Al-Shabaab oo xalay weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha Baardheere

0
Sunday October 25, 2015 - 18:02:03 in Wararka by
  • Visits: 652
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo xalay weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha Baardheere

    Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig Ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka tirsan ku lahaayeen garoonka diyaaradaha Baardheere oo ku yaala banaanka magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig Ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka tirsan ku lahaayeen garoonka diyaaradaha Baardheere oo ku yaala banaanka magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu muddo socday, lana isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana lagu soo waramayaa in rasaastii wiiftada uu khasaare ka soo gaaray dad rayid ah.

Saddex ruux ayaa oo haween ahaa, mid ka mid ahna aheyd gabar sagaal sano jir ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen dagaalkii xalay.

Lama oga khasaaraha kala gaaray labada dhinac, iyadoo xilligu ahaa habeen, isla markaana halka lagu dagaalamayay ay aheyd meel ka baxsan magaalada oo adkeyd in la helo faah faahin ku saabsan khasaaraha rasmiga ah

Isgaarsiinta magaalada ayaa saaka hawada ka maqan, iyadoo waabarigii hore inta aanay ciidamada hawada ka saarin Isgaarsiinta ay howl gallo ka bilowdeen.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya oo qeyb ka ah howl galka AMISOM ayaa saldhigyo ku leh magaalada, kadib markii bishii July ee sanadkan ay si wada jir ah magaalada ugala wareegay Al-Shabaab




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip