interpol, waxaana la ogaadey inuu ku nool yahay Kenya uu isticmaalay magaca Cabduqaadir Cumar Cali si aan loo aqoonsan, 21-06-2024 wuxuu tagay Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya, si uu u jarto dukumintiga u Safar dalkaaga (Go Home ), Wuxuuna ku jartey magac been abuurka ah ee Cabduqaadir Cumar Cali” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliiska Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee ninkaan baxsadka ahaa ee Booliiska Somaaliya gacanta ku dhigeen, ayaa la filayaa in Booliiska Soomaaliya kusii wareejiyo Maxkamadda gobolka Nugaal ee maamulka Puntland oo horey u codsatay in ninkaan loo soo gacan galiyo.

Ma ahan markii ugu horeysay oo wadashaqeyn noocaan oo kale ah ay dhexmarto Booliiska Caalamiga ee Interpol iyo Booliiska Soomaaliya.

Taliska Booliska oo ka digay in xabado la rido waqtiga dabaaldegga xorriyadda

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa looga digay ciidamada qalabka sida iyo bulshada inay xabado ridaan waqtiga calan saarka maalmaha xorriyadda.

Taliska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Wuxuu Ku wargilinayaa in Dhamaan ciidanka qalabka sida iyo bulshada Soomaliyeed goob kasta oo ay Joogaan inta Lagu guda Jiro Dabaaldega 26 Juun iyo 1 luulyo Marka Lagaaro Saacada Calan saarka aan Wax Rasaas ah la ridi karin marka laga reebo Buleerka ay loogu Tala galay Dabaaldega

Maamaada ay horey uga dhasheen daawacyo soo gaarey qaar ka mid ah bulshada Soomalaiyeed

Dhamaan lamaha amniga waxaa lafarayaa inay u hogaansamaan Amarkaan. Ayna talaabo ka qaadaan cidii ku xad gudubta.

 

Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo la wareegay xil xasaasi ah oo loo dhiibay

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaliyeed S/Guuto, Sulub Axmed Firin ayaa xilka u kala wareejiyey Taliye ku xigeenkii hore ee Ciidanka Boliiska S/Guuto, Zakiya Xuseen Axmed iyo Taliyaha howlaha gaarka ah ahna Taliye ku xigeenka 2-aad Ciidanka Boliiska S/Guuto, Cabdalla Cabdalla Maxamed.

Xil-wareejintaan ayaa ka dhacday munaasabad kooban oo ka dhacday Taliska Ciidanka Boliiska Soomaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa ugu mahadceliyey Taliye ku xigeenkii hore ee Boliiska Jeneraal Zakiya mudadii ay xilkaas ugu adeegaysay Bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey Taliyaha Howlaha gaarka ah, ahna Taliye xigeenka cusub ee Ciidanka Boliiska.

Taliye Sulub ayaa Cabdalla Cabdalla kula dardaarmay in uu horay u sii wado shaqada balaaran ee hortaala xafiiska loo magacaabay.

Arrinta aan faahfaahinta laga bixin ee shakiga abuurtay waa "Howlaha gaarka ah” oo Cabdalla Cabdalla loo magacaabay markii laga soo tago xafiiska uu kala wareegay Zakiya Xuseen.

Jeneraal Cabdalla Cabdalla waxaa darajada iyo xuquuqda ciidanimo ka xayuubiyey madaxweynihii hore ee dalka Farmaajo oo ku eedeeyey arrimo argagixiso iyo qiyaano qaran, balse Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u soo celiyey xuquuqdiisa ciidanimo.

Shakiga xilka "Howlgalka Gaarka ah” ee Cabdalla Cabdalla loo magacaabay wuxuu sii xoojinayaa shaki horay uga taagnaa "Hoggaanka Ciidanka gaarka ah” oo dhowaan laga dhex abuuray Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, howlaha hoggaanadaas ayaan ilaa hadda laga heyn wax faahfaahin ah.

Wiil dhalinyaro ah oo lagu dilay Guriceel iyo baaritaan socda

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ka dhacay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, waxaana dilkaasi loo gaystay Wiil dhalinyaro ah sida warar nasoo gaaraya ay sheegayaan.

Xalay saqdii dhexe ayaa lagu soo warramayaa in Magaalada Guriceel lagu dilay Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Libaan Aadan Ibraahim, waxaana dilkaasi xaqiijiyay Taliska Booliska magaaaladaaasi.

Saraakiisha Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay haatan ku raadjoogaan Eedaysanihii ka dambeeyay dilka lagula kacay marxuum Libaan Aadan Ibraahim.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilka Marxuumka, waxaana hay’adaha ammaanka ay ku howlan yihiin baaritaanka waxa sababay falkaasi iyo soo qabaashada eedaysanaha la sheegay inuu ka dambeeayay dilka loo gaystay Libaan Aadan Ibraahim oo ahaa Wiil dhalinyaro ahaa.

Hay’adda maaraynta musiibooyinka oo kaalmo u dirtay deegaano ka tirsan Jubaland oo Alshabaab laga saaray

Hay’adda maareynta musiibooyinka ee SoDMA ayaa maanta shixnado iskugu jira Teendhooyin, Marakaneecoyin iyo Daawooyin waxa ay u dirtay degaanka Buula Xaaji iyo tuuloyinka hoostaga ee gobolka Jubbada hoose oo dhawaan laga xoreeyey argagixisada ee Alshabaab

Degaanadaan waxaa dib ugu soo labaanaya tan iyo markii la xoreeyey qoysas ay barakiciyeen Argagixisada iyo kuwa hore sameen uga soo gaartay dadaadkii ElNiño, waxaana loogu talagalay in dadkaan dib u dajin loogu smaeeyo.

Sidoo kale, gargaarkaan waxaa ka mid ah Daawo si gaar ah loogu talagalay in la gaarsiyo goobaha cafimaadka dega anka Buula Xaaji oo shacabka ku nool muddo badan aysan helin adeegyada muhiimka u ahaa nolasha.

Xaalada Goobihii lagu dagaalamay ee Gobolka Mudug oo degan

Wararka ka imaanya gobolka Mudug ayaa sheegaya in ay saakay degan tahay xaalada Goobihii lagu dagaalamay ee galbeedka gobolkaasi.

Degaanka Jiicboor ee gobolka ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxa ka dhacay dagaal u dhexeyay laba Maleeshiyo Beeleed oo ka soo kala jeeda Bandiiradley iyo Goldogob ee fobolka Mudug

Duqa Magaalada Gaalkacyo ee Dawlad goboleedka Galmudug Cabdiraxmaan sheekh Xasan Jimcaale oo waraysi siiyay Warbaahinta Risaala ayaa sheegay in xaalada degaankii lagu dagaalamay ee gobolka Muduf ay degan tahay islamarkaana ay kala dhex galeen maleeshiyaadkii dagaalamay sidoo kalena ay dhawaan lakala qaadayo Maleeshiyaadka Beelaha dagaalamay.

Booliska oo soo bandhigay Nin lagu Eedeeyay in uu dilay Hooyadiis & Abtigiis

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyed ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Maxamed Xasan Cali Dhiblaawe oo ku eedeysan in uu xalay fiidkii Degmada Dayniile ku dilay Hooyadii dhashay iyo abti hooyadiis la dhashay.

Marxuuminta geeriyootay ayaa lagu kala magacabaa Muraayo Muxumud Siyaad oo 55 sanno jir aheed iyo Yuusuf Muxumud Siyaad oo jiray 85 sanno, waxaana dilkaan uu u adeegsaday Tooreey.

Taliska Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Baanadir ayaa sheegay in la baarayo xaalada cafimaad ee eed eysanaha si sal looga gaaro waxa ku ka lifay in uu waalidkiis dilo.

Faahfaahino kasoo baxaya dagaal xubno ka wada tirsan Al-shabaab ku dhexmaray gobolka Baay

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in barqanimadii maanta xubno ka wada tirsan kooxda Al-sha baab ay ku dagaalameen deegaanka Ufuroow ee gobolkaas.

Dagaalka maanta dhexmaray xubnaha ka wada tirsan Ururka Al-shabaab ayaa la sheegay iney ku dhinteen laba xubnood, islamarkaana uu ku dhaawac may mid kale, sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda fedaraalka.

Warka kasoo baxay dowladda Feda raalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in isku dhaca xubnaha Al-shabaab uu yimid kadib markii ay isku qabsadeen lacago ay kasoo aruuriyeen dadka shacabka ah oo kooxdu ugu yeerto Sak awaad.

Ugu dambeyntii majiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka la sheegay inuu maanta ku dhexmaray deegaanka Ufurow ee gobolkaasi Baay.

Ciidanka Israel oo weerar ku dilay10 ruux oo mucaawino doon ahaa

Ugu yaraan 10 falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan ilaalada baabuurta gargaarka ay aa lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaad day dad mucaawino doon ah oo ku sug naa deegaanka Khan Younis.

Dadka la dilay ayaa la sheegay in ay ka mid aheyd haweeneey la dhalatay mad axa Ururka Xamas Ismaaciil Hani yah,taasoo lagu dilay weerar ka dhacay xerada al-Shati.

"xaalad macaluul ah ayaa weli ka jirta Gaza,iyadoo in ka badan 495,000 Fala stiiniyiin ah ay soo food saartay cunto yari iyo masiibo,sida uu ku waramay Ma daxa Hey’adda UNRWA ee dadka Fal astiin u qaabilsan gargaarka bini’aada nimo ee Qaramada Midoobay.

Warar ayaa sheegaya in Gaza xilligaan ay tahay deegaan la xaalufiyey,carruurta Falastiinna waxay u dhimanayaan naf aqo-xumo iyo fuuqbax,iyadoo cunto iyo biyo nadiif ah laga sugayo gawaarida hey’adaha samafalka ee tagaya halkaasi.

Dhinaca kale,r/wasaaraha Israel ayaa sheegay in dagaalku sii socon doono xitaa haddii heshiis xabad joojin ah lala gaaro Xamaas.

Kooxda falastiiniyiinta ayaa sheegay in hadaladiisa ay muujinayaan in uu diiday hindise xabbad-joojin ah oo uu soo band higay madaxweyne Biden.

Ugu yaraan 37,626 qof ayaa la dilay, 86098 kalena waxaa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7.

Dibad-baxyo balaaran oo ka socda dalka Kenya

Magaalooyin badan oo ka tirsan dalka Kenya waxaa hadda ka socdo dibadbaxyo ay dhigayaan dadka kenyanka ah ee ka soo horjeeda hindse-sharciyeedka maaliyadda ee canshuurta lagu kordhinayo.

Nairobi, Mombasa, Nakuru iyo magaalooyin kale ayaa boqollaal dad ahi isugu soo baxeen waxaana ay wataan boorar ay ku xardhanyihiin hal ku dhigayo ay ku diidanyihiin sharciga lagu kordhinayo canshuurta xilli dad badan ay sheegayaan in ay dareemayaan culeys dhanka nolosha ah.

Dowladda ayaa ciidamo badan gaysay xaruumaha dowladda si ay uga hortagaan in rabshado ay dhacaan.

Yuhuudda oo duqeysay xarumaha gargaarka lagu keydiyo ee Magaalada Gaza

Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in laba weerar oo cirka ah oo ay ciidamada Israa’iil Isniintii ku weerareen xarumo gargaarka bani’aadannimo lagu keydiyo, ay ku dileen ugu yaraan 11 qof oo Falastiiniyiin ah.

Mid ka mid ah gantaallada ayaa lagu dhuftay xarunt gargaarka bani’aadannimo lagu qeybiyo oo ku taalla magaalada Gaza, gaar ahaan aagga xerada qaxootiga ee Shati, weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay saddex ruux.

Duqeynta kale ayaa lalal eegtay meel u dhaw degmada Bani Suheyla ee koofurta Marinka Gaza. Ugu yaraan siddeed qof ayaa la xaqiijiyay in lagu duley duqeyntaasi.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Isra’il, oo horay loogu eedeeyay in ay beegsato xarumaha gargaarka bani’aadannimo, balse beenisay eedaahaasi, iyada oo ku eedeyso kooxaha kasoo horjeeda ee Gaza in ay ka dhax dagaallamaan meelaha ay rayidka degganyihiin.

Ciidamada ATMIS oo wareejiyay saldhiggii ugu dambeeyay ee gobolka Shabeeladda Dhexe.

Taliska ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sheegay in saldhiga Ceel Ceeglow ee gobolka Shabeellaha Dhexe ay ku wareejiyeen ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo howlgalka Midowga Afrika uu sare u qaadayo ka bixitaanka ciidamadooda ee gudaha Soomaaliya.

Waa saldhiggii ugu dambeeyay ee militari ee ATMIS ay ku wareejiyaan ciidamada dowladda, waana saldhiggii saddexaad ee la wareejiyay inta lagu guda jiro wajiga Saddexaad ee dhimista ciidamada Atmis.

Saldhigga Ceel-Ceeglow, oo ay horay u joogeen ciidamada Atmis Burundi tan iyo 2019, ayaa laga sugaa ammaanka waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho iyo Jowhar iyo deegaannada ku xeeran, iyo waddooyinka loo qoondeeyay howlgallada oo inta badan ay maraan gaadiidka lagu taageerayo howlgallada militari iyo howlaha bini’aadantinimo. .

Bixitaanka ciidamada ATMIS ayaa weli sii socota iyadoo Golaha Nabadda Amniga iyo ee Midowga Afrika (AUPSC) ay ku baaqeen in la wajaho qaabkii loo wajihi lahaa ilaalinta amniga Soomaaliya si looga fogaado in ay dhacdo firaaq amni.

Guddiga Nabadda Midowga Afrika ayaa si weyn u taageeray codsiga Soomaaliya ay bishii May ee ahayd in hoos loo dhigo tirada ciidamada ATMIS ee la filayo in ay ka baxaan dalka bisha June.

Somaliland oo sheegtay in dowlada Soomaaliya anay lahayn dekedo ay heshiis kula gasho Itoobiya

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in dalabka uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u soo bandhigay Itoobiya aanu ahayn fikir ahaan wax suurtogeli kara oo maangal ah.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ku sheegay in Soomaaliya anay lahayn deked u dhow Itoobiya oo ay heshiis kula gali karto Itoobiya.

"Xasan Sheekh Maxamuud wali ma fahmin, isfahanka Itoobiya iyo Somaliland kaliya kuma saabsana dekedo, lakiin halka ay dekedu ku taalo, iyo gaadhitaankeeda ayuu ku saabsanyahay, xataa hadii Itoobiya ay aqbasho dalabkiisa dekeda kali ah ee uu maamula waa dekeda Muqdisho oo 1600KM u jirta Itoobiya" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Waxa uu sheegay in marka laga yimaado masaafada ay xaalada sii xumaynayso Al Shabaab oo uu sheegay in ay maamusho badanka dhulka u dhexeeya Muqdisho iyo Itoobiya, iyo in anay jirin wadooyin ku haboon ganacsiga sida darteedna aanu dalabka Madaxweyne Maxamuud ahayn mid suurogal ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Isniintii sheegay in dowladiisu anay kasoo horjeedin in Itoobiya ay soo gaadho badaha Soomaalida, lakiin uu kasoo horjeedo wadada ay u martay.

Sida Somaliland sheegtay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa hada gabogabo ku dhaw iyada oo Somaliland ay shirkad sharci oo Ingiriis ah u xilsaartay dhamaystirkiisa.



Mareykanka oo digniin cusub ka soo saaray HESHIISKA Somaliland iyo ITOOBIYA


Dowladda Mareykanka ayaa mar kale diginin xooggan ka bixisay heshiiska badda ee ay galeen Itoobiya iyo maamulka Somaliland, waxayna taageero u muujisay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Heshiiska oo la saxiixay horraantii Janaayo 2024, ayey Somaliland ugu ogolaatay dhul-badeed ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan badeed, ayada oo dhaafsaneysa aqoonsi ay sheegtay inay ka heleyso Addis-Ababa, kaasi oo weli aysan xaqiijin Itoobiya.

Ku-simaha danjiraha Mareykanka ee Qaramada Madoobe Robert Wood ayaa mar kale ku celiyey sida Mareykanka uga walaacsan yahay xiisadda ka dhalatay heshiiskaas ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

"Saaxiibayaal, Maraykanku waxa uu weli aad uga walaacsan yahay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya, iyo saamaynta taban ee ay ku yeelanayso danaha amni ee ay wadaagaan,” ayuu yiri Wood oo shalay ka hadlay kulankii Golaha Ammaanka ee QM ee arrimaha Soomaaliya.

"Waxaan ku biiraynaa Midowga Afrika iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah si aan ugu celino taageeradeena ku aadan madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Wadahadal diblamaasiyadeed ayaa ah dariiqa lagu dejin karo xiisadaha, waana dariiqa kaliya ee loo mari karo,” ayuu yiri Wood.

Robert Wood ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in xiisadaha gobolka aysan dib u dhigin dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan hindisaha muhiimka ah ee dowlad-dhisidda ama ololaha dowladda ee lagu wiiqayo al-Shabaab.

"Waxa kale oo aad muhiim u ah in xiisadaha gobolku aanay faragelin qorshaynta iyo hawlgelinta hawlgalka ka dambeeya ATMIS. Ma qaadan karno halista abuurista daldaloolo amni oo khatar ah, ama kharashyada dheeraadka ah ee la xiriira isbeddel a guud oo lagu sameeyo dalalka ciidamada ku tabaruca.”

Digniinta Mareykanka ayaa imaneysa ayada oo Somaliland iyo Itoobiya aysan weli heshiis u bedelin is-afgaradkii ay gaareen, ayada oo 3 bil la dhaafay muddadii saddexda bil aheyd ee ay qabsadeen in ay heshiiska ku saxiixayaan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo dhowaan wareysi siiyey wargeyska The Economist ayaa sheegay in dhul xeebaadkaas oo dhan 20x20km uu teedsanaan doono Lughaya illaa Bulhar, halkaasi oo Itoobiya ay ka dhisi doonto saldhig ciidamada badda ah.

Dalal badan oo caalamka ah ayaa teegeero buuxda u muujiyey Soomaaliya, oo 6-dii June xubin aan joogto aheyn ka noqotay Golaha Ammaanka ee QM.

Soomaaliya ayaa sidoo kale heshiis difaac la gashay Turkey kaasi oo dhigaya in Ankara ay ka ilaaliso cid kasta oo ku soo xadgudubta madax-banaanida iyo qarannimadeeda.

 


Afhayeenka ONLF " Doorashada marka la cod bixinayo anagaa ka badan PP, laakiin marka natiijada lagu dhawaaqayo unbay PPdu badanaysaa"


Afhayeenka Ururka ONLF Cadaani Hirmooge oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha afka ururka ayaa ka hadlay sida uu ururkiisu u arko Doorashadii ku celiska ahayd ee maamulka magaalada Jigjiga oo Axaddii aynu soo dhaafnay ka dhacday magaalada Jigjiga, taas oo ay ku tartamayeen dhowr xisbi oo uu kamid ahaa Ururka ONLF.

Ugu horreyn Caddaani Hirmooge waxa uu sheegay in ay u dhacday qaab saxan, waxa kale oo uu sheegay in ONLF ujeedada ay doorashadan ka lahayd uu ahaa inay muujiso awoodda ONLF ay ku dhex leedahay shacabka, iyo waliba in xisbul xaakimka degaanka Soomaalida ee Barwaaqo ay ONLF tusto in lala tartami karo, waa siduu hadalka u dhigay Caddaani Hirmooge Afhayeenka Ururka ONLF.

Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay in Doorashadaasi ay dhinaca kale lahayd galdaloolooyin gaar ah, isagoo sheegay in dowladdu ay gaadeedkeeda u isticmaalaysay inay dadka kasoo ururiso cidhifyada magaalada Jigjiga, si ay ugu codeeyaan Xisbiga Barwaaqo ee haya hoggaanka Dowlad degaanka Soomaalida, iyo waliba in shaqaalaha xafiisyada Dowladda lagu amray in qofkii aan u codeyn xisbiga Barwaaqo uu waayayo shaqadiisa, waa siduu hadalka u dhigay Afhayeenka Ururka ONLF.

"Doorashada marka la cod bixinayay anagaa ka dad badnayn, laakin marka la istiriyo ee u dambeysa ee tirinta lagu dhawaaqayo unbay PPdu badan marka la codeynayana ONLF ayaa badan, bal adigu si dhe qof markaad suuqa joogto aad ka badan tahay oo Degmooyinka markii la joogo aad ka dad baddan tahay, markii codaynayo aad ka badan tahay, kolka la tirinayana kaa badan".

Hadallada kasoo yeeray Afhayeenka ONLF ayaa kusoo hagaagaya xilli maalin kahor ay magaalada Jigjiga ka dhacday Doorasho ku celis ahayd, doorashadaas oo dib looga dhigay doorashadii guud ee hadda ka hor ka dhacday guud ahaan dalka Itoobiya, doorashadan ayaa xilligaas dib loodhigay kaddib markii xisbiyada mucaaradku ay maamulka degaanka Soomaalida ku eedeeyeen inay si gaar ah ugu shubteen codadkii xilligaas.

Doorashadan Axaddii lasoo dhaafay ka dhacday magaalada Jigjiga ayaa waxaa ku tartamayay saddex xisbi iyo tartamayaal madax banaan, waxaana laga rabaa inay kusoo baxaan toddoba musharax oo baarlamaanka degaanka Soomaalida kumatala magaalada Jigjiga.

Inkastoo aan wali lagu dhawaaqin natiijada doorashadan haddana waxaa durba kasii qaylyaya natiijada soo bixi doonta xisbiyada mucaaradka oo ONLF ugu horreyso, halka xisbul xaakimku uu sheeganayo natiijooyin hor dhac ah oo sheegaya inuu isagu kusoo baxayo doorashadan ka dhacday magaalada Jigjiga, laakiin warkaas ma aha mid ay xaqiijinayaan Warbaahinta madaxa banaan,




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip