Maamulka Gobolka Banaadir oo faah faahin ka bixiyay khasaarihii ka dhashay Roobkii ka da'ay Magaalada Muqdisho

0
Monday June 24, 2024 - 10:49:13 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka Banaadir oo faah faahin ka bixiyay khasaarihii ka dhashay Roobkii ka da'ay Magaalada Muqdisho

    Maamulka gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay khasaarihii ka dhashay roobkii 24-saac ee la soo dhaafay ka da'ay magaalada Muqdisho. Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in roobk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay khasaarihii ka dhashay roobkii 24-saac ee la soo dhaafay ka da'ay magaalada Muqdisho. Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in roobka uu khasaara kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo burbur waddooyinka qaar uu geystay. Waxa uu intaa ku daray afhayeenku in Roobka ay ku dhinteen laba caruur ah,325 qoysana uu sameyn ku yeeshay,11-gurina uu burburiyay Roobka,sidoo kale waxa uu tilmaamay laba waddo uu kamid ah kuwa halbowlaha u ah isu socdoka dadweynaha in ay burbureen,maamulka Gobolka Banaadirna uu sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhisayo waddooyinkaasi. Afhayeenka waxa uu sheegay in howlwadeennada gobolka Banaadir ay ku da'daaleen sidii waddooyinka biyaha looga dhuuqi lahaa islamarkaan la isugu furi lahaa isu socodka dadka iyo gaadiidka. Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu shacabka uga digay sadaasha ah in uu da'o roob kale,isagoo shacabka dagan goobaha biya fariisiga ah iyo kuwa ku nool guryaha burbursan in ay ka feejignadaan sameynta uu Roobka u geysan karo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip