Dowladda Soomaaliya oo Ka Hadashay Xubno ka Tirsan BFS oo Sheegay in lagu Dhibaateeyay Nairob

0
Saturday June 22, 2024 - 12:03:37 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo Ka Hadashay Xubno ka Tirsan BFS oo Sheegay in lagu Dhibaateeyay Nairob

    Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay ka xun tahay in laba ka mid ah xubnaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ay soo wajahdey xaalad ay sheegeen in amnigooda wax loogu dhimayey oo ku qabsatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Waxaa sidoo kale a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay ka xun tahay in laba ka mid ah xubnaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ay soo wajahdey xaalad ay sheegeen in amnigooda wax loogu dhimayey oo ku qabsatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Waxaa sidoo kale ay DFS si xooggan u beenineysaa wararka Xildhibaanadaasi ay baraha bulshada ku baahiyeeen ee ay dhacdadaasi ugu xiriirinayaan Dowladda Soomaaliya. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay u taagan tahay ka shaqaynta iyo dhiirigelinta xoriyadda hadalka, fekarka iyo siyaasadda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dastuuriga ah, meel kasta oo ay joogaan. Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan oo ku saleysan derisnimo wanaag iyo is qaddarin , waxaana xubnaha Baarlamanka Soomaaliya ee dhacdadaasi ay soo wajahdey la gudboon inay la xiriiraan laammaha amaanka ee Kenya oo waajib ka saaran yahay sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo martida dalkooda ku sugan si loo bayaamiyo sida ay wax u dhaceen.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip