Bankiga Horumarinta Afrika oo 30-milyan dollar ugu deeqay Qaxootiga Soomaaliya

0
Sunday October 25, 2015 - 17:33:05 in Wararka by
  • Visits: 733
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bankiga Horumarinta Afrika oo 30-milyan dollar ugu deeqay Qaxootiga Soomaaliya

    Bankiga Horumarinta Afrika ee Afrika Development Bank ayaa sheegay in 30-milyan oo dollar ugu deeqay in lagu caawiyo qaxootiga Soomaaliya, taasoo ka mid aheyd balan-qaadkii shirkii Brussles ee looga hadlayay arrimaha qaxootiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bankiga Horumarinta Afrika ee Afrika Development Bank ayaa sheegay in 30-milyan oo dollar ugu deeqay in lagu caawiyo qaxootiga Soomaaliya, taasoo ka mid aheyd balan-qaadkii shirkii Brussles ee looga hadlayay arrimaha qaxootiga.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ahna Madaxa Mashaariicda Dibadda ee Bankiga Horumarinta Afrika ayaa sheegay in lacagahn loogu tala galay sidii loogu caawin lahaa Qaxootiga Soomaaliya.

"Bankiga Horumarinta Afrika waxaa uu Soomaaliya ugu deeqay 30 milyan oo dollar oo aan dooneyno wixii aan qaban karno aan qabano, gaar ahaan sidii qaxootiga loo caawin lahaa” ayuu yiri Dr Beyle.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in mas’uuliyiinta Bankiga Horumarinta Afrika ay dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doonaan sidii Baanka qeyb uga qaadan lahaa dib u soo celinta qaxootiga Soomaaliya.

Qaxooti aad u tiro badan oo Soomaali ah ayaa ku nool wadamo badan oo ka mid ah caalamka, waxaana tirada ugu badan oo qaxootiga Soomaalida ay ku nool yihiin dalalka Kenya, Itoobiya, Yemen iyo Jabuuti.

Lacagaha laga balan qaaday shirkii Brussels ayaa ah mid loogu tala galay sidii qaxootiga Soomaalida ee iskood uga soo tagaya dalka Kenya looga soo daabulo, isla markaana dib u dejin loogu sameeyo gudaha dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip