Madaxweyne Xasan Sheekh: Soomaaliya ma doonayso in Qaramada Midoobay ay dalka ka baxdo

0
Friday September 25, 2026 - 10:36:32 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 57
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh: Soomaaliya ma doonayso in Qaramada Midoobay ay dalka ka baxdo

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya aysan doonayn in Qaramada Midoobay ay dalka ka baxdo, balse ay rabto in iskaashiga labada dhinac loo habeeyo qaab ay hay’adaha Soomaaliyeed door hoggaamineed ku yeeshaan fulinta howlaha iyo mashaariicda.Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka socda New York ayaa sheegay in taageerada caalamiga ah ay tahay inay xoojiso hay’adaha qaranka, halkii ay ka abuuri lahayd hannaan barbar socda oo ka madax bannaan dowladda.

Madaxweynaha ayaa dhaliilay qaabka hadda loo maareeyo qaar ka mid ah gargaarka caalamiga ah, isagoo sheegay in mashaariic badan lagu fuliyo hannaan ka baxsan miisaaniyadda dowladda iyo hay’adaha qaranka, taas oo uu sheegay inay adkeyneyso qorsheynta, isku-dubbaridka iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay muddo ka badan 30 sano martigelinaysay joogitaanka Qaramada Midoobay, balse qaybo badan oo ka mid ah gargaarka iyo mashaariicda horumarineed lagu fuliyo qaabab ka baxsan miisaaniyadda qaranka.

"Ma dalbaneyno in Qaramada Midoobay ay baxdo,” ayuu yiri Xasan Sheekh, isagoo ku baaqay iskaashi ku saleysan isla-xisaabtan, qorsheyn istiraatiiji ah iyo natiijooyin la cabbiri karo.

Waxa uu sheegay in arrintani ay dowladda ku adkeyneyso qorsheynta, isku-dubbaridka kheyraadka iyo cabbiridda natiijooyinka, iyo sidoo kale dhismaha hay’adaha dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh: Soomaaliya ma doonayso in Qaramada Midoobay ay dalka ka baxdo


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip