WAA WARARKA WARGYESK AMOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH axad 25 KA OKTOOBAR 2015KA

0
Sunday October 25, 2015 - 11:33:35 in Wararka by
  • Visits: 867
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGYESK AMOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH axad 25 KA OKTOOBAR 2015KA

    Fadhiga 7aad Baarlamaanka Somaliya oo Axada berrito ah furmi doono Magaalada Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadhiga 7aad Baarlamaanka Somaliya oo Axada berrito ah furmi doono Magaalada Muqdisho

Fadhiga 7aad Baarlamaanka Somaliya oo Axada berrito ah furmi doono Magaalada Muqdisho

Fadhiga 7aad Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa Axada berrito ah lagu wadaa in si rasmi ah uu kaga furmo Magaalada Muqdisho, sida uu shalay shaaciyay Guddoonka Sare Baarlamaanka Somaliya.

War Saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Baarlamaanka Somaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cisman Jawaari, ayaa waxaa lagu sheegay in Axada uu furmi doono Fadhiga 7aad Baarlamaanka.

"Hor iyo horaan waxaan doonayaa inaan ku wargeliyo Xildhibaannada Golaha Shacabka in maalinnimada berrito oo Axad ah, taariikhduna ku beegan tahay 25ka October 2015, saacadda 9:00AM uu si rasmi ah u furmi doono Fadhiga 7aad ee Golaha, sidaa daraadeed waxaa laga codsanayaa dhammaan Xildhibaannada in ay u soo diyaar garoobaan munaasabadda furitaanka Fadhiga iyo waajibaadka Dastuuriga ah ee uga abaaran xil gudashada Kalfadhigan.” Ayuu yiri Afhayeenka Baarlmaanka.

Waxa kaloo uu yiri "Waxaa xusid mudan in Fadhigan 7aad ay Golaha hor yaallaan hawlo culus oo dhammantood dalkan muhiim u ah, hada inta badan Mudaneyaasha Baarlamaanka waa ay wada yimaadeen. Waxaanse ka codsanayaa Xildhibaannada haray ee weli maqan inay si deg deg ah dalka ugu soo xaroodaan, si aan u amba qaadno dhammeystirka hawlaha nalaga doonayo inaan qabano, oo ah kuwo aan xil gudashadooda u dhaaranay.”

Dhawr goor, ayuu dib u dhac uu ku yimid furitaanka Fadhiga 7aad Baarlamaanka Somaliya, waxaana sababta lagu sheegay iyadoo inta badan Xildhibaanada ay ka maqan yihiin Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa bartamihii bishii hore ee September galay xilligii fasaxa, iyadoo la fasaxay hal bil oo qura, xilli ay xaq u lahaayen in muddo laba bilood oo fasax ihi ay galaan.

Madaxweyne Xasan oo waraaqaha ka guddoomay Safiirka NL ee Somaliya ..

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Boqortooyada Netherlands wakiilka uga noqon doona Soomaaliya, Amb. Franciscus Albercht Makken.

Madaxweynaha ayaa danjiraha u xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, isla markaana ka mahad celiyey doorka Boqortooyada Netherlands ka qaadaneyso arrimaha Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in laga taageero sidii barnaamijyo mihnadeed loogu fidin lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed, isla markaana Midowga Yurub iyo beesha caalamka ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya sidii loo joojin lahaa falal kaluumeysi sharci darro ah oo ay xeebaha dalka ka sameynayaan maraakiib shisheeye.

Danjire Makken, safiirka cusub ee Netherlands, ayaa isna sheegay in dowladiisa ay sii wadi doonto tageerada ay ka geysaneyso barnaamijyada dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

Waxaa uu intaa ku darey in Boqortooyada Netherlands oo la shaqeyneysa Midowga Yurub ay wadajir wax uga qaban doonaan baahiyada ka jira Soomaaliya, iyagoo talooyin ka qaadanaya madaxda Soomaaliya.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibedda Axmed Cali Kediye, iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socdey labada dhinac.

Saddex askari oo Jabuutiyaan ah oo lagu dilay Baledweyne, halka laba kalana lagu dhaawacay

Mid ka mid ah Ciidamada Jabuuti ee degan Magaalada Baledweyne, ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii waxa uu laba askari uu ku dilay Xerada Ceeljaale oo 3km u jirta Xarunta Gobolka Hiiraan.

Askarigan oo tuhun laga muujinayo in madaxa looga jaray, ayaa rasaas xoogan oodda kaga qaaday Ciidamadii Jabuuti ee Xeradaasi kula sugnaa, waxaana la xaqiijiyay in laba ka mid ihi uu dilay, halka laba kalana uu dhaawacay.

Wararka qaar waxay sheegayaan in askarigaasi la dilay, halka warar kalana ay sheegayan in isaga uu is toogtay, ka hor intii aynaan dilin Ciidamadii kale ee wehlinaayay Xerada Ceeljaale.

Dhinaca kale waxaa soo baxaaya warar aan weli si sax ah loo xaqiijin oo sheegaya in dhakhtar Itoobiyaan ahaa oo ku sugnaa Xeradaasi, in isagana uu ku dhintay rasaastii uu furay askarigaasi.

Magaalada Baledweyne, ayaa waxaa si weyn looga hadalhayaa toogashada ka dhacday Xerada Ceeljaale, iyadoo dhinaca kalana aanay weli wax tafaasiil ah ka bixin Saraakiisha Ciidamada Jabuuti.

Dhacdadan waxay noqotay nooceedii ugu horeysay oo ka dhex dhacda Xeryaha Ciidanka Jabuuti ku lee yihiin Gobolka Hiiraan, tan iyo markii ay hawlka Amisom ku soo biiraan bishii December ee sanadkii 2011ka.

Golaha Ammaanka oo kordhiyay waqtiga cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kordhiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, kadib fadhi Goluhu ku yeeshay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa hal sano lagu kordhiyay illaa iyo bisha November ee sanadka 2016.

Qaraarkan ayaa waxaa u codeeyay 14 dal ee ka mid ah 15ka dal ee xubinta ka ah Golaha Ammaanka, waxaana ka aamustay dalka Venezuela kaliya.

Sidoo kale Golaha Ammaanka ayaa waqtiga u kordhiyay howsha Kooxda Qaramada Midoobey u qaabilsan la socodka arrimaha Soomaaliya iyo Eritrea ilaa 15 bisha December ee sanadka 2016.

Waxaa uu Golaha Ammaanka walaac ka muujiyay musuq maasuqa, lunsashada hantida qaranka iyo wax is daba marinta lacagaha ee ay ku lug leeyihiin Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo Baarlamaanka.

Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xariiqay in shaqsiyaadka faraha kula jira falalka khatarta ku ah amaanka iyo hanaanka dib u heshiisiinta ay suurtogal tahay in ay xannibaado la kulmaan.

Ku xigeenka madaxa ergada Soomaaliya u fadhida QM Cawaale Cali Kulane ayaa sheegay in eedaymaha ku qoran warbixinta ay dawladda Soomaaliya ku raacsanayn.

Guddiga kormeerka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa warbixin ay maalin ka hor soo saareen kaga hadlay xaalada Soomaaliya, gaar ahaan burcad badeedka, musuq maasuq, argagixisada, amniga, dhoofinta dhuxusha iyo arrimo kale


Ciidamada Nabadsugida oo gacanta ku dhigay ruux Ganacsade ku dhaawacay degmada Wadajir

Ciidamada Hay’adda Nabadsugida Qaranka ayaa gacanta ku soo dhigay mid ka mid ah labo ruux oo dhaawcay Ganacsade gudaha degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, iyadoo is rasaaseyn dhex martay kooxdii rabtay inay ganacsadaha qaarijiso iyo ciidamada nabadsugida.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Ciidamada Nabadsugida ay u suura gashay inay qabtaan mid ka mid ah labo dhalinyaro oo xabado la dhacayay Ganacsade, waxaana uu xusay in ruuxaas oo dhaawac ah ay gacanta ku hayaan.

"Ciidamada Hey’adda Nabadsugida waxaa u suura gashay inay gacanta ku dhigaan dhagar qabar degmada Wadajir ku dhaawacay ganacsado, ciidamada amniga oo goobta ka ag dhowaa ayaa durbadiiba dhaawacay mid ka mid ah labada ruux, is rasaaseyna dhex martay, qofkii kalena waa baxsaday, waxaana ciidamada gurmad caafimaad u fidiyeen ruuxii kale oo dhaawaca ahaa, waxaa la geeyay goob caafimaad”ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ruuxa ay qabteen ee dhaawaca ahaa uu qirtay inuu ka tirsan yahay AlShabaab, isla markaana horay ugaga soo biiray kooxdii Xisbul Islaam ee bur burtay.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in Ganacsadaha la dhaawacay la geeyay mid ka mid a Isbitaalada Muqdisho, waxaana uu xusay in markii u horeysay ay tahay in ciidamada amniga ay ganacta ku dhigaan kooxo raba inay dil geystaan.

Dhinaca kale waxa auu sheegay inay shabakad isku xiran ay ka jirto degmada Wadajir, kuwaasoo horay dilal kala duwan uga geystay degmadaas, gaar ahaan dilkii u dambeeyay ee degmadaas ka dhaca uu ahaa kii lagu qaarijiyay Engineer, Dhaqtar iyo sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka warbixiyay shirkii dhaqaale uruurinta Qaxootiga ee ka dhacay Brussels

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharma’arke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa oo dalka dib ugu soo laabtay, kadib safar ay ku tageen magaalada Brussels ee dalka Belgiumka, halkaasoo uu ka dhacayay kulanweyne dhaqaallo loogu uruurinayay Qaxootiga Soomaaliyeed ee doonaya inay dalkooda dib ugu soo laabtaan, balse ay xanibeen duruufaha dhaqaale iyo farsamo.

Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub, waxaana ka soo qeybgalay xubno matalayay in ka badan 40 dawladood, hay’addaha ku shaqada leh qaxootiga, wafdi sare oo ka socday dawladda Kenya iyo wafdi uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii dhaqaale lacageed loogu heli lahaa qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Xerooyinka Qaxootiga ee dalka Kenya, kuwaasoo si iskooda ah diyaar ugu ah inay dalkooda dib ugu soo laabtaan, basle aan heysan dhaqaale ay dib ugu soo laabtaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ayaa markii uu shalay dalka dib ugu soo laabtay, waxa uu sheegay in kulankaasi uu ahaa mid muhiim ah isla markaana yabooh dhaqaale loogu sameynayay qaxootiga Soomaaliyeed.

"Waxaan rabaa inaan cadeeyo, qaxootiga aan ka hadleyno ma ahan in si qoor qabad ah dalka dib loogu soo celinayo, qorshahani waa mid ballaaran oo la doonayo in la abuuro marka hore jawi leh adeeg huffan oo ay nolol wanaagsan ku heli karaan Qaxootiga soo noqda. Waxa uuna socon doonaa muddo 4 sano ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Sharmarke oo carabka ku dhuftay in dowladda oo kaashaneysa Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ay u howlgali doonto sidii loogu diyaarin lahaa dadkaasi dib ugu soo laabanaya dalkooda goobihii iyo adeegyadii lagama maarnaanka u ahaa nolosha.

Madaxweyne kuxigeenkii Maldives oo xabsiga loo taxaabay

Madaxweyne kuxigeenka dalka Maldives ee Qaarada Aasiya Ahmed Adeeb ayaa xabsiga loo taxaabay, kadib markii lala xiriiriyay inuu ka dambeeyay isku day la doonayay in lagu qaarijiyo Madaxweynaha dalkaas.

Booliska dalkaas ayaa xaqiijiyay xariga Madaxweyne kuxigeenka oo lagu tuhmay inuu ku lug lahaa qarax bam oo bishii hore uu ku dhaawacmay Madaxweynaha dalkaas Abdulla Yameen. Madaxweyne Yameen ayaa doon kuwa dheereeya saarnaa, xilliga qaraxa uu dhacayay, waxaana loo maleynayaa in qaraxa lagu diyaariyay doonta ka hor inta aanu soo raacin.

Madaxweynaha iyo xaaskiisa ayaa xilligaas ka yimid garoonka diyaaradaha, waxaana uu ku sii jeeday gurigiisa.

Sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa dalka Maldives ka jiray is qab qabsi siyaasadeed, iyadoo Madaxweyne kuxigeenka la xiray uu muddo saddex bilood xilka hayo.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa waxaa sidoo kale lagu soo eedeeyay khiyaano qaran, waxaana xarigiisa kadib sare loo qaaday ammaanka dalkaas.

Ciidamo fara badan oo kuwa Ammaanka ayaa la dhigay wadooyinka Caasimadda Male ee dalka Maldives, iyadoo laga cabsi qabo rabshado ka dhasha xarigiisa.

Dalka Maldives ayaa ku yaala Koofurta Qaaradda Aasiya, waxaana uu deris la yahay dalalka India iyo Sri Lanka, waxaa dalkaas loo tagaa dalxiis, maadaama uu leeyahay jaziirado badan, isla markaana ku yaalla Badweynta Hindiya.

Wasaaradda gaadiidka Jubbaland oo amar dul dhigtay gaadiidleeyda

Wareegto kasoo baxday wasaaradda gaadiidka dowladda Jubbaland ayaa digniin culus loogu diray mulkiileyaasha gaadiidka kala duwan ee ka shaqeeya deegaanada Jubbaland, iyagoo lagu amray in ay qaataan shuruucda gaadiidka, sida Taarikada, Aqoonsiga darawalka iyo shuruucda kale ee gaadiidka.

Wareegtadan oo kasoo baxday wasaaradda boosatada, isgaarsiinta iyo gaadiidka Jubbaland ayaa waxa ku xusnaa in wadeyaasha gaadiidku ay qaataan sharciga wadaha, iyadoo cidii qaadan weeysay ee ay ciidamadu qabteen lagu sheegay wareegtada in ay muteeysan doonto xarig iyo weliba ganaax lacageed.

Wareegtadan ayaa waxaa sidoo kale digniin loogu diray dadka hal taariko u isticmaala gaadiid kala duwan, iyadoo qofkii lagu helana la sheegay in gaariga laga xareyn doono islamarkaana la ganaaxi doono.

Wadooyinka waaweyn ee magaalada ayaa maalmihii u danbeeyay lagu arkayay ciidamada nabadgelyada wadooyinka oo ka wada howlgallo islamarkaana xareeynaya gaadiidka ay ku helaan isagoo aan taariko lahayn amaba uu kaxeeynayo darawal aan sharci wadan.

Tallaabadan ayuu maamulku sheegay in ay ka qeybqaadan doonto sugidda amniga iyo weliba in la aqoonsado gaadiidkii falal amni darro ka geysan raba gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

 

Maamulka Buurdhuubo oo qeylo dhaan ka muujiyay xaaladda nololeed ee degmadaas

Guddoomiyaha degmada Buurdhuubo ee Maamulka Gobolka Gedo Xasan Muxumud Cali ayaa ka warbixiyay xaalado nolol xumo oo ku heysatay dadka danta yar ee degmada Buurdhuubo iyo deegaanada ku teedsan.

Mr Xasan Muxumud ayaa qeylo dhaan ka muujiyay xaalado nolol xumo oo ku heysata shacabka ku nool degmada Buurdhuubo gudaha degmadaasi ee Gobolka Gedo isagoo hoosta ka xariiqay in dadkaasi badi ay ka soo barakaceen deegaanada Miyiga ah ee hoostaga degmada Buurdhuubo halka kuwa kalana ay ka soo carareen Howlgallada ay Ciidamada dowladda ka wadaan deegaanno hoostaga isla degmadaasi Buurdhuubo.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in shacabka ku nool degmada Buurdhuubo ay la daala dhacayaan sida uu yiri xaalado nolol xumo oo ay u baahan yihiin in la gacan qabto.

Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa la sheegay in ay ku nool yihiin Barakacayaal aad u fara badan kuwaas oo aan weli helin wax gurmad samafal ah iyadoo dhowr jeer ay ku cel celiyeen baahiyaha dadkaas ay qabaan Masuuliyiinta Maamulka degmada Buurdhuubo.

Booliska dalka Sweden oo warbixin kasoo saaray weerarkii dhawaan lagu qaaday Iskuulka Kronon

Booliiska dalka Sweden ayaa soo saaray warbixin ay kaga hadleen weerarkii dhawaan lagu qaaday iskuul ku yaala magaalada Trollhättan ee dalkaas, kaasoo ay ku geeriyoodeen arday iyo macallin, waxaana baaritaan ay sameeyeen booliiska Swedan ay ku sheegay inuu weerarku ahaa isirnacayb.

Bulshada ku nool magaalada Trollhätten ayaa si aad ah uga xumaaday falka lagu weeraray iskuulka magaaladooda, waxaana booliiska Swedan ay shalay xaqiijiyeen in weerarkaas uu geystay ruux jinsinacayb uu ka buuxay.

Sidoo kale, ruuxa weerarkan geystay oo wiil 21jir ah oo lagu magacaabo AntonLundinPetterson, kasoo middi iyo baangad ku hubeysnaa, iyadoo markii ugu horreysay baangad ku dilay ardayga Soomaaliyeed oo la sheegay inuu ka furay albaabka, markaas kaddibna wuxuu dilay macallin wax ka dhigayay iskuulka.

Ninkii weerarka fuliyay oo toogasho lagu dilay ayaa la sheegay inuu ahaa nin ku talogalay inuu laayo dadka soo galootiga ah ee dalkaas ku nool, waxaana baaritaanno gurigiisa lagu sameeyay laga helay caddeymo muujinaya inuu ugu talogalay weerarka jinsinacaybka ah ee uu geystay.

"Weerarkan wuxuu muujinayaa sawir ah in dambiiluhu uu weerarka iskuulkaan oo lagu magaaabo Kronon uu ahaa mid cunsurinimo ah,” ayay booliisku ku xuseen warbixinta ay kaga hadlayeen weerarka iskuulka lagu qaaday.

Ugu dambeyn, sarkaal ka tirsan booliiska waddanka Sweden oo lagu magacaabo, Niclas Hallgren ayaa sheegtay in muuqaal ay heleen uu muujinayo in ninka weerarka geystay uu watay middi iyo baangad, uuna la dhacay dhowr qof.

Gaadiidleyda Shabeelaha Hoose oo ka cabanaya Jid gooyooyinka la soo dhoobay Gobolkaasi

Gaadiidleyada ka howlgasha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka cabanaya Jid gooyooyin sidii bilqan ah oo kale ah la soo dhoobay Gobolkaasi.

Illaa 50 Gaadiid ah ayaa ku xanniban degmada Afgooye sida ay ku arkeen halkaasi Wariyayaal Shabelle ka tirsan oo qeybo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose booqasho ku tagay.

Qaar ka tirsan Gaadiidleyda ka howlgasha Gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ay xad ka bax yihiin Jid gooyooyinka islamarkaana ay sameeyeen shaqo joojin.

Darawaladda ayaa ka dalbaday Masuuliyiinta ka tirsan dowladda Federaalka in wax laga qabto Isbaarooyinka Sharci darrada ah ee yaalla Gobolka Shabeelaha Hoose.

Jid gooyooyinka ayaa loo sababeeyaa wada shaqeyn la’aan ka dhxeysa Ciidamada iyo Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada dowladda qudhooda ayaa lagu eedeeyaa in ay qeyb ka yihiin Isbaarooyinka sharci darrada ah ee yaalla Gobolka Shabeelaha Hoose.


Jiil cusub oo Nolol ku Badbaadinaaya Soomaaliya


Dr. Axmed Taajir, dhakhtarka sare ee qalliinka Isbitaalka Keysaney wuxuu isbitaalka ku tababaraya kalkaaliyaal caafimaad. Yaxye (fadhiya dhexda safka hore) wuxuu qaatay tababar kalkaaliye caafimaad dhanka qalliinka. Hadda wuxuu awood u leeyahay in dhakhaatiirta qalliinka ku caawiyo wax ka qabashada xaaladaha khaaska ah.

Maalintii ugu horraysay ee Kalkaaliye Yaxya iska xaadiriyey waaxda qalliinka Isbitaalka Keysaney oo ku yaalo Muqdisho ayaa waxaa la keenay bukaaan qabaa dhawacyo xabad oo halis ah. Yaxye ayaa caawimmada geystay halka dhakhaatiirta sare qalliinka ka badbaadiyey khatar, fursadan caawinta ahna loogu magac daray "riyo rumowday.”

"Tani waxay gebi ahaanba i dareensiisay farxad,” Yaxye ayaaa sidaa yiri maalintiisi ugu horreysay ee qalliin sameeyo bishii Abriil.

Asago ku koray caasimadda Soomaaliya oo tabankii sano la soo dhaafay la kulantay dagaal ba’an iyo weeraro bambaano, Yaxye ayaa goor hore noloshiisa yiri in uu xiiso u hayo caawinta dhibanayaasha rabshadaha. "Arday ahaan ma sugi karo in aan sii dhammeysto waxbarashadeyda,” 21 jirka ayaa sidaa yiri.

Isbitaalka Keysaney door muhim ah ayuu ka cayaaray in gagaar caafimaad oo deg deg ah u fidiyo dadka waxyeelada ka soo gaartay dagaalada. Yaxye wuxuu u riyaaqi lahaa in isbitaalka fursad siiyo kalkaaliyaasha caafimaad oo niyadda u haya in ay waxbartaan hadana ku lug yeeshaan..

"Waxaan jeclaan lahaa in aan arko ardayda baraneysa caafimmadka in ay ka qeyb qaataan tababarkan sharafta leh ujeedkiisuna yahay hagaajinta nolosha bulshooyinka. Waxaan rumeysanahay in anaga keeni karno isbedelka,’ Yaxye ayaa yiri oo horraanta sannadka soo socda dhammeysanaaya tababarka.

Yaxye wuxuu qaatay tababar kalkaaliye caafimaad ee dhanka qalliinka, dhayida iyo tolida. Asagoo raacaya talada dhakhtarka sare ee qalliinka isbitaalka, Dr. Axmed Maxamed sida weyn loo yaqaano Dr. Taajir ayaa Yaxye hadda awood u leeyahay in dhakhaatiirta qalliinka ku caawiyo la wax ka qabashada xaaladaha khaaska ah.

Keysaney waa mid ka mid ah isbitaalada Soomaaliya ugu sareeya. Intii u dhaxeysay Janaayo iyo Maay 2015, in ka badan 700 bukaan ayaa la dhigay isbitaalka oo 217 ay ahaayeen xaalado la xiriira dhaawac hub. ICRC waxay taageertaa 4 isbitaal oo ku yaalaan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya uuna ka mid yahay Isbitaalka Keysaney oo si buuxda loo qalabeeyey si u daaweeyo xaaladaha dhaawaca hubka



Wax badan ka ogow Taariikhda iyo waayaha dalka Poland.


Dalka Poland oo sidoo kale loo yaqaan jamhuuriyadda Poland wuxuu ka mid yahay wadamada ku yaala bartamaha qaaradda Yurub waxaana uu xaduud dhuleed la leeyahay wadamada Jarmalka, jamhuuriyadda Jeega, Ukraine, Slovakia, Belarus iyo Lithuania.

Zabudowa miejska, Rynek we Wroclawiu, Dolnoslaskie (Municipal buildings, Rynek Square, Wroclaw, Dolnoslaskie Province)

Zabudowa miejska, Rynek we Wroclawiu, Dolnoslaskie (Municipal buildings, Rynek Square, Wroclaw, Dolnoslaskie Province)

Bedka dhulka Poland waxaa lagu qiyaasaa 312,679 km labo jibaaran waana taas tan ka dhigtay inuu noqdo dalka 71,aad ee dunnida ugu weyn iyo dalka 9,aad ee ugu dhulka balaaran qaaradda Yurub.

Tirada dadka dalkaan u dhashay waxaa lagu qiyaasaa 38 millyan iyo Shan boqol oo ruux waana dalka 34,aad ee dunnida ugu dadka badan iyo dalka lixaad ee Yurub ugu dadka badan dadka wadanka u dhashayna waxaa la yiraahdaa Polish.

Caasimada wadanka waxaa la yiraahdaa Warsaw oo sidoo kalena ah magaalada ugu dadka badan.

Luuqada wadanka looga hadlo waxaa la yiraahdaa Kashubian calanka wadankuna waxaa uu ka kooban yahay labo midab oo kala ah cadaan iyo casaan ama gaduud qafiif ah.

Taariikhyahyanadu waxay sheegaan in dalkaan oo la degay sanadku markuu ahaa 1025 qarniyadii 16,17,aad waxaa uu ahaa dalka ugu dadka badan wadamada bartamaha Yurub ku yaala.

Dalkaan oo taariikh ku leh dagaaladii dunnida soo maray sidan kii 1,aad iyo kii 2,aad ayaa mar qabsaday Naasiyiintii Jarmalka sanadkii 1939,kii.

Qiyaastii 6 million oo ruux ayaa la aaminsan yahay inay dagaalkaasi ku naf waayeen sanadkii 1947 dalka Poland waxaa uu ka mid noqday wadamada dayax gacmeedyada hawada ku leh.

Dalkaan waxaa uu jamhuuriyad la aqoonsanyahay uu noqday 13 bishii September sanadkii 1989 waxaana uu ururka midawga Yurub ku biiray bishii May sanadkii 2004,tii.

Lacagta wadanka laga isticmaalo waxaa la yiraahdaa Zloty gaadiidku waxay isku dhaafaan dhanka midig.

In ka badan 12 million oo qof ayaa la aaminsan yahay inay adeegsadaan maalin walba taleefanada iyo aaladaha internet,ka.

Xagga diimaha haddii aan eegno Muslimiintu waxay ka mid yihiin dadka ugu yaran waxaana tiradooda lagu qiyaasaa 31,000 oo ruux oo wada Sunniyiin ah.

Islamka waxaa la aaminsan yahay inuu dalkaasi gaaray qarnigii 14,aad.

Waxbarshadana dalkaan sanadkii 1773 waxaa uu noqday dalkii ugu horeeyay ee wasaarad waxbarasho leh qarnigii 12,aad dadka Poland waxay noqdeen dadka dunnida ugu aqoonta badan.

Haddana dunnida waxaa uu ka yahay 10,aad ee ugu waxbarsso wanaagsan dunnida.

Raashinka ugu badan ee dalkaan laga cuno waxaa ka mid ah bariiska, noocyada hilbaha iyo qudaarta.

Sidoo kale dadka Polish,ka waxaa ay xilliyada farxada cunaan rooti midabo kala duwan loo yeelay oo loo yaqaan Chleba.

Xagga cayaarahana kubbadda ayaa aad dalkaan looga xiiseeya hase ahaatee xulka kubbadda cagta wadankaan waligood koob adduun ma qaadin hase ahaatee sanadkii 1974 kaalinta sadexaad ayay ka galeen cayaarihii koobka adduunka.

Sanadkii 2012 dalkaan iyo Ukraine ayaa wada marti galiyay caayaraha koobka Yurub ee loo yaqaan UEFA European Football Championship.

 

W/isku soo ururshay Burhaan Diini Faarax.

burhandiini@gmail.com


Warbixinta QM oo lagu eedeeyay siyaasiyiinta sida aadka ah ugu dhow Madaxweynaha Somalia


Warbixin kooxda kormeerka cunoqabteynta hubka ee Somalia iyo Eritrea ay soo saareen ayaa si gaar ah waxay ugu eedeeyeen siyaasiyiinta sida aadka ah ugu dhow madaxweynaha Somalia inay dhaqaale aad u badan ku bixiyeen sidii ay u maamuli lahaayeen dhismaha maamulgoboleedyada dalka.

Kooxda ayaa warbixintooda ku sheegay in Damul Jadid oo ah xisbi ay ku jiraan xubno aad ugu dhow madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ay kaalin weyn ku lahaayeen in C/kariin Xuseen Guuleed loo doorto madaxweynaha maamulka Galmudug.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu xusay in kooxda Ala Sheekh oo isna ah xibsi ay ku jiraan xubno ay aad isugu dhow yihiin madaxweynihii hore ee Somalia, Sh. Shariif Sh. Axmed ay isku dayeen inay dhaqaale badan ku iibsadaan guddigii loo xilsaaray dhismaha maamulka, si ay u helaan codadka 68da xildhibaan ee ka tirsan baarlamaanka Galmpudug.

"Ma jirto faa’iido la barbardhigi karo sida degdegga leh ee uu C/kariin Guuleed markiiba u guuleystay,” ayaa lagu yiri warbixinta Qaramada Midoobay ay dhawaan soo saartay.

Khuburo waxsaadaasha ah ayaa waxaa laga soo xigtay in dhismaha maamulka Galmdugu ay hareeyeen khliaafyo kala duwan, kuwaasoo caqabad weyn ku ahaa dhisma maamulkan, ayna ka mid yihiin amniga iyo xasilloonida in Somalia laga dhigo mid federaal ah.

Sidoo kale, warbixinta ayaa ka digtay in shabakado siyaasadeed oo isku xiran ay khatar ku yihiin heshiiskii ay shacabka ku nool gobolka Mudug kala saxiixdeen sannadkii 1993kii, kuwaasoo ay xuseen inay sababi karaan inay dhiciseeyaan heshiiskaas. Taasoo ay sheegeen inay keeni karto khliaafyo soo dhexgala dadka ku nool gobollada dhexe ee Somalia, isla markaana ay keeni karto in Puntland ay ka baxdo hannaanka federaaleynta Soomaaliya.

Horumarkan ayaa la sheegay inuu ku yimid dadaallada ay xukuumadda dhexe ee Somalia ku doonayso qorshayaal ay ku doonayso inay iskaashi ka sameyso sidii loo go'aamin lahaa habka dhismaha maamulgoboleedyada

Puntland ayaa ah maamul gooni ah oo ka jira waqooyibari Smalia, taasoo leh ciidammo u gaar ah, dhaqaale u gaar ah iyo xukuumad u gaar ah. halka ay maamulka Jubbaland oo ay taageerayeen ciidanka Kenya ee AMISOM ay isku dayayso in daqliga kasoo gala dekedda Kismaayo uu noqdo mid ay iyada u gaar ah.

Dhanka kale, Puntland ayaa caroweyn ka muujisay qorshayaashii ay dowladda Somalia ku sameynaysay maamulka gobollada dhexe ee dalka, taasoo ay ku sheegtay in lagu doonayo in gobolka Mudug looga jaro maamulkeeda, taasoo ay ku jirto magaalada Gaalkacyo oo ay qayb ka mid ah ay maamusho Puntland.

Iyadoo maamulka Puntland uu sheegtay in dhsmaha maamulkan lagu doonayo in qaybo ka mid ah deegaannada y maamusho looga jaro.

Ugu dambeyn, warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in maamulka loo dhisay gobollada Koonfurgalbeed ee Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ay ku saleysan yihiin sidii loo ilaalin lahaa xiriirka maamulgobollada Somalia iyo dowladda dhexe ka dhexeeya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online Maxuseen@hiiraan.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip