Somali British u dagaalamayay Daacish oo weerar ismiidaamin ka fuliyay Ciraaq

0
Sunday October 25, 2015 - 18:09:26 in Wararka by
  • Visits: 745
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somali British u dagaalamayay Daacish oo weerar ismiidaamin ka fuliyay Ciraaq

    Somali Brtish ka bar bar dagaalamayay Kooxda Daacish ayaa weerar is qarxin aad u ba'an ka fuliyay agagaarka magaalada Ramadi ee dalka Ciraaq, halkaasoo Kooxda IS ay difaacanayaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somali Brtish ka bar bar dagaalamayay Kooxda Daacish ayaa weerar is qarxin aad u ba'an ka fuliyay agagaarka magaalada Ramadi ee dalka Ciraaq, halkaasoo Kooxda IS ay difaacanayaan.

Abu Khalid al-Britani ayaa dilay ku dhowaad 50-askari oo ka mid ah Ciidamada Ciraaq, kadib markii labo qarax oo is xigay lagu qaaday.

Qaraxa kale ayaa waxaa qaaday dagaalyahan u dhashay Tunisia, sida lagu baahiyay baraha bulshada ee ay adeegsadaan Taageerayaasha Daacish.

Sawirka Abu Khalid ayaa la soo geliyay baraha bulshada, waxaa la sheegay inay iska dhaleen Somali iyo Yemen, balse waligiis kuma noolaan Soomaaliya.

Abu Khalid ayaa ka tagay magaalada London, waxaa da’diisu aheyd 40-sano jir, waa dagaalyahankii labaad oo British ah oo wax ka yar todobaad weerar is qarxin ka fuliya Ciraaq.

Dagaalyahan kale oo ay saaxibo ahaayeen Abu Khalid oo lagu magacaabo Abu Maidah As-Somali oo mar ku noolaa London iyo Sweden ayaa sheegay inuu ahaa saaxib wanaagsan, balse Afsoomaaliga si fiican ugama hadli jirin.

Abu Khalid iyo Abu Maidah As-Somali ayaa horay ugu kulmay xero Tababar, ka hor inta aanu Abu Khalid al-Britani aadin Ciraaq.

In ka badan 500 dagaalyahano British ah ayaa ka bar bar dagaalamaya Kooxda IS ama Daacish




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip