QM oo ka digtay halis weyn oo ka dhalaneysa xiisadda DF Soomaaliya iyo Puntland

0
Monday April 01, 2024 - 18:01:54 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 84
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QM oo ka digtay halis weyn oo ka dhalaneysa xiisadda DF Soomaaliya iyo Puntland

    Qaramada Midoobay ayaa haatan si toos ah usoo faragelisay xiisadda kasii dareysa ee u dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland, kuwaas oo haatan ku kala tegay arrinta dastuurka KMG ah. Ergeyga gaar ah ee QM u qaabilsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobay ayaa haatan si toos ah usoo faragelisay xiisadda kasii dareysa ee u dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland, kuwaas oo haatan ku kala tegay arrinta dastuurka KMG ah. Ergeyga gaar ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Marwo Catriona Laing oo shalay booqatay Garoowe ayaa ka warbixisay safarkeeda iyo kulan ay la qaadatay Saciid Deni. Catriona Laing oo ka hadashay khilaafka soo xoogeystay iyo go'aanka kasoo baxay Puntland ayaa sheegtay inuu halis gelinayo mustaqbalka Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in dalku uusan horey u socon karin Puntland oo maqan, loona baahan yahay in xal loo helo khilaafka taagan ee labada dhinac. Waxa kale oo ay sheegtay in arrintan iyo sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ay kala hadashay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo Axaddii ku kulmeen caasimadda Garoowe. Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in madaxweynaha Puntland uu u sheegay inuu diyaar u yahay in xal loo helo muranka siyaasadeed ee ka dhashay arrimaha dastuurka. "Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ka maqlo madaxweynaha Puntland in ay ka go'an tahay in uu isku dayo in arrintan xal loo helo, si loo xaqiijiyo in la helo hannaan loo dhan yahay," ayay tiri ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Puntland ayaa maalin kahor ku dhowaaqday inay aqoonsigii kala laabtay dowladda dhexe, kadib meel-marintii wax ka beddelka dastuurka oo ay horay digniin culus uga soo saartay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip