Sacuudi Carabiya oo shaacisay tirada rasmiga ah ee dadka ku dhintay xajka sanadkaan

0
Monday June 24, 2024 - 10:48:06 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 99
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sacuudi Carabiya oo shaacisay tirada rasmiga ah ee dadka ku dhintay xajka sanadkaan

    Illaa kun sadex boqol iyo koow qof (1,301) qof ayaa ku dhintay xajka sanadkaan ee Sacuudi Carabiya ,kadib markii la sheegay in badi dadka geeriyooday ay ahaayeen kuwo aan heysan fasax,isla markaana masaafo dheer ku socday kulayl daran. wakaaladda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Illaa kun sadex boqol iyo koow qof (1,301) qof ayaa ku dhintay xajka sanadkaan ee Sacuudi Carabiya ,kadib markii la sheegay in badi dadka geeriyooday ay ahaayeen kuwo aan heysan fasax,isla markaana masaafo dheer ku socday kulayl daran. wakaaladda wararka ee Sucuudiga ee SPA ayaa sheegtay in heerkulka xajka ee sanadkaan uu gaaray 50C (122F) ,iyadoo qaar ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen kuwo da' ah oo xanuunsan Wasiirka caafimaadka Fahad Al-Jalaajel ayaa sheegay in lagu dadaalay sidii dadka looga wacyi galin lahaa qatarta kulaylka ,waxaana xarumaha caafimaadka ay sheegeen in ay daweeyeen ku dhawaad ​​nus malyuun xujey ah. "Alle ha u dambi dhaafo, hana u naxariisto marxuumiintaasi, waxaanna tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaskii ay ka geeriyoodeen," ayuu yiri wasiirka. Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa dublamaasi Carab ah ayaa sheegtay in 658 Masaari ah ay dhinteen. Indonesia ayaa sheegtay in in ka badan 200 oo muwaadiniinteeda ah ay naftooda ku waayeen, halka Hindiya ay sheegtay in ay dhinteen 98 qof. Pakistan, Malaysia, Jordan, Iran, Senegal, Sudan iyo ismaamulka Kurdistan ee Ciraaq ayaa sidoo kale la xaqiijiyay in dad ay ka dhinteen. Sabtidii Ra'iisul Wasaaraha Masar Mostafa Madbouly, ayaa shatiyadii ka xayuubiyay 16 shirkadood oo kuwa dalxiiska ah, wuxuuna maareeyayaashooda u gudbiyay maxkamad. Jimcihii madaxda Dalka Jordan ayaa sheegay in ay xireen dhowr wakiil, kuwaas oo la tilmaamay in ay fududeeyeen socdaalka xujeyda Muslimiinta ah ee ku socday Maka. Dhanka kale madaxweynaha Dalka Tunisia Kais Saied ayaa la sheegay un uu xilkii ka qaaday Wasiirkii Arrimaha Diinta ee dalkaasi. Qiyaastii 1.8 milyan oo qof ayaa ka qayb qaatay xajka sanadkan,waxaana Xajka ka hor, mas'uuliyiinta Sacuudiga ay sheegeen inay magaalada Maka ka soo saareen boqolaal kun oo xujey ah oo aan heysan fasaxa ama ogolaanshaha xajka sanadkaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip